Hargeysa(ANN)Taliyaha Cidanka Qaranka Somaliland,  General Maxamed Xasan C/llaahi (Jidhif) ayaa  sheegay inuu dawladda Ethiopia  ka dhexeeyo is kaashi dhinaca amaanka iyo wada shaqayn  joogta ah, isla markaana waxa uu xusay inay hayaan warar sheegaya in Cali Khaliif Galaydh oo

 

ahaa horjoogaha kooxdii shirkii fashilmay ee Taleex ee doonayay inay qas ka abuuraan deegaanada Sool iyo Buuhoodle dawladda Ethiopia xabsiga u taxaabtay. Kadib markii uu socdaal ku tegey magaalada Jig-jiga ee xarunta Kililka Shanaad ee Ismaamulka soomaalida Ethiopia.
Gen.  Maxamed Xasan Jidhif, waxa kaloo uu sheegay inaan waxba ka jirin wararka kasoo baxay dagaalkii ugu danbeeyay ee ka dhacay deegaanka Buuhoodle  oo uu sheegay inaan wax ciidan ah laga qabsan, isla markaana aanu jirin dagaal dhexmaray  ciidanka qaranka somaliland iyo malayshiyada deegaankaa, balse ay ciidanka qaranku kala dhexgaleen laba malayshiyo oo halkaa isku dilay, kuwaas oo sida uu sheegay mid taabacsanayd Galaydh, halka kuwa kalena ay Somaliland taageersanaayeen.

Taliyaha Ciidanka Qaranka Somalialnd Gen.  Jidhif waxa uu sidaa  ku sheegay mar uu maanta xafiiska Miiska Saraakiisha ugu waramayay qaar ka mid ah warbaahinta Dalka, isagoo ka hadlaya arrinta dagaalkana wuxuu  yidhi, “Ciidamada Qaranka Somalilalnd wax alalle iyo wax Ciidana oo ay dagalameen majiro,  waxa dagalamay laba kooxod oo midna Somaliland tageersan tahay oo diidan tahay Cali Khalif Galaydh iyo qaar tageersan Galaydh,  labadaa kooxood ayuu  ku dhexmaray dagalkasi  deegaankaa, anaguna ( Ciidanka qaranka S/land) waanu kale dhex galnay, mana jiro  askari ka tirsan ciidanka qaranka oo layga   qabsaday, laygamana qabsanayo, weligayna  layga qabsan maayo oo  waligay  askari maan lumin” ayuu yidhi Gen. Jidhif.

Gen. Jidhif oo ka hadlayay wararka sheegaya in dawladda Ethiopia xabsiga u taxaabtay galaydh, wuxuu yidhi,   “Cali Khaliif Galaydh , Waxa naloo sheegayaa in Dagaal oogihii Cali Khaliif Galaydh xalay lagu qabtay Magaaladda Jigjiga oo si xun loo qaadey dawladda Ethiopian-na   waxaanu ka wadda soconaa dhinaca nabadgelyadda, waxaanu leenahay wadda tashi iyo iskaashi, waxaanu leenahay inaanu ka ilaalino wixii dhibaato ah, waanuna ka ilaalinaynaa, iyaguna way naga ilaalinayaan” ayuu  yidhi Jidhif.
Wuxuuna munaasibada sanad guuradii 19aad ee kasoo wareegtay aasaaska ciidanka qaranka Somalialnd oo ku beegnayd maanta, balse aan la xusin ku tilmaamay inay ka dhalatay sababta loo xusi waayay dhinaca sharciga ciidanka oo dhigaya inaanu Taliyuhu qaban karin xuskaa haddii uu xilka hayay mudo ka yar todaba bilood. Gen. Jidhif wuxuu ciidanka qaranka  Somaliland u diray hanbalyo ku waajahan munaasibadaa, isagoo u rajeeyay guul iyo midnimo inay ku gaadhaan sanadka sanadkiisa.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com   
shalcaw2@hotmail.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *