Nairobi(ANN)Ciidamada Dalka Uganda, ayaa baadi goobaya Diyaarado nooca Milateriga ee nooca loo yaqaan Helicopter, kuwaas oo laga soo diray dalkaa, isla markaana la doonayay inay ka qayb qaataan hawlgalada ciidamada
AMISOM ee ku sugan Somalia.
Sida ay sheegayaan saraakiil ka tirsan Ciidamada Uganda, waxa diyaaradahaa oo tiradoodu ahayd Afar la waayay Sadex Helicopte oo ka mid ahaa diyaaradahaa oo ay la socdeen ku dhowaad 30 ka tirsan ciidanka Uganda ee Cirka oo isugu jira Sarkaal iyo farsamo yaqaano kuburo ah.
Saraakiisha Uganda ayaa sheegay inay diyaaradahaa oo la filayay inay shidaal ka qaataan dalka Kenya, gaar ahaan degmada Wajeer la waayay. Kadib markii mid keliya ay ku degtay halkaa, waxayna sheegeen inay lumen diyaaradaha la la’yahay, isla markaana la baadi doonayo oo ay suurta gal tahay in la helo, balse warar kale ayaa sheegaya inay suurta gal tahay in diyaaradahaa ay soo rideen kooxda ka dagaalanta Soomaaliya ee Al-shabaab, kuwaas oo tan iyo intii ay dagaalada ka socda dhinaca jubooyinka ee xadka ay Somaliland iyo Kenya wadaagaan oo ay ciidamada Kenya hawlgalo ka fuliyeen lagaga soo riday dhawr diyaaradood. Laakiin ma jiraan warar la xidhiidhaa diyaaradahaa oo kasoo baxay dhinaca Al-shabaab.
Araweelonews Mobile
Somaliland Office
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com