Frederic Church

Mosco(ANN)Dalka Ruushka ayaa galay xaalad deg deg ah. Kadib markii dhagxaan ololaysa oo ku habsatay magaalada Chelyabinsk oo 900 ml ka xigta caasimada Moscow dhinaca Bariga, isla markaana u dhow xadka Kazakhstan ay ku habsadeen

 

dhagxaantaa oo kazoo dhacaya Cirka, isla markaana holoc samaynaya.
Dad lagu qiyaasay 1,100 qof ayaa dhaawacyo kasoo gaadheen masiibadaa, isla markaana waxa khasaare soo gaadhay in ka badan 35, 00 dhismayaasha ku yaal magaaladaa iyo meelaha u dhow, iyadoo gebi ahaanba gaadiidka iyo isgaadhsiintu aanay shaqaynayn oo ay hakad galeen,waxaana la fasaxay dugsiyada, iyadoo in ka badan 45 cusbitaal la geliyay heegan. Kadib markii ay xaaladu xumaatay.

“Ma garanayo waxa dhacay, waxan u malaynayaa inay tahay dhamaadkii dunida’ sidaa waxa yidhi Vlada Palagina oo ah macalin wax ka dhiga dugsi ku yaal Chelyabinsk ee masiibadu ka dhacday, wuxuuna sheegay inay caruurta fasaxeen markii ay ku warheleen iftiinka iyo sanqadha aad moodo qaraxa.
Gudoomiyaha gobolka Mikhail Yuyevich, ayaa sheegay inay xafiisyadooda khasaare soo gaadhay oo aanay ilaa hada garanayn waxa dhacaya. Sidoo kale Sergei Zakharov oo madax ka ah Ururka dhinaca Juquraafiga iyo dabeecadaha deegaanka ayaa sheegay inay maqleen codka dhawaaqa in ka yar lix minit kadibna aan qofna fahmayn waxa dhacay, waxaana lagu qiyaasayay dhawaaq qarax weyn oo masiibo ah.

Madaxweynaha dalka Ruushka Vladimir Putin, ayaa ku amray wasiirada in xaalada la waajaho, isla markaana gurmad deg deg ah loo sameeyo dadka dhibaatadu ku habsatay, isagoo dalka kusoo rogay xaalad deg deg ah.

Dhinaca kale masiibada ku habsatay Ruushka ayaa abuurtay cabsi weyn, iyadoo warbaahinta Telefishanada laga daawanayo muuqaalo argagax gelinaya dadka oo duruur cad ah, taas oo isu bedelay qarax iyo Olol goobta ay ku habsato, isla markaana dab dhalinaysa, waxayna weli ku mashquulsantahay khuburada dhinaca Sayniska ee Ruushku inay sharaxaad ka bixiyaan masiibadaa.

Hase yeeshee khuburada dhinaca Sayniska ayaa sheegaya in hada la ogaaday in masiibadani tahay Volcano ka imanaya webiga  Tunguska ee k u yaal halkaa, iyadoo masiibadan oo kale dhacday 1908 iyo 1927, balse aanay masiibadu sidan oo kale ahayn, isla markaana wax iska bedeleen dabeecadaha laga araki jiray qaraxyada volcanadaa.

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *