Hargeysa(ANN)Muran iyo khilaaf ayaa ka dhashay dhawaaq kasoo baxay Masuul ka tirsan xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo oo hadal ka jeediyay Munaasibad lagu maamuusay Urur siyaasadeedka Rays oo ka mid ahaa Ururada ku hadhay

 

tartankii doorashada golayaasha deegaanka iyo tartanka axsaabta qaranka ee dalka ka dhacday 28 Nov 2012.

Munaasibadaa oo shalay lagu qabtay Huteelka Maansoor ee Magaalada Hargeysa, waxay ahayd mid Ururka Rays ku shaacinayay inuu ku biiray xisbiga xukuumadda ee KULMIYE, waxaana ka qaybgalay masuuliyiinta Xisbiga Kulmiye, Urur siyaasadeedka Rays, salaadiin iyo marti sharaf kale, balse waxay xaaladu murugtay. kadib markii    Wasiir u dawlaha Wasaaradda Maaliyadda Somaliland Cismaan Cabdilaahi Saxardiid (Caddaani) oo hadal ka jeediyay munaasibadaa uu ka dhawaajiyay  in aanay Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo Dhaqaalaha Wadanka ku laaluushin Salaadiinta iyo Odayaasha kale ee dhaqanka, balse ay Dadka wax ugu qabtaan.

Hase yeeshee waxa ereyada wasiir Caddaani ka cadhooday Suldaan Yuusuf Maxamuud Xiiray oo ka mid ah Madaxdhaqameedka Hargeysa oo ka cadhaysan hadalka wasiirka ayaa jawaab deg deg ah ka bixiyay, isagoo yidhi,
“halkan Wasiirbaa ka sheegay inaanay xukuumadda Siilaanyo Lacagta umadda Salaadiinta iyo Nabad-doonada ku laaluushin ee ay dalka wax ugu qabato, hadalkaa waxaan u arkaa mid gef iyo Meel ka dhac ku ah salaadiinta iyo madaxdhaqameedka, waxaan leeyahay Wasiir Casoowe Salaadiinta iyo Odayaasha Dhaqanku waligood Xukuumadda lacag kamay qaadan.

Nabad-doonadu waxay waligoodba ka shaqayn jireen Nabadeynta iyo Danaha Umadda, maalintii dalka la soo galay waxay ahaayeen kuwii Ciidamada loo diray ee soo xareeyay ee nabadeynta ka qayb qaatay, markaa Xukuumadda iyo Xisbiga Kulmiye waxaan leeyahay hadalkaaasi haka xaalmariyeen madaxda Dhaqanka, waxaanan ka doonaynaa xaal marin”ayuu yidhi Suldaan Xiiray.

Suldaan Yuusuf Xiiray dhawaaqa kasoo baxay ayaa guux iyo sawaxan ka abuuray madasha, taas oo mar keliya xaalada cirka ku shareertay, balse Guddoomiyaha Ururkii Rays Xasan Gaafaadhi ayaa qabsaday Mikirifoonka, wuxuuna isku deyay inuu xaalada dejiyo, isagoo ka dalbay gudoomiyaha KULMIYE Muuse Biixi  inay xaal ka bixiyaan dhawaaqa wasiir Caddaani.

Dr. Xasan Gaafaadhi oo arrintaa ka hadlaya, ayaa yidhi,  “Suldaan Xiiray waxaan leeyahay Calankii lagu saaray malaha waxaad moodaysay kii kulmiye ee wuxuu ahaa kii Rays, qolada Kulmiyena waxaan leeyahay Ururka Rays iyo Madaxda dhaqankaba waa inaad naga xaal marisaan hadalkaa Wasiirka kasoo yeedhay oo aanu u argno mid qadaf nagu ah”ayuu yidhi. Gaafaadhi.

Hase yeeshee mar kale ayay xaaladu faraha kasii baxday. kadib markii Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi oo gabagabadii Munaasibada ka hadlay sheegay inuu hadalka wasiirka ka xaal-marinayo Odayaasha dhaqanka, isagoo yidhi,  “waxaan doonayaa inaan halkan ka sheego mid ka mid ah Hadafyada Xisbiga kulmiye iyo ujeedooyinkiisa maxaa ka mid ah, waxaan doonayaa inaan cadeeyo in Xisbiga Kulmiye sharaf weyn iyo qadarin u hayo Madaxda dhaqanka, taana waxa ka markhaati ah talo-wadaaga mar kasta Xukuumadu la samayso Madaxdhaqameedyada, raga Kulmiye hogaankiisa ah iyo Xukuumaddana waxa ka madax ah ragii SNM ahaa  ee ay nabadeynta kasoo wada shaqayn jireen, wax xumaan ahna kama sheegi karno”ayuu yidhi.

Laakiin mar kale ayay xiisadu sii kacday. kadib markii uu ka cadhooday Wasiir Dawlaha Maaliyadu xaalka uu bixiyay Gudoomiyaha Kulmiye Muuse Biixi, taas oo ay isku afdhaafeen Gudoomiyaha Kulmiye iyo Wasiir dawluhu, waxayna arrintaasi sababtay inuu Mr. Caddaani oo dhawaaqa xaalmarinta ee Gudoomiyaha Kulmiye ka cadhaysani ka baxo munaasibada, waxayna ku dhamaatay xafladaasi iyadoo aan xal loo helin dhawaaqyada masuuliyiinta ee laysku maandhaafay.

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *