Hargeysa(ANN) Waxa  isa soo taraya dhaqdhaqaayo Abaabulo mudaharaad  ka dhan ah  mooshinka golaha wakiilada Somaliland ku laaleen Arbacadii 9 Nov 2011, diiwaangelintii loogu codeeyay doorashadii Madaxtooyada Somaliland ee dalka ka qabsoontay kal hore 2010, taas oo rayalcaamka

 

bulshadu si weyn uga biyo diideen.
Maxamed Axmed Jaamac (Calooley) oo ka mid dhalinyarada hogaamisa Ururada Bulshada ee ka jira Hargeysa  ayaa ka mid ah kuwa sida  weyn uga soo horjeeda arrinta lagu laalay diiwaangelinta  ee abaabulaya mudaharaadyada , wuxuuna mar ay shebekada Araweelonews wax ka weydiisay yidhi,  “maaha in dib loo celiyo dalka toban sanadood, haddii diiwaan gelin la’aan doorasho lagu gelayo Daahir Rayaale ayaa la deyn lahaa ee kumay dhinteen dhalinyaradii naftooda ku waayay. Waxaaanu wadnaa mudaharaadyo lagaga hortegayo arrintaa si aan dalka fawdo loo gelin oo aan doorasho bilaa diiwaangelin ah loo gelin. Xaqiiqduna waxay tahay golaha wakiiladu wuxuu u muuqdaa mid fawdo dalka u horseedaya,  waayo waxay soo saareen mooshin ay ku laalayaan diiwaangelintii hore, waana mid aanu kasoo horjeednaa, mana aqbalayno hadaanu nahay dhalinyarada mustaqbalka dalka iska leh.”
Xildhibaan Yuusuf Cali Nuur oo ka mid ah golaha Deegaanka Berbera, isla markaana ah wakiilka Tawfiiq Shipping Agency, oo shebekada Araweelonews kula xidhiidhay khadka telefoonka isagoo ku sugan magaalada Berbera ayaa sheegay inay talaabada golaha wakiiladu ku laaleen diiwaan gelintii  codbixinta doorashada ee kal hore ay tahay mid aan la aqbali karin.
Xildhibaan Yuusuf, isagoo arrintaa ka hadlaya wuxuu yidhi, “Waxaan u arkaa khalad  weyn oo ay ummada ka galeen golaha wakiiladu,  habkan diiwaan gelin la’aantuna maaha mid keeni kara tartan xalaal ah ee waa mid fawdo iyo musuqmaasuq horseedi kara. Diiwaangelinteena waxa la socday ID card ahaa aqoonsiga muwaadinka, kaas oo waxyaabo baddan ka tarayay oo ilaa Ethiopia lagu marayay, waxayna ahayd diiwaangelintu wax  qaranimada Somaliland iyo nidaamka geedisocodkaba kor u qaaday oo aduunku inagu taageerayayy meesha ka baxdo waxay muujinaysaa inay  Somaliland dib u socoto, mana aha arrintaa golaha wakiiladu mid la aqbali karo. Sidaa awgeed waxaan ka codsanaynaa golaha guurtida iyo madaxweynaha inay arrintaa hor istaagaan. Oo fawdada laga badbaadiyo qaranka. “
Dhinaca kale Sadexda xisbi  qaran ee ilaa hada jiraa ayaa dhawaaqyo kala duwan ka bixiyay arrintaa, iyadoo Labada xisbi ee Kulmiye iyo UCID iyagu arrintaa ku tilmaamay mid fawdo dalka ka abuuraysa, isla markaana meesha ka saaraysa hanaankii dumuqraadiyada iyo doorashooyinka xorta ah, balse xisbiga mucaaridka UDUB ayaa mawqif kaa ka duwan kaga jawaabay arrintaa, isagoo ku tilmaamay diiwaangelinta marka horeba mid khaladaad badani ku jireen oo aan loo baahnayn.
Mooshinka ay ku laaleen diiwaangelinta  golaha wakiiladu ayaa u gudbaya golaha guurtida, kaas oo awood u leh inuu waxkabedel iyo  kaabis uu ku sameeyo oo kusoo celiyo golaha wakiilada. Kahor inta aanay u gudbin madaxweynaha. Sidoo kalena wuxuu golaha wakiiladu awood u leeyahay  inuu gebei ahaanba  laalo mooshinkaa, haddii ay helaan codka awooda dastuurku siiyay , balse lama saadaalin karo sida ay golaha guurtidu ka yeeli doonaan mooshinkaa. 
Si kastaba ha ahaatee waxa isa soo taraya dhawaaqyo lagaga soo horjeedo talaabada mooshinka golaha wakiiladu ku laaleen diiwaangelinta, iyadoo ay jiraan dhaqdhaaqyo  iyo abaabulo kooxo dhalinyaro ahi ka wadaan magaalooyinka Hargeysa iyo deegaamo kale, kuwaas oo doonaya inay ka hortagaan qorshaha golaha wakiilada ee lagu laalay diiwaangelinta codbixiyayaashii doorashada madaxtooyada ee k al hore.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com   
shalcaw2@hotmail.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *