Hargeysa(ANN)Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay wefti uu Hoggaaminayay wasiirka iskaashiga caalamiga ah iyo arrimaha Yurub ee wadanka Holland, Mr. Ben Knapen, oo socdaal shaqo ku yimid dalka. Sidaana

 

 

waxa lagu sheegay warsaxaafadeed ka soo baxay xarunta Madaxtootada oo uu ku saxeexnaa Afhayeenka madaxtooyada Cabdilaahi Maxamed Daahir,  waxaanu u dhignaa sidan:- “Madaxweynaha JSL, Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) Waxa uu maanta Qasriga Madaxtooyada ku qaabilay wasiirka iskaashiga caalamiga ah iyo arrimaha Yurub ee wadanka Holland, Mr. Ben Knapen.

Madaxweynuhu waxa uu Weftiga uu si qoto dheer uga waramay horu-marka muuqda ee ka taabo-galay Somaliland iyo marxaladihii ay soo martay, Arrimaha uu Madaxweynuhu sida gaarka ah u taabtay waxa ka mid ah horumarka xaga dimuqraadiyada, nabadgelyada iyo adeega bulshada, waxaanu tilmaamay baahida ay Somaliland u qabto inay iskaashi dhaw la yeelato dawlada Holland iyo wadamada kale ee beesha caalamka, gaar ahaan waxa uu Madaxweynuhu tilmaamay in shacabka reer Somaliland ay beesha caalamka ka sugayaan in la siiyo ictiraaf caalamiya iyo iskaashi horumarineed oo dhinacyo badan leh.


Madaxweynuhu waxa uu uga mahad-celiyay Dawlada Holland kaalinta ay ka qaadato kaalmada ay Somaliland dibada ka hesho, gaar ahaan taageerada dawlada Holland ay siiso Golaha Wakiillada, Golaha Guurtida iyo ururada bulshada ee Jamhuuriyada Somaliland.
Dhinaca kale, Wasiirka iskaashiga caalamiga ah ee dawlada Holland Mr. Ben Knapen waxa uu ka waramay sida ay dawlada Holland u danaynayso una soo dhawaynayso dedaalka, horumarka, dimuquraadiyada iyo nabadgelyada ka taabo-qaaday Somaliland oo uu ku tilmaamay mid tusaale u noqon karta wadamada soo koraya.
Waxa kale oo uu Wasiirku ka hadlay sida ay xukuumadiisu u doonayso in ay kordhiso iskaashi dhex-mara labada wadan gaar ahaan dhinacyada kobcinta dhaqaalaha iyo nabadgelyada.
Wasiirku waxa uu carrabka ku dhuftay in booqashadiisani ay muujinayso ixtiraamka iyo soo dhawaynta ay beesha caalamku u hayso guulaha shacabka reer Somaliland, wuxuuna sheegay in dawladiisa ay ka go’an tahay inay isbarbar-tagaan dedaalka ay Somaliland ugu jirto horumarinta dhaqaalaha, nabadgelyada iyo dimuqraadiyada.
Dhinaca Xukuumada waxa Madaxweynaha kulankan ku wehelinayay Madaxweyne ku-xigeenka JSL, Mudane. Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil Saylici, Wasiirka Arrimaha Dibada, Dr. Maxamed Cabdilaahi Cumar, iyo Chief of Cabinetka Mudane. Xirsi Cali Xaaji Xasan.
Dhinaca Weftiga waxa kulankan wasiirka ku wehelinaayey Safiirka wadanka Holland u fadhiya dalka Itoobiya, Agaasimaha Arrimaha Afrika ee Wasaaradda Arrimaha Dibada ee Holland, Safiir ku xigeenka dawlada Holland u fadhiya wadanka Kiiniya, la taliyaha wasiirka Arrimaha Dibada ee Holland, Afhayeenka Wasaarada khaarajiga Holland iyo diblomaasiyiin kale oo ka tirsan dawlada Holland.”
Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com   
shalcaw2@hotmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *