IMG_6633Hargeysa(ANN) Madaxweynaha Somaliland  Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa maanta booqasho kedis ah ku tegey xarunta dhexe ee xisbiga  KULMIYE oo ku taala  Magaaladda Hargeysa, taas oo ay ugu danbaysay doorashadii Madaxtooyada  ee

uu guusha ku hantiyay 26 Jun 2010.

Madaxweyne Siilaanyo oo ahaa aasaasihii  xisbiga KULMIYE oo uu muda dheer higaaminayay, isagoo ah mucaarad, waxa  xarunta dhexe ee xisbiga ku qaabilay Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE Muuse Biixi Cabdi, Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee xisbiga  Maxamed Kaahin Axmed, xubo ka mid ah Hoggaanka xisbiga iyo qaar ka mid ah musharixiinta xisbigu u sharaxay golaha deegaanka Hargeysa.
Madaxweyne Siilaanyo, waxa uu ku sheegay hadal kooban oo uu halkaa ka jeediyay inuu ku faraxsan yahay booqashada xaruntii xisbigii uu Guddoomiyaha iyo aasaasaha ka ahaa. Wuxuuna  madaxda Xisbiga uga mahad celiyay sida ay  u qaabileen, isagoo  warbixin ka ku saabsan hawlaha xisbiga ka dhegeystay Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE . Muuse Biixi oo ka waramay  xaaladda xisbiga iyo sida ay ugu  diyaar garoobeen  doorashada loo dareerayo Arbacada 28 2012.  Guddoomiyaha Kulmiye  waxa uu uga mahad celiyay Madaxweynaha booqashada uu ku yimi  xaruntii xisbigiisa, wuxuuna ku wargeliyay Madaxweynaha  inay  doorashada deegaamadda dalka oo dhan u xuleen xubno karti iyo waayo-aragnimo leh oo uu sheegay inay hanan karaan maamulka dawladaha hoose ee wadanka, isla markaana ay ku kalsoon yihiin natiijada kasoo baxda doorashada.

Madaxweyne Siilaanyo oo ay la socdeen xubno ka tirsan xukuumadda iyo Marwadiisa, waxa uu booqday xarunta xisbiga, isagoo aan wadan wax ilaalo ah, wuxuuna dadweynaha Somaliland u soo jeediyay inay codkooda siiyaan xisbiga KULMIYE si ay horumar u gaadhsiiyaan maamulka dawladaha Hoose ee dalka.

Booqashada Madaxweyne Siilaanyo ku tegey xarunta xisbiga Kulmiye oo ay ugu danbaysay laba sandadood ka hor, waxay  kusoo beegantay maalin ka hor xiliga loo cayimay doorashada golayaasha deegaanka, waxaana booqashada Madaxweynaha ee xiligan loo fasirtay mid ay sabab u tahay. kadib markii ay soo baxeen warar sheegaya in masuuliyiin ka tirsan xukuumaddu u ololaynayaan qaar ka mid ah Ururada, isla markaana deegaamo badan oo hore looga taageeri jiray xisbiga Kulmiye ay hada u leexdeen ururada tartanka adagi dhexmarayo xisbiga Kulmiye, taas oo cabsi ku abuurtay xisbiga Kulmiye.
si kastada ha ahaatee booqashada Madaxweyne Siilaanyo ee xarunta xisbigiisa Kulmiye ayaa loo fasirtay mid uu ku doonayay inuu dadka u tuso inaan waxba iska bedelin xisbiga, isla markaana waxay arrintani mooraal dhis u tahay Kornaylada mayalka u haya ee hogaamiya xisbiga xiligan iyo taageerayaashiisa, balse lama saadaalin karo sida ay wax uga bedeli karto booqashada Madaxweynuhu loolanka adag ee soo waajahay xisbiga Kulmiye.  
Araweelonews Mobile
Somaliland Office
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *