Saadaasha Laga Bixiyay Tartanka Ururada,Kulmiye Iyo UCID Ma Ka Badbaadayaan Wadadii UDUB, Faallo By. Carraale M. Jama Freelance Journalist and Human Rights Activist

Somaliland waxay gashay marxalada doorashooyinka golayaasha deegaanka oo sawaxan iyo saxmad weyn ku abuuray suuqyada magaalooyinka waaweyn iyo deegaamada kale. Axaddii Todobaadkan 25 Nov 2012, ayaa lasoo geba-gebeeyay loolanka isu soo baxyada

 

Ururada iyo axsaabta, iyadoo la filayo in maalinta  Arbacada 28 Nov loo dareero cod bixinta doorashada oo ay ku tartamayaan Xibiga Kulmiye oo ah xisbul xaakimka talada dalka gacanta ku haya, UCID oo ah xisbi mucaarad ah iyo shan Urur siyaasadeed oo dhowaan kusoo biiray saaxada, kuwaas oo kala ah UMMADA, DALSAN, WADDANI, RAYS iyo XAQSOOR.

In ka badan 2000 oo musharax ayaa u tartamaya golayaasha deegaanka ee dalka, kuwaas oo ka sharaxan labada xisbi iyo shanta Urur siyaasadeed.
Marka laga yimaado musharaxiinta u tartamaya golayaasha deegaanka, waxa doorashadan kasoo baxaya sadex xisbi qaran oo noqon doona axsaabta qaranka ee ku tartami doona doorashooyinka baarlamaanka iyo madaxtooyada ee hogaaminta dalka tobanka sanadood ee soo socda.

Doorashada ayaa saamayn weyn ku yeelatay dhaq-dhaaqa ganacsiga, gaadiidka iyo dhaqaalaha dalka, iyadoo Urur walba iyo musharax walba uu doonayo inuu guulaysto. Mala awaalka iyo saadaasha ayaa gebi ahaanba adkaaday, in la tilmaamo kuwa usoo gudbaya xisbiyada. sidoo kale waxa calaamatu su’aal saarantahay inay Xisbul xaakimka KULMIYE iyo UCID oo xisbiyo hore ahaa kasoo gudbaan tartankaa adag,   iyadoo aan la saadaalin karin ururada oo mid walba sawaxan muujinayay maalmihii Ololaha iyo isu soo baxyada, iyagoo fagaarayaasha usoo saarayay dhalinyaro iyo haween gaadiid laga soo buuxiyay, isla markaana sita astaamaha musharixiinta iyo calamada iyo calaamadaha Ururada.

Qaabka dadka hogaaminya Ururada iyo axsaabtu uga dhigeen seeska ururada ayaa si weyn u muujiyay qaab xaafadaysan oo bulshada u kala qo-qobay xaafado iyo xabaadho, taas oo qayb weyn ka ah mushkilada nidaamka beelaysan ee mar walba garab socda nidaamka dawliga ah ee Somaliland iyo nidaamka dumuqraadiyada, isla markaana diciifiya inay geyiga Somaliland ka tisqaado nidaam dawladeed oo aan salka ku hayn nidaamka iyo habdhaqanka reer guuraaga oo curdan dhadhiya, ama caabuqiya inay awood yeeshaan nidaanka dawliga ah iyo nidaamka habka  dumuqraadiga ah ee axsaabta badan iyo tartanka doorashooyinka oo ay Somaliland ku tilmaantay dastuurkeeda.

Tafaraaruqa iyo tirada badan ee ururada ayaa durba muujiyay inay jirto suurta galnimada inay golayaasha deegaanka usoo baxaan dad  tayadoodu  liidato oo aan wax khibrad ah lahayn, taas oo laga dheehan karo musharixiinta ay soo xuleen ururadu oo inta badan aqoon,  xirfad iyo masuuliyad aan lagu xulin, balse ay Ururadu ku buuxsanyeen oo keliya tirada laga rabay ee musharaxiinta, waana asbaabaha mugdiga geliyay in la saadaaliyo kuwa ay noqonayaan sadexda xisbi ee usoo gudbaya axsaab qaran.

Hase yeeshee waxa muuqata marka loo raaco qaabka  lagu saleeyay dhismaha Ururada iyo meelaha la qiyaasi karo inay ku kala awood badan yihiin meelaha qaar deegaamada iyo miisaanka musharaxiinta iyo saamaynta iyo awooda urur walba ama xisbi ku yeelanayo deegaanada kale iyo sidoo kale muuqaalka aan laysku halayn karin ee maalmihii u danbeeyay ee ololaha, waxa soo baxaya su’aalo ka dhashay qaar badan oo ka mid ah Ururada iyo sidoo kale labada xisbi ee hore u jiray, kuwaas oo mad madaw badani ka muuqdo qaabka ay u guulaysan karaan.

Tusaale ahaan Xisbiga UCID, waxa lagu sameeyay isbedel aan u muuqan mid istiraatiijiyad weyn ku dhisan, isla markaana Baayada iyo dabeecadaha dhabta ah ee ka  jira deegaanka guusha looga raadinayo iyo bulshada ku dhaqan habka ay u fekerayaan oo aan lagu fadhiisin, balse caadifad iyo halku dheg cusub uun lagu soo kordhiyay, iyadoo bilawgii la muujiyay inuu ku hanjabayo dhaqaale mug leh oo uu kaga dabaalanayo tartanka.

Laakiin intii aan la gaadhin dhamaadka ololaha, waxa soo baxay mushkilado soo waajahay Xisbigaa. kadib markii qaar ka mid ah musharixiinta uga sharxnaa golayaasha deegaanka gobolada qaarkood iska casileen, kuwaas oo intooda badan sabab uga dhigay is casilaadooda mid ka timi maamul xumo ay sheegeen inay ka taagantahay hogaanka sare ee xisbigaa, balse hogaamiyaasha UCID, waxay arrintaa ku dhaleeceeyeen xuukmadda iyo xisbigeeda Kulmiye oo ay ku tilmaameen inay dhaqaale iyo balanqaadyo ay la galeen musharixiinta is casilay oo khasab ay kaga dhigeen inay ka hadhaan tartanka.
arrimahaa iyo kuwo kale oo la xidhiidha ayaa saadaal calaamatu su’aal saaray inuu xisbiga Ucid ka mid noqdo sadexda xisbi ee soo baxaya, marka la eego deegaamada iyo seeska uu salka ku hayo oo muujiyay maalmhii u danbeeyay inuu liiska saadaasha iyo mala awaalka hoos uga sii socdo.

Xisbiga Kulmiye oo ah xisbul xaakimka, wuxuu ka hor intii aan la furin Ururada ahaa xisbiga keliya ee mudada dheer usoo samrayay guusha uu ku hantiyay doorashadii laba sanadood ka hor ee madaxtooyada, balse guushaa ka dib waxa muuqatay inay soo waajahday xisbigaa kala daadsanaan weyni.
Sidoo kale furitaanka Ururada,ayaa saamayn ku yeeshay xisbiga Kulmiye, iyadoo deegaamo ka mid ahaa lafdhabrta,  ama sadexda rukun ee salka u ahaa laba ka mid ah ugu yaraan ay qaybo ka yihiin Ururada cusub oo mid walba sees u yahay Urur gaar ah. waxa la saadaalinayaa inuu meelo badan ka waayo taageero uu hore u haystay sababo kasta ha ku yimaadeene, basle waxa saadaasha qaar ishaaraysaa inay suurta gal tahay in mar walba uu soo boxo xisbul xaakimku. laakiin aanay muuqanayn guul weyn oo uu kasoo hooyo doorashada.   
Marka laga yimaado labada xisbi ee hore u jiray, waxa tartanka ka qaybqaadnaya oo Ururada cusub ee Siyaasada oo kala ah UMMADDA, XAQSOOR, WADDANI, RAYS iyo DALSAN.

Ururka UMMADDA oo uu hogaamiyo Dr. Maxamed Cabdi Gaboose,kaaso oo la rumaysan yahay inuu bilawgii seeska uga dhigay aasaaska Ururka inuu taageero badan ka helo mid ka mid ah rukumadii uu xisbigii bur-buray ee UDUB ku taagnaa iyo deegaamadii uu taageerada ka heli jiray. laakiin ururka bilawgiiba waxa uu noqday  mid xukuumaddu si weyn uga cabsi qaadatay, waxaana meelaha qaar kasoo waajahay musharixiin iska casilay Ururkaa, kuwaas oo la rumaysan yahay inay aanay ka madhnayn is casilaadooda faragelin dhinaca xukuumadda iyo masuuliyiinteeda kaga yimi, waxayna arrintaasi cabsi gelisay gudoomiyaha Ururkaa oo dhawaaq dheer marar badan ku canbaareeyay weeraro uu sheegay in lagu hayo ururkiisa oo lagu bur-burinayo.
Inkasta oo Dr. Gaboose qaabka uu dhismaha ururka u yagleelay ahaa mid cilmiyaysan oo shax farshaxan ah ku saleeyay dhinaca deegaamada iyo baaxada uu yeelanayo Ururku, isla markaana uu weli wado kaanbeynkiisa oo ah mid aad uga duwan kuwa kale,   hadana arrimahaa iyo kuwo kale ayaa wiiqi kara, isla markaana mad-madaw geliyay saadaasha guusha Ururkaa.

Ururka WADDANI, waxa hogaamiya Gudoomiyaha Golaha Wakiilada C/raxmaan Ciro, waxaana ururkaa bilawgii dhawaaqiisa si indha sarcaad ah loogu sameeyay inuu haysto baaxad iyo taageero balaadhan dhamaan deegaamada. laakiin marka laga yimaado loolanka dhamaan ka dhexeeya, waxa Ururkan hogaamiyihiisu doonayay inuu helo taageerada rukun ka mid ah rukunadii xisbigii UDUB ee bur-buray, waana isla taageerada iyo rukunka koowaad ee UMMADDA u ah saldhiga, taas oo ah sababta keentay loolanka adag ee sida gaarka ah ugu dhexeeya UMADDA iyo WADDANI oo si gaar ah deegaamo ay loolan cidiya ku dagaalan ah ugu dhexeeyaan.

Dhinaca kalena WADDANI, waxa lagu tiriyaa, ama loo nisbeeyaa inuu gacan saar la leeyahay xukuumadda, ama koox wasiiro iyo xildhibaano ah oo loo tiriyo kuwa gadhwadeenka u ah xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo, waana sababta keentay inay xukuumadda iyo xisbeega Kulmiye iyo WADDANI ugu noqdeen is bahaysi qarsoon loolanka adag iyo kaanbaynka ku waajahan Ururka UMMADDA, waana sababta aan loo saadalin karin labadaa urur UMMADDA iyo WADDANI midka usoo gudbaya xisbi.

Ururka RAYS, waxa  hogaamiya Dr. Xasan Maxamed Gaafaadhi, waxaana sees u ah dhismaha Ururkaa  mid ka mid ah rukumadii ugu waaweynaa ee Kulmiye. sidoo kalena waxa muuqata inuu helay xabaadho kale oo ka mid ahaa rukumadii xisbigii bur-buray ee UDUB, wuxuuna Ururkani intii Ololaha kaanbaynku socday soo galay safka hore ee Ururada oo aan markii hore laga arkayn. laakiin xukuumadda iyo xisbigeeda Kulmiye ayaa isku dayo weerarka iyo kaanbaynka lagu qaaday UMMADDA oo kale ku qaaday todobaadkii u danbeeyay, waxaana ururka labaad ee xukuumaddu u aragtay inuu saamayn weyn ku yeelanayo guusha natiijada doorashada ee dhinaca xisbiyada. laakiin ma jiraan ilaa hada oo kumay guulaysan inay musharixiintiisa qaar ka mid ah is casilaan marka laga reebo hal musharax oo iska casilay deegaanka Hargeysa.

Ururka Xaqsoor oo uu hogaamiyo Muj. Maxamed Xasan Ciise Jaamac, waxa uu sees u yahay mid ka mid ah dhar-dhaaradii lafdhabarta u ahaa xisbiga Kulmiye mudada dheer iyo rukumo hore aan miisaan ku lahayn dhinaca axsaabta oo hada hormood u ah Ururkaa.  inkasta oo ay jiraan dhawr musharax oo iska casilay hadana Ururka Xaqsoor, wuxuu mudooyinka danbe ee kaanbaynka noqday ururada kor usoo kacay, isla markaana soo galay safka hore ee tartanka, mana muuqan waxa weerar iyo kaanbayn ah oo ay xukuumadda iyo xisbigeedu ku qaadeen sida UMMADDA iyo RAYS.
Ururka DALSAN, waxa hogaamiya Eng. Ismaaciil Aadan Cismaan, waxa la filayay inuu ururkani bilawgiiba sees ku yeesho mid ka mid ah awoodihii iyo dhardhaaradii uu ku taagnaa xisbiga Kulmiye. laakiin ma ay suurta gelin taasi, isla markaana ma muuqdaan deegaamo iyo meelo kale oo aasaaskiisa loogu nisbaynkaro inay sees u yihiin, waxaana meelaha qaar soo baxay qaar badan oo ka mid ah musharixiintiisa oo iska casilay, kuwaas oo dhinacyo kala duwan lagaga hayay loolan iyo kaanbayn.

si kastaba ha ahaatee waxa saadaasha iyo mala awaalka doorashada maalmaha yari inaga xigaan noqotay mid aan natiijadeeda la saadaalin karin, balse marka dhamaan arrimahaa kuwo kale mala awaalno waxa muuqata in ay laba mid ku dhamaanay natiijadu oo ay  usoo baxayaan xisbiyo qaran Kulmiye, WADDANI iyo RAYS. laakiin saadaal kale iyo mala awaal ayaa iftiiminaya inay ugu danbaynta soo gudbayaan UMMADDA, KULMIYE iyo RAYS. laakiin saadaal kale iyo mala awaal ayaa sheegaya in labada Urur ee UMMADDA iyo WADDANI ay isla degayaan, taas oo fursad siinay XAQSOOR.

inaksta oo ay adagtahay in sida uu Urur ku helo lixda gobol  oo dhan 20%, isla markaana ay suurta gal tahay inay isku dhowaadaan dhamaan KULMIYE, WADDANI, RAYS, UMMADDA iyo XAQSOOR.  laakiin waxay ku xidhantahay guusha xaqsoor taageerada uu ka helo deegaamada bariga Somaliland, sidoo kale waxa calaamatu su’aal saarantahay xisbul xaakimka Kulmiye,  balse natiijada guusha waxaynu ogaan doonaa maalmaha soo socda marka ay cdo bixiyayaashu xaqiijiyaan cida hogaaminay masayrkooda mustaqbalka siyaasada ee dhinaca axsaabta qaranka.

Faallo By. Carraale M. Jama Freelance Journalist and Human Rights Activist

 

Published
Categorised as Warar

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *