Hargeysa(ANN) Gudida anshaxa iyo ilaalinta habsami usocodka doorashooyinka golayaasha deegaanka, ayaa soo saaray qoraal saxaafada loogu tala galay oo ay ku sheegayaan shaqsiyaad masuuliyiin si cad u jedbiyay xeerarka iyo

anshaxa doorashada.
sidoo kale waxay qoraalka ku xardheen waxyaabaha ka reeban xiliga doorashada, kadib iyo ka hor Ururada ama xisbiyada iyo doorashada ka dib. qoraalkaa oo qodobaysan ayaa u qornaa sidan:-

Waxyaabaha kareeban ururada/xisbiyada wakhtiga doorashada waxaana kareeban:

1.inuuu ku kaco  howlo wiiqikara ama waxyeelikara  nabadgalyada iyo daganaanshaha dalka ka hor dooorashada,doorashada dhexdeeda ,ama doorashada kadib

2.inuu adeegsado hadalo aflagaado ah  ama meel kadhac ah  oo sababi kara rabshadao,gacankahadal  ah wakhtiga doorashadu socoto.

3.inuu boqo-galiyo musharaxiinata ,wakiilada xisbiyada /ururada,xubnaha ama taageerayaasha xisbiyada /ururada kale

4.xisbina/ururna xoog kuma qabsankaro  goob doorasho  si uu xoog ugu buuxsado  codadka goobtaas cod-bixineed, umana adeegsan karo  qaab sharci darro ah ,iskamana hor istaagi karo  xisbi/urur kale  codad uu sharci uhelilahaa.

5.inuu wada shaqayn layeesho saraakiisha  doorashada  si looxaqiijiyo  codbixin udhacda si nabad galyo  iyo habsami ah kuna dhamaato in si xornima ah codbixiyayaashu ugutaan  xuquuqdooda  carqalad la,aan iyo cabsilaan.

6. inuu dhawro islamarkaana xaqiijiyo  nabad galyada hawlwadeenada  doorashada  iyo xubanaha kominshanka  doorashooyinka qaranka  xiliga u diyaar garawga doorashada ,codbixinta,iyo kudhawaaqida natiijada.

7.inay ka hortagaan fal dabiyeedkasta oo suurtagal ah  inuu dhaco  xiliga doorashada ,kaas oo kusaabsan hawlaha doorashada .

8.inuu qaato tilmaan kasto oo sharci ah , una hogaansamo awaamiirta komishanka  doorashooyinka qaranka .

9.inuu kaqayb qaato sugida nabad galyada iyo badbaadinta saraakiihsa doorashada  ka hor doorashada,doorashada dhaxdeeda iyo kadib codbixinta.

10.inaanu si sharci daro ah ufara galin  shaqada saraakiisha doorashada.

11.inuu qadariyo lana shaqeeyo goobjoogayaasha caalamiga ah iyo gudida anshaxa  iyo ilaalinta habsami usocodka  doorashooyinka .

12.in uu dhawro isla markaana ixtiramo qarsoonaanta codbixinta.

Dhaq-dhaqaaqa Gaadiidka ee maalinta doorashada

Iyadoo laracayo sida  uu jidaynayo qodabka 27aad ee xeerka lambar20-2/2006, waxaa lamam nuucay dhaqdhaqaaqa baabuur kasta  oo dadwayne ,dawladeed ,ama gaar ahaaneed  maalinta doorashada laga bilaabo lixda subaxnimo ilaa sideda fiidnimo.

Komishanka doorashooyinka qaran ka ayaa ah ha’yada kaliya  e awood uleh xibinta ogolaanshaha dhaqdhaqaaqa baabuurta maalinta codbixinta si loom eel mariyo  adeegyada guud  ee aas aasiga ah iyo habsami usocodka dorashada .

Komishanka doorashada qaranka ayaa gaadiidka adeegyada guud  iyo habsami usocodka doorashada lagu fulinaayo  wuxuu siinayaa warqad  xabag leh (sticker) oo muu jinaysa ogo laanshaha komishanka qaranka ee dhaqdhaqaaqa baabuurta  ee maalinta codbixinta.

Baabuur kasta o malinta codbixinta sidan ogolaansho dhaqdhaqaaq oo komishanka doorashooyinku bixiyay,waxaa qabanaya cidanka booliska ,waxaana lasiidaynayaakadib( 8)sideeda fiidnimo ee isla malintaas.

Dhacdooyinkii dhacay wareegii udambeeyay ee Olalaha Doorashafa ee Golayaasha Deegaanka:

-Cali Xaamud Jibriirl – wasiir kuxigeenka wasaarada waxbarashada  si badheedh ah ayuu  ugu olalaeeyay gaadiidka dawlada xisbiga kulmiye

Ahmada  Muxumad Geele-kuxigeenka haayada kahortaga  masiibooyinka (NERAD) wuxuu si mugleh  oofirfircoon  ugu olaleeyay  isagoo ah shaqaale dawladeed  xisbiga kulmiye.

-Nuux sheikh –Gudoomiyaha haayada shaqaalaha dawladau waxa uu si badheedha ah u jabiyay  sharciga shaqaalaha dawlada,qodabkiisa 6aad farqadiia  B,  oo kareebaysa shaqaalaha dawlada  inaanay xisbi ama urur  si fir-fircoon  ugu olalayn .waxa kale  oo ka horyimid wareegtadii madax –waynaha  Jamhuuriyadda Somaliland Axmed Maxamad Maxamuud (siilaanyo) uu ku ayiday in aan shaqaalaha dawladu kaqayb qaadan  u olalaynta xisbi ama urur gaara ah.

Waxyaabaha kale ee ay si dhaw oo  fiiro iyo foojignaan leh  u eegtay  gudida anshaxa iyo habsami usocodka  oo ay hambalyo ,bogaadin iyo amaan ba  usoo jeedinayso waxaa kamid ah:

-Badhasaabada –Guud ahaan badhasabada oo ah gudoomiyayaasha gobalada wareegii u dambeeyay ee olalaha doorashada kumay milmin kamanay dhaxmuuqan  olalaha doorashada waxaanay muujiyeen odaynimo iyo dhexdhaxaadnimo,waanay kumahadsanyihiin.

Waxaanay gudidu gaadiidki dawlada ka dhigtay:

Maayarka degmada Baligudadle iyo Maayarka Degmada Quri-lugid kadib markii ay cadaatay maayarkastaaba xisbi/urur gaara ah mid waliba u olaleyo ,kuwaas oo kala ah Xaqsoor iyo Kulimye.

Gunaanad:

Gunaanad kii iyo gabagabdii doorashadu waa cabiraadda rabitaanka iyo iraadada shacbiga, go,aanka kasoo baxayna waa in ay wada ixtiraamaan una hogaansamaan dhamaan xisbi /ururada u tartamaaya hogaanka siyaasada”

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *