Dr. Maxamed Rashiid oo ka hadlayay Kulan ay ku sagootiyayeen qurba jooga UCID

Hargeysa (ANN) Guddoomiyaha xisbida Cadaalada iyo daryeelka UCID Eng Faysal Cali Waraabe iyo Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland Md Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) ayaa xalay ka qayb galay Munaasibad balaadhan oo masuuliyiinta xisbigu ugu mahad-naqayeen shakhsiyaadkii doorka fiican ka soo qaatay ololihii xisbigu ugu jiray sidii uu talada dalka gacanta ugu dhigi lahaa.

 

 

 

Munaasibada oo ahayd casho sharaf loogu tallo-galay dadkii ugu dhaqdhaaqaqa faraha badnaa mudadkii 21-kii maalmood ahayd iyo dadkii xisbiga Codkooda siiyay oo iyagana warbaahinta loo mariyay mahad-naqooda ayaa waxa ugu horeyn halkaa ka hadlay Guddoomiyaha Xisbiga UCID ahaana musharixii Xisbiga ee doorashadii dhawaan la soo gabogabeeyay, waxaanu sheegay in shacabka Somaliland wada guulaystay mar haddii xisbigii UDUB talada laga qaaday.

Guddoomiye Faysal Cali Waraabe waxa kale oo uu dadkii munaasibada mahad-naqa ah ka soo qayb-galay ka codsaday in aanay is ciil kaambiyin, isaga oo tilmaamay in xisbiga cadaalada iyo daryeelu sameeyay dadaal faro badan isla-markaanau uu soo bandhigay waxyaabo badan oo uu isagu kaalinta koowaad ku qaaday.

Md Faysal oo ugu horeyn ka hadlaya ujeedada ay xaflada u sameeyeen ayaa yidhi “Xafladan waxaanu u qabanay in aanu u mahadcelino dadkii xisbiga iyo kuwii na raacay ee wakhtigii ololaha lagu jiray inaga oo kaalinta koowaad ka galnay ololihii doorashada Madaxtooyada Somaliland”

Md Faysal waxa kale oo uu soo qaaday “Waxaynu soo bandhignay barnaamij  fiican oo adduunkan oo dhan laga jeclaaday, waxaynu keenay kitaabkii Qur’aanka ahaa haddana dadku waxay u codeeyeen, laakiin inagu waxaynu ahayn Somaliland oo waxaynu u tartamaynay kursigu kaalinta labaad ayuu ka ahaa.” Ayuu yidhi waxaanu intaa ku daray “Walaalayaal yaan waxba la isciil-kaambiyin xasanaadkii badnaa ee aynu dalka u gaysay ILAAHAY agtiisa way inoo taalaa, waxaanad ogaataan in xilka Somaliland xisbiga UCID ku dambayn doono, inkasta oo aynu hadda dadaal badan samaynay haddana waynu hafanay oo badwayn ayaynu galnay.”

Guddoomiyaha xisbiga UCID Md Waraabe waxa kale oo uu ka hadlay “Xisbiga UCID waxa uu noqonayaa xisbiga ugu dambeeya ee Somaliland ugu dambeeya, waxaanad ogaataan in aynu wada guulaysanay mar haddii masiibadii UDUB ahayd meshii laga qaaday.” Ayuu yidhi isaga oo intaa sii raaciyay “Way fiican-tahay in dadku UDUB iyo KULMIYE soo tijaabiyaan.”

Guddoomiyaha xisbiga UCID Md Faysal Cali Waraabe waxa kale oo uu ka hadlay “KULMIYE waanu kala hadalnay Maxamed Rashiid Sheekh Xasan oo ay ku dareen gudida uu Madaxwaynaha la doortay samaystay, taas oo dad badan u fahmeen in aanu anagu ka dambayno, laakiin maaha fikir anaga iyo isaga toona ka yimid, laakiin hadda waanu u ogolaanay, inkasta oo aanu ku nidhi hana fadhataysanina.” Ayuu hadalkiisii ku soo koobay.

Dr Maxamed rashiid Sheekh Xasan oo ahaa Musharixii Madaxwayne ku xigeenka UCID oo isna munaasibada casho sharafta ahaa kalmado kooban ka sheegay ayaa yidhi “Dadaal waynu samaynay laakiin calafka ayaa siiyay  KULMIYE’”

Caasha Xuseen Maraykan, oo ahayd Guddoomiyhii ololaha xisbiga UCID ee Goboka Saaxiil oo iyaduna ka mid ah ahayd shakhsiyaadkii kalmadaha koobkooban ka sheegay isla-markaana la dardaarmay dadkii munaasibada ka soo xaadiray ayaa hadalkeeda ku bilowday sidan “Haddii aanu garabka haweenka xisbiga Cadaalada iyo daryeelka nahay dadaal badan ayaanu samaynay oo codad badan ayaanu keenay, imikana dadaalkayaga waanu sii wadi doonaa haddii ILAAHAY yidhaahdo.”

Marwo Caasha Maraykan oo aad hadalkeedu u koobnaa ayaa waxa kale oo ay soo qaaday “Shacabka waxaanu u sheegaynaa in aanu balantii ahayd diinta ayaanu idinku xukumaynaa wali way taagan tahay.” Ayay tidhi waxayna intaa ku dartay “ Waxaan u mahad-naqayaa dadkii mudadii ololaha lagu jiray igala shaqaynayay Gobolka Saaxiil guud ahaantoodna waxaan leeyahay waad mahadsan tihiin.”

By,  Carraale  M. Jama  Freelance Journalist and Human Rights Activist 

Araweelonews Hargeysa Office                  

E-mail; Info@araweelonews.com/ jaamac132@gmail.com/ shalcaw2@hotmail.com

 

 

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *