Hargeysa(ANN)La taliyihii Arrimaha Dhaqaallaha Xukuumaddii Daahiir Rayaale, Marxuum   Cumar Xuseen  Ibraahin, ayaa ku geeriyooday dalka Canada. Kadib markii xaalad caafimaad loo geeyay halkaa dhowaan. Marxuum Cumar Xuseen oo xilal

kala duwan kasoo qabtay xukuumaddihii dawladii Somalia iyo Somaliland, wuxuu ahaa aqoonyahan Baankar ah, isla markaana kasoo qayb qaatay halgankii iyo dib u dhiskii dalka Somaliland.  sidoo kale Marxuumku  wuxuu ka mid ahaa aqoonyahanka wasaaradda  waxbarashada  iyo tacliinta Somaliland doorka ku lahaa, isagoo ka mid ahaa khuburada iyo Odayaashii  dejiyay manhajka waxbarshada Somaliland ee dugsiyada.
Hase yeeshee Cumar Xuseen  oo xukuumaddii Daahir Rayaale ahaa la taliyaha arrimaha dhaqaallaha ee xukuumadda, wuxuu mudooyinkii danbe ku biiray siyaasada, isagoo dhowaan markii Somaliland lagaga dhawaaqay ururada Siyaasada ka mid noqday aas-aasayaashii Urur lagu magcaabo Jamhuuriga, kaas oo ka noqday Guudoomiye, balse uu markii danbe wareejiyay , ka hor intii aanu ku  hadhin  ururkaasi tartankii qiimaynta ahaa ee lagu sameeyay Ururada siyaasada.
Sida ay shebekadda wararka ee Araweelonews u sheegeen qaar ka  mid ah qoyskiisu, waxa maydka marxuumka la filayaa in la keeno dalka maalmaha soo socda.
Bahda shebekada Araweelonews, waxay ka tacsiyadaynaysaa qoyskii, qaraabadii,  ehelkii  iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxay marxuumku, waxayna Illaahay uga baryayaan inuu marxuumka janadii fardawsa ka waraabiyo iyagana samir iyo iimaan ka siiyo.
Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com   
shalcaw2@hotmail.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *