Lawyacado(ANN) Koox Malayshiyo ah oo ku sugan deegaanka Lawyacado ee xadka u dhexeeya Somaliland iyo Djibouti ee dhinaca galbeedka ayaa falal Kufsi ah kula kacay sadex Hablood oo doonayay inay u gudbaan dhinaca dalka Djibouti. Sida ay shebekada

 

wararka ee araweelonews u xaqiijiyeen dad kala duwan oo deegaanka lawyacado ku sugan.
Mid ka mid ah Odayaasha deegaanka oo ka gaabsaday in magaciisa la xuso ayaa u sheegay shebekada Araweelonews in sadexdaa Hablood oo laba dadooda lagu qiyaasay 14-jiro ay kufsadeen 11 Nin oo ka mid ah Malayshidaa sida ay u sheegeen Booliska iyo Odayaasha markii lagu soo celiyay magaalada Lawyacado, kuwaas oo ay sheegeen inay dhaawacyo kale gaadhsiiyeen.

Haweenayda kale ayaa u sheegtay Booliska in iyada hal Nin kufsaday, isla markaana waxa sadexdaa hablood ay kooxdaasi u geysteen dhaawacyo kale, kuwaas oo lagu daweeyay xarun caafimaad (MCH) ku yaal Lawyacado, balse markii danbe la geeyay Guri ku yaal magaalada.

Sida uu shebekada wararka ee Araweelonews u sheegay Nin ka tirsan Odayaasha deegaanku, waxa uu falkaasi dhacay shalay duhurkii, iyadoo sadexda hablood sida ay ku warameen ka tageen deegaanka Wajaale, isla markaana ay doonayeen inay xadka Djibouti ku galaan tahriib, balse kooxda Malayshiyada oo degan meel aan ka fogayn siliga uu maro xadka djibouti waxa ogaaday kooxdaa, kuwaas oo labada hablood ee dadoodu tahay 14-jirada lasoo hadhay, isla markaana isugu daray kufsi iyo garaacis.

Iyadoo gabadha sadexaad oo dadeeda lagu qiyaasay 20 jir ay ka carartay kooxdaa, balse mid ka mid ah raggaa ayaa soo qabtay oo ku gaadhay xadka, kaas oo kula kacay falkaa kufsiga iyo garaacista ah.

Dhinaca kale Masuuliyiinta gobolka oo aanu isku daynay in aanu arrintaa wax ka weydiino ayaanay noo suurta gelin, kuwaas oo diiday inay ka jawaabaan khadka isgaadhsiinta oo aanu kula xidhiidhnay.

Dhacdadan ayaa noqonay mid foolxun oo ka mid ah gabood-falada lagula kaco xaquuqda aadamaha ee ka dhaca Somaliland, iyadoo dhacdadani noqonay mid badheedh ah oo ku cudub Bulshada deegaanka, isla markaana cabsi gelinay dadka isaga goosha xadka u dhexeeya Somaliland iyo Djibouti, kaas oo ay dhinaca dalka Djibouti uga gudbaan kooxo haween ah oo tahriib ku gala dalkaa.

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *