Hargeysa(ANN)Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo uu weheliyay Madaxweyne Ku xigeenka C/raxmaan Cabdullaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa maanta qado-sharaf ugu sameeyay Huteelka Maansoor ee magaalada Hargeysa Mudaneyaasha labada aqal ee

 

Baarlamaanka (Wakiiladda Iyo Guurtida), kulankaa  oo ujeedadiisu ahayd inuu Madaxweynaha Somalialnd  uga xog-waramo mudanayaasha labada aqal qaabka ay Somaliland uga qaybgelay  shirka London.

Kulankaasi qado-sharafta ahaa oo albaabadu u xidhnaayeen, ayaa ahaa mid aan saxaafada loo ogolayn oo ay debeda ka joogtay,  waxaana sidoo  kale oo ka qeyb galay Wasiirro ka tirsan xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo.
Haseyeeshee tibaaxo ay shebekada Araweelonews ka heshay kulankaa ayaa sheegay inuu Madaxweyne Siilaanyo xog ka siiyay in ka baddan boqol xildhibaan oo kulankaa qadada ah ka qaybgalay, iyadoo uu mudanayaasha ku wargeliyay wixii sharaxaad sheeraad ah inuu u dhaafayo wasiirkiisa Arrimaha Debeda oo fadhi labada gole ka yeelayaan arrintaa maalinta beri u sharaxaya.  Sida ay sheegayaan tibaaxaha aanu ka helay kulankaa, waxay  Mudanayaasha  ka socday laba  aqal ku qaabileen Madaxweynaha jawi  xamaasad iyo shucuur leh, iyagoo markii uu ka hadlayay ahmiyada uu shirku u leeyahay Somaliland ku qaabilay sacab, isla markaana ku hanbalyeeyay wadatashiga uu sameeyay ee axsaabta, golayaasha qaranka,  axsaabta iyo ururada siyaasada ee dalka.


Dhinaca kale Guddoomiyaha Golaha Wakiiladda Somaliland C/raxmaan Maxamed Cabdullaahi (Cirro) oo kulankaasi ka dib Saxaafadda u waramayay ayaa ka hadlay kulankii Madaxweynuhu la yeeshay labada gole ee Baarlamaanka Somaliland (Wakiiladda iyo Guurtida) wuxuuna isagoo kulanka ujeedadaa ka hadlaya yidhi,  “Madaxweynaha Somaliland wuxuu u sameeyay qado-sharaf Mudaneyaasha labada Gole ee Wakiiladda iyo Guurtida wuu uga xog waramay, bari ayaanu kulan furan oo wada jir ah ay labada gole ka  yeelanayaan arrintaa.”
Sidoo kale, Wasiirka Arrimaha dibada Somaliland Dr.  Maxamed Cabdullaahi Cumar oo isna ka hadlay kulankii Madaxweynuhu la yeeshay labada aqal waxa uu yidhi,  “Waxa laga wada hadlay kulankan casuumadda ay xukuumadda Somaliland ka heshay dalka Britain, casuumadaasi  waa mid gaar ah oo la mid ah sida ay dalalka kale iyo dawladaha  kale ee Jaarkaba ugu soo casuumeen Ingiriisku shirka ay London ku qabanayaan 23-ka bishan.”
“Sifaha aanu kaga qeyb galaynaa waxa weeye inaanay Somaliland ka mid ahayn khariirada nabadda ee loo qabanayo looguna jihaynayo Soomaaliya, awoodana lagu qaybsanayo. Somaliland qeyb kamay  mid ahayn barigii hore imkana qeyb kama aha, inta uu shirku socdana qeyb kama noqonayso,”ayuu yidhi Wasiirka khaarjigu.


Wasiirku wuxuu ku dooday in Somaliland xil ka saaran yahay inay fikir iyo tallo ku yeelato dhacdooyinka ka jira mandaqada geeska Afrika, isagoo yidhi,  “Somaliland waxay ka mid tahay Geeska Afrika waxaanu u aragnaa inuu xil na saaran yahay qaran ahaan iyo xukuumad ahaanba inaanu fikir iyo tallo ku yeelano arrimaha ka jira mandaqada ee ay Soomaaliya ka mid tahay. Soomaaliya waa dal aynu jaar nahay dhibaatooyin badan ayaa ka jiray duniduna way iska kaashanaysaa sidii wax looga qaban lahaa.”
“Waxa ugu weyn ee aanu u tagaynaa waxa ka mid ah iyadoo madashaasi dunidu iskugu wada imanayso ay tahay fursad aan dalkan hore u soo marin inaanu qadiyada Somaliland aanu kala hadalo beesha caalamka ee halkaasi iskugu imanaysa haddii ay tahay Maraykanka, Ingiriiska, Carabta, Afrika iyo haddii ay tahay Hoggaamiyeyaasha Soomaaliya oo aanu u caddaynayno inay Somaliland tahay qaran madax banaan oo labaatan sanadood dimuqraadiyad iyo dawladnimo ka jirtay,”ayuu yidhi Wasiirka Arrimaha dibaddu.  Dr. Maxamed C/llaahi wuxuu sheegay Goleyaasha Baarlamaanka iyo xisbiyada qarankuba ay si buuxda u taageereen in xukuumadda Somaliland ka qeyb gasho shirka London oo ahmiyad weyn u leh Somaliland iyo mandaqadaba.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com   
shalcaw2@hotmail.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *