Hargeysa(ANN)Guddoomiyaha Xisbiga tallada haya ee KULMIYE. Muuse Biixi Cabdi, ayaa sheegay in Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo sadexda xisbi qaran ay isku afgarteen in laga wada qeyb galo shirka London ee lagaga hadlayo arrimaha Soomaalida, kaas oo

ay dawladda Britain shaacisay, isla markaana ku qabanyso dalkeeda bishan.
Kulan ay masuuliyiinta sadexda xisbi qaran shalay kula yeesheen qasriga Madaxtooyada Madaxweynaha Somaliland oo ujeedadiisu ahayd  sidii madaxweynuhu ugu qancin lahaa inay Somaliland ka qaybgasho shirkaa. war-saxaafadeed uu xalay  soo saaray Guddoomiyaha KULMIYE  oo lagu shaaciyay waxyaabaha ay ka wadahadleen madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo iyo masuuliyiinta sadexda xisbi ayaa  u dhignaa sidan:-
“Shir ay Madaxweynaha iyo Sadexda Xisbi Qaran isugu yimaadeen guriga Madaxtooyada JSL xalay oo taariikhdu ahayd 3.02.2012,Madaxweynuhu waxa uu uga waramay isbedel lagu sameeyay qaabkii shirka London ka qabsoomi doona 23.02.2012 waxaanu sheegay
• In dawlada ingiriisku ogolaatay in dawlada Somaliland ku timaado shirkaas iyada oo ka gooni ah Somalia
• Dawlada Ingiriisku waxay xaqiijisay in qodobka ku jira geedi socodka siyaasada (Road Map) uu gaar u yahay TFG-da iyo Gobolada hoos yimaada ,iyadoo dawlada Ingiriisku cadaysay inaanu qodobkaasi khusaynin Somaliland oo aanu shaqo ku lahayn
• Qodobada kale ee Ajandaha ku jira sida Amaanka Gobolka, Budhcad badeeda,Horumarinta I.W.M ,Somaliland waxay kala mid tahay dawladaha gobolka.
• Shirkaasi maaha mid lagu wada hadashiinayo Somaliland iyo Koonfurta Soomaliya.
• Somaliland waxay fadhiisanaysaa meel ka duwan kana durugsan Xubnaha TFG-da iyo Gobolada hoos yimaada.
Sadexda Xisbi Qaran way soo dhaweeyeen isbedelka dawlada ingiriisku ku samaysay qaabkii shirkaas loo tagayay isla markaana waxay sadexda xisbi qaran soo dhaweeyeen hab maamuuska dawlada Ingiriisku siisay Somaliland inay shirkaas kaga qayb gasho.
Waxa la isla qaatay in si wada jir ah Mucaarid iyo Muxaafidba loogu midoobo taabo gelinta Qaranka iyo Aqoonsi raadinta ,waxaa kale oo la isla qaatay in ergo ka kooban (Muxaafid iyo Mucaarid) lagu tago Shirkaas.
Kulmiye waxa uu ugu baaqayaa Ummada Somaliland inay u midowdo nabadda,Horumarinta,Aqoonsi raadinta iyo Dhismaha dalkeena.” Ayaa lagu yidhi qoraalkaa.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com   
shalcaw2@hotmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *