Faaqidaad

 Hogaamiyaha xisbiga mucaaridka ee Kulmiye ayaa ku guulaystay doorasha Somaliland ee cosbixinteeda loo dareeray 26 jun 2010, taas oo natiijadeedii komishanka doorashooyinka qaranku ku dhawaaqeen  khamiistii  1 july 2010. Doorashada natiijadeeda  lagu dhawaaqay ee Madaxtooyada Somaliland, waxay ahayd

 

 mid si weyn loogu hanqaltaagayay, isla markaana soo martay marxalado kala duwan iyo duruufo siyaasadeed oo  jaahwareeriyay sannadii u danbeeyay somaliland. Kadib markii ay dhamaatay mudadii dastuuruga ahayd ee Madaxweynaha, Basle  muda kordhin tiraba saddex goor golaha guurtidu  u sameeyay Madaxweyne Rayaale  oo soo nqonqotay, taas   oo abuurtay  khilaaf iyo muran  siyaasadeed  oo hadheeyay, ama  cakiray  xaalada dalka. laakiin ay xaaladu sii murugtay wixii ka danbeeyay laalista natiijada diwaan gelinta ee xubnihii komishankii hore ku dhawaaqeen July  2009, taas oo si weyn dabka ugu sii qabatay   khilaafaadkii siyaasadeed ee xiligaa jiray oo gilgilay xaalada amaanka, isla markaana dhaawacay rajadii iyo yidiiladii shacbiga oo marka horeba sii liidatay . Balse ugu danbayntii  waxa lagama maarmaan noqotay in la gaadho doorashada sida weyn loo sugayay ee Madaxtooyada.

 

 

Hase yeeshee intii aan loo dareerincodbixinta  doorashadaa 26 Juun 2010, waxa soo baxayay saadaal marba marka ka danbaysa isa soo taraysay oo ku wajahnayd cida la filayo inay ku guulaysanay doorashada Madaxtooyada, maadaama ay musharixiinta Madaxwynaha ee sadexda xisbi yihiin kuwii hore ugu tartamay sideed sannadood ka hor.

Inkasta oo saadaasha iyo qiimaynta loo cuskunayay  kala duwanayd, balse waxa inta badan muuqatay inay adagtahay in musharaxa ruug cadaaga ah ee xisbiga Kulmiye laga guulaysto, maadaama siddeed sannadood ka hor xisbiga tartanka weyni ka dhexeeyey  ee xisbul xaakimka UDUB oo sideedaa sanadood dalka ka talinayay aanay muuqan wax uu qabtay, isla markaana uu yahay  musharaxa  xisbiga UDUB kii siddeed sannadood ka hor tartanka adagi dhexmaray. Laakiin aanay jirin astaamo bulshada ay codka ka doonayaan ku siin karaan,  maadaama uu waxba kama jiraan ka dhigay wixii uu balanqaaday siddeed sannadood ka hor xiligii kaanbaynka doorashada madaxtooyada, taas oo xiligan mucaaridka siisay fursad weyn iyo inay ku xisaabtamaan guulo ay kasoo hoynayaan marka la gaadho doorashada madaxtooyada.  

Marka laga yimaado qoraalada faalooyinka iyo falanqaynta ee qorayaal badan iyo suxufiyiinta qaarkood ku saadaalinayeen guusha doorashada, waxa iyana jiray xarumo iyo Machadyo soo bandhigay mudo yar ka hor daraasado ay ku saadaalinyaan cida ku guulaysanay doorashada Madaxtooyada Somaliland ee dhacday 26 Juun, 2010.

Tusaale Machadaka daraasaadkaCaalamiga ah ee siyaasada Bariga Afrika( East Africa Policy Institute) oo loo soo gaabiyo (EAPI) ayaa todobaadkii hore soo bandhigay warbixin uu ku saadaalinayo doorashada Madaxtooyada Somaliland ee la filayo in loo dareero 26 Juun, taas oo uu ku saadaaliyay saddexda xisbi ee ku  tartamaya midka sida weyn loo saadaalinayo inuu ku guulaysto hogaaminta dalka.

Waxayna warbixinta Machadku soo saaray wax ka yar laba  todobaad ka hor codbixintii doorashada ku yidhi, sidan  “Haddii ay xisbiyada UCID iyo KULMIYE ay u soo leexdaan 5-10% oo keliyi waxaa KULMIYE u suurtogelaya inuu codad lagu qiyaasay 50,000 ilaa 100,000 oo cod uu kaga guuleysto xisbiga UDUB marka dib loo fiiriyo sideetankii cod ee doorashadii hore ee madaxtooyada lays dheeraa. Boqol kun oo cod oo uu KULMIYE dheeraado xisbiga UDUB waxay muujinaysaa guul weyn oo KULMIYE u soo hoyatay.”

Sidoo kale Xarunta Wadahadalka iyo dumuqraadiyada CfDD ayaa markii labaad soo saartay daraasad lagu saadaalinayo natiijada codbixinta doorashada madaxtooyada Somaliland todobaad ka hor codbixintii doorashada madaxtooyada ee dalka ka dhacday 26 Juun 2010, waxayna ku saadaalisay inuu xisbiga kulmiye ee mucaaridku ku guulaysanayo doorashada madaxtooyada Somaliland. Waxayna xaruntu waraysiyo ka qaaday dad kala duwan oo dadooda, heerka aqoontooduba kala duwan yihiin, isla markaana ku kala nool gobolada dalka oo dhan una qaybsan Rag Iyo Haween, kuwaas oo natiijadii uga soo baxaday ahayd sidan;- “Isku gayn 750 qof ayaa ka qaybgalay rayi ururintan. Taas oo ka badan tiradii qaybtii hore ee sahaminta ka qaybgashayhore ee markii hore la waydiiyay suaalaha. 420 qof  oo uu dhigma 56 waxay ahaayeen rag halka 330 qof una dhigma 44% ay ahaayeen dumar  Dhinaca da’da 205ka mid ah una dhigma 27% waxay ka yaraayeen 25sano. 330 qof una dhigma 44% waxay da’doodu u dhaxaysay 25-45sano. Halka 215 qof una dhigma 28% ay da’doodu ka waynayd 45sano.

Saadaasha xarunta ayaa noqotay mid aad ugu dhow marka la eego natiijada doorashada oo ay saadaaliyeen inuu xisbiga Kulmiye ku guulaysanayo 48 % , halka xisbiga Udub ay ku saadaaliyeen inuu helayo 27 % xisbiga  Ucid 25 %, laakiin waxa wax iska bedeleen tirada guud sida daraasada xaruntu ku shaacisay, sida ka muuqata shaxda ku lifaaqnayd daraasdaa dhinaca guusha xisbiga Kulmiye waxay noqotay 49. 59 %, UDUb 33.23 % Ucid 17.18 %, iyadoo tirada xisbiga Kulmiye korodhay, halka Ucid hoos iga dhacday tirada guud ee saadaasha. Sidoo kale waxa korodhay tirada saadaasha inta ay helayso UDub. Laakiin marka saadaasha gobolada ee xarunta iyo sida ay ugu kala guulaysanayaan la eego shaxdaa waxa keliya ee isbdel ku yimi oo aan u markhaati furin gobolka saaxil marka si guud loo eego gobolada oo ay xarunta saadaasha samaysay sheegtay inuu Kulmiye ku guulaysanayo tirada guud ee gobolkaa.  

Si kastaba ha haatee waxay daraasadan iyo kuwo kale oo badan oo lagu saadaalinayay inuu ku guulaysanyo doorashada madaxtooyada xisbiga kulmiye ahaayeen kuwo waqtigan oo natiijadii soo baxaday ay 99% u markhaati furtay, sababtoo ah mihiim maaha in cabirka saadaashu wada waafaqo natiijada komishanka, balse waxay isweydiintu noqonaysaa si guud saadaashu ma noqotay wixii la filayay ee lagu saadaaliyay inuu ku guulaysanayo doorashada madaxtooyada xisbiga kulmiye.

Si kastaba ha ahaatee waxa doorashada uu ku guulaysay hogaamiyaha rug cadaaga siyaasiga ah ee Axmed Siilaanyo Oo Siddeetan Cod  Ku Haniyeeyay  Hogaaminta Dalka Siddeed Sannadood Kadib Ugu   Guulaystay Sideetan Kun Iyo Saayid Doorashada madaxtooyada noqonaysaa mid taariikhi ah, isla markaana waxay dad badani rumaysan yihiin inay guusha maantu ku timi samirka iyo dulqaadka Axmed Siilaanyo oo marka laga yimaado haalgankii uu dalka iyo dadka usoo galay in ka badan sodon sanadood, waxa jiray  duruufo iyo maraxalado foolxun oo uu kasoo dabaashay mudadaa siddeeda sanandood ahayd ee la sugay doorashada.

Marka laysku soo ururiyo dhamaan waxyaabo badan iyo xaaladihii ay bulshada Somaliland soo martay sideedaa sanadood waxay jawaabta shacbiga ee natiijada doorashada madaxtooyadu u muuqataa gedood shacbi oo si cad u muujinaya rabitaanka shacbiga, waxaana lagu tilmaami karaa guul weyn oo usoo hoyatay shacbiga Somaliland sida uu ka dhawaajiyay madaxweynaha cusub ee la doortay oo ku tilmaamay guusha mid  shacbigu leeyahay, isla markaana waxa dib u noolaatay rajadii iyo yididiiladii shacbiga Somaliland oo duruufo iyo xaalado qalafsan ku jiray sideed sanadood oo uu dalka ka talinayeen kooxda xukuumadii Rayaale ee Nss-ta ahyd, kuwaas oo maanta garwaaqsaday xaqiiqda hortooda taala iyo jawaabta runta ah ee shacbiga Somaliland.  

By,  Carraale  M. Jama  Freelance Journalist and Human Rights Activist 

Araweelonews Hargeysa Office                  

E-mail; Info@araweelonews.com/ jaamac132@gmail.com/ shalcaw2@hotmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *