Hargeysa(ANN)Golaha Guurtida Somaliland ayaa talooyin ku waajahan siyaasada arrimaha debeda usoo jeediyay xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo. fadhigii maanta ee golahaa aoo uu shir gudoominayey Gudoomiye Xigeenka labaad ee

Golahaasi  Siciid Jaamac Cali, waxay mudanayaashu warbixin ku saabsan siyaasadda Arimaha dibadda ka dhegaysteen guddi hoosaadyada siyaasadda arimaha dibada iyo iskaashiga caalamiga ah.

Sidoo kale waxa warbixin laga dhegeystay gudida arrimaha nabadgelyada iyo Difaaca ee golahaa.

Xildhibaan Sahal Iidle Dirir waxa oo ah gudoomiyaha guddi hoosaadka siyaasadda Arrimaha dibadda oo warbixin ka  jeediyey golaha ayaa sheegay in siyaasadda Arrimaha debedda ee Somaliland ay mudooyinkan dambe noqotay mid aad looga hadal hayo shaaricyada iyo goobaha ay dadweynaha Somaliland ku kulmaan, wuxuuna xusay in dalka Somaliland yahay mid ay shacabkiisu u hamuun qabaan aqoonsi caalami ah oo ay ka helaan beesha caalamka.

Warbixinta guddi hoosaadka siyaasadda arrimaha debedda ee Golaha guurtida Somaliland waxa nuxur ahaan talo loogu soo jeediyey xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo qodobadan:-

• Wasaaradda Arrimaha debedu inay dardargeliso, isla markaana kordhiso tayadooda xafiisyada ay Somaliland ku leedahay dalka debediisa.

• In shacab iyo golayaalba la is dhinac taago qorshayaasha xukuumadda ee ku taxaluqa siyasadda debedda ee Somaliland.

• In wadahadaladii u socday labada Dal Somaliland iyo Somalia la sii amba-qaado, goob kastana laga caddeeyo madaxbanaanida Somaliland.

Dhinaca kale Guddi hoosaadka Arrimaha nabadgelyada iyo difaaca ee Golaha guurtida ayaa golaha hordhigay warbixin la xidhiidha xaalada amaanka, isla markaana ka talo bixiyey durufaha nabadgelyo ee inagu xeeran, waxayna soo jeediyeen in la adkeeyo amniga xuduudaha dalka, lana hubiyo dadka soo galootiga ah ee kasoo tallaabaya dalalka ay Somaliland la wadaagto xuduudaha

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *