Hargeysa (ANN)Madaxweynaha cusub ee Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa markii labaad kulan albaabadu u xidhan yihiin la yeeshay Madaxweynaha xilka sii haya ee uu kaga guulaystay tartankii doorashada madaxtooyada Daahir Rayaale Kaahin.  

Kulnaka  labada Masuul ayaa ahaa mid aan saxaafada loo ogolayn, isla markaana 

 

 aan  si toos ah looga war hayn waxyaabihii ay ka wadda hadleen iyo nuxurka uu kulankooda shalay  uu xambaarsanaa, hase yeeshee sida ay tibaaxeen warar ku dhow  kulankaa labada Madaxwayne ayaa tibaaxay  in uu la xidhiidhay wadda tashi ku saabsan Xukuumada cusub ee Madaxwayne Axmed Siilaanyo, maadaama  uu  hore u sheegay inuu gogol wadda tashi ah u fidinayo labadii Murashax ee uu kaga guulaystay Doorashadii Madaxtooyada.

 

 

Wararku waxa ay intaa ku dareen in Madaxwaynaha cusub Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), iyo Madaxwaynaha xilka sii haya ee Daahir Rayaale Kaahin uu kulankoodu saacado qaatay, isla markaana aan cidi ku wehelinayn kulankooda, waxaana ay ilo xogogaal ahi tibaaxeen inay labada masuul ka wada hadleen qaabka ay u dhacayso xil wareejintu iyo qoddobo kale.

Maaha markii u horaysay ee ay wadda kulmaan Madaxwaynaha cusub Axmed Siilaanyo iyo Madaxwaynaha xilka sii haya Daahir Rayaale, hase yeeshee maalintii doraad ayay ahayd markii ay labada Masuul ay kulan albaabadu u xidhan yihiin kuwada qaateen Xarunta Madaxtooyada, kulankaa oo ahaa mid ku koobnaa booqasho gaaban oo Madaxweynaha cusub Axmed Siilaanyo ugu tegey madaxweynihii hore ee uu tartanka kaga guulaystay doorashadii madaxtooyada ee codbixinteeda loo dareeray 26 juun 2010.

 

By,  Carraale  M. Jama  Freelance Journalist and Human Rights Activist 

Araweelonews Hargeysa Office                  

E-mail; Info@araweelonews.com/ jaamac132@gmail.com/ shalcaw2@hotmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *