-
Published On: Sun, Feb 17th, 2013

Wasiirka Daakhiliga Duur Carraale oo Sheegay in ku Dhaqanka Sharcigu Sababi Karo Kala Tag ku Yimaadda Bulshada Somaliland

Smiley face
Share This
Tags

Hargeysa (ANN) Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Md. Maxamed Nuur Carraale (Duur), ayaa daboolka ka qaaday in sharciga oo sidiisa loogu dhaqmaa mararka qaar sababi karo kala tag ku yimaad wadajirka iyo walaaltinimada bulshada reer Somaliland.

Md. Maxamed Nuur Carraale (Duur) oo warbixin shalay siiyey Golaha Guurtida, waxa uu sheegay in mararka qaar loo baahan yahay sidii sharciga loogu dari lahaa dabac si loo xoojiyo walaaltinimada iyo wada jirka reer Somaliland.
“Marar baad eegaysaa haddii aynu sharciga eegno in walaaltinimadeenii iyo wada jirkeenu ku kala tegi karo, bal markaas waa in dabac lagu daro sharcigii oo madaxweynuhu eego,” ayuu yidhi Wasiirka Daakhiligu, isagoo intaas ku daray inay xukuumad ahaan go’aansadeen
in bulshada ku dhaqan degaannada gobolka Selel (beesha Ciise) farta laga saaro saami ay ku qancaan oo dawladda ah si tabashooyinkii ka dhashay doorashadii golaha degaanka ee Gobolka Salal looga qanciyo, isla markaana kalsoonidii Somaliland ay ku qabeen dib loogu soo celiyo.

Maxamed Nuur Carraale Duur oo xildhibaannadu wax ka weydiiyeen halka ay marayso qancintii beesha Ciise iyo xaaladda Gobolka Salal waxa uu ku jawaabay;  “Gobolkaas Salal, dadkii doorashada ku tartamay dadka deegaanka xildhibaanno uga soo baxeen, 17 xildhibaan ee ka soo baxayna waxa ku qanci wayday qayb ka mid ah bulshada meesha degenayd, waxaanay keentay xaalad culays badan.

Natiijadu may ahayn wax annaga na khusaysay oo waxa ku dhawaaqay komishanka, go’aan xukuumaddu wax ka beddeli karaysana muu ahayn, weftigii la diray oo aan ka mid ahaa iyo wasiirradii iga daba yimi laba hawlood baannu halkaas u tegnay, midi waxay ahayd nabadgleyada sugideeda, ta labaadna socodsiinta maamulka dawliga ah, markaas waxay noqotay in dhinacii wax tabanaysay aannu la fadhiisano oo la xaajoono, kuna qancino in doorashadu aanay ahayn wax xukuumaddu go’aankeeda aanay waxba ka beddeli karin, balse xukuumadda iyo Madaxweynaheedu waxay go’aansadeen in deegaankaa  wixii kale ee walaaltinimo ah ee lagu soo jiidayo la siiyo oo la qanciyo si aanay u dhicin kala fogaansho.

Waxa kale ee muuqatay danaynta ay qaybi maanta Somaliland danynayso inay sidii hore ka wayn tahay, qodobkaas go’aankiisuna mid annaga noo yaalay muu ahayn, markaas waxaannu goosanay in wixii saami ah ee xukuumad gacanteeda ku jira in loo buriyo deegaanka si walaalnimada iyo xidhiidhku nooga go’in, markaas nabadna waa nala  qaateen, maamulkiina wuu dhisan yahay, haddana waxa noo socda oo aannu bilawnay in qayb deegaanka waxyaabihii madaxweynuhu u qaaday iyo wixii loogu dari lahaa la socodsiiyo oo waa maxay,  waa in ciidammadii loo qarameeyo, in maamulkii wax laga siiyo, in la soo jiido, nabadiina waan wadnaa, qanacii iyo gogoshiina waxaannu nidhi odayaal naga waayo aragsan oo taariikhda iyo dhaqankaba wax ka yaqaana ayaa idinla kulmi doona,” ayuu yidhi wasiirka daakhiligu.

Wasiir Arrimaha Gudaha Somaliland Md. Maxamed Nuur Caraale Duur waxa uu sheegay in Somaliland horeba uga mid ahayd dalalka Ingiriiska iyo Maraykanku aanay muwaadiniintooda kula talin jirin inay tagaan, waxaannu xusay in dawladda Ingriisku wax-ka-beddel ku samaysay digniinteedii la xidhiidhay ammaanka Somaliland.

Xildhibaannada Guurtida ayaa sidoo kale Wasiirka Arrimaha Gudaha weydiiyey in ay jiraan cid loo qabqabtay tuhuno la xidhiidha cabsiyaha nabagelyo-darro ee Ingiriiska iyo Maraykanku muujiyeen, waxa uu ku jawaabay;  “Waxaan halkan ka caddaynaya in hawlgalada ciidammadu joogto yihiin, mid waannu iska daynay oo ah in xubinta falal argagixiso looga shakiyo inaannu warbaahinta keeno, haddaannu keenana waxay noqon lahayd wax aan dadku jeclaysan doonin, waayo halwgal kasta iyo habeen kasta qof baa la qabtaa, maadaama uu qof garsuge yahay waxaannu u gudbinaa maxkamaddii ku shaqada lahayn, wixii caddaymo aannu u helnana waannu raacinaa, markaa waxaannu iska daynay inta warbaahin la soo fadhiisto in la yidhaa xalay hebel baannu qabanay, ciidammadu halkaasay ka hawlgaleen oo cidaasay falal argagixiso oo laga shakiyey qabteen.

Meelo badan baa wax laga qabtay, waanad ogtihiin Laascaanood waxa ka dhici jiray falal dil ah, mana aha waa la soo afjaray, laakiin waxay ahayd markii koowaad oo iyadoo falkii la fulinayo oo ay qiraal yihiin oo iyagoo hubaysan la qabtay, dad badan baana Laascaanood loo haya oo qirsan inay falalkaas muddo badan ka soo shaqaynaayeen, walina ay wadeen, qaarna ay wali hadheen, markaas dad badan baannu haynaa.”

Xildhibaan Maxamed Maxamuud Yaasiin (Dheeg): ayaa isagu weydiiyey wasiirka su’aal ahayd “Waxa jira dalal aynu jaar nahay oo inagu sharci aynu ku galno mooyaane aynaan ku qulquli karin inagoo sharci la’aan ah, dalkeena waxa ku soo qulqula dad bila sharci ah oo qaar buka ku jiraan oo baras, judaan iyo wax kale ba qaba, tuugo ku jirto, sixiroolayaal ku jiraan. Dadkaas wax qorshe ahi ma idiinka yalaan, dhibta aannu ku aragnaana ma idiinka muuqata?
Wasiir Duur oo su’aashaas xildhibaan Dheeg ka jawaabayana waxa uu yidhi; “Dalkeenu wuxuu xuduud ballaadhan la leeyahay dalal kala duwan sida Itoobiya, markaas soo galeeti badan baa inaga soo gala dalalka jaarka, Soomaaliyey inagaga yimadaan, Itoobiyey ka yimadaan, soo geleetiga u ballaadhana dalka Itoobiyuu inaga soo gala, siyaasada inooga talaana waxa weeyaan dalna ma ogolaado in culays lagu soo kordhiyo oo soogaleeti sharci darro ahi soo galo, markaa dal ahaan ma ogolin dadka soo geleetiga ah. waa sharci-darro oo waxa la yidhaahdaa soo geleetiga sharci darrada ah.
Dadka qaxoontiga ah ee inoo soo gala waa dad culays ku haya dalka, waa dad dhaqaalo raadis ah, waana dad dan yar ah, waa dad xannuuno qabi kara, waa dad soo kordhin kara nabadgelyo darro, marka ma ogolin.

Waxa aannu iska kaashanaya oo ka wada shaqayna hay’adaha ku lugta leh inay dadkaas guraan, waqti waannu raafnay, waanannu ururinay, haddana waxaannu doonayna mar kasta in tallaabadaas oo kale muddo kadib aannu dib u qaadno annagoo war gelinayna cidday khusayso, arrinkaasna dib baannu ugu noqonaynaa, waxna waannu ka qabanaynaa, waana qorshe noo yaala socodsiintiisu.”
Dhinaca kale, Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Md. Maxamed Nuur Carraale (Duur), ayaa fal celin cadho leh ka bixiyey su’aal uu weydiiyey xildhibaan da’ yar oo ka tirsan Golaha Guurtida, taasoo ku saabsanay in wasiir Duur ka mid yahay masuuliyiin beesha caalamku shaki ka muujisay, kuwaasoo sababay in caalamku Somaliland ka aamin baxo.
Xildhibaan Maxamed Xaaji Cabdiraxmaan oo ka mid ah xildhibaannada ugu da’da yar Golaha sare ee Guurtida ayaa isagu su’aasha uu sida toos ah u weydiiyey Wasiirka, isla markaana uu Guddoomiye-ku-xigeenka 2aad ee Guurtidu ka joojiyey wasiirka in uu ka jawaabo, sababo uu ku sheegay in su’aasha ay ku jirto aragti shakhsi waxay u dhignayd sidan; : “Wasiir waxa soo noqnoqda in wasiirro badan oo aad ka mid tahay loo aaneeyo in kalsooni darrada beesha caalamku ka qabto Somaliland aad ka mid tihiin, wax ma nooga sheegi kartaa waxa dareenkaas keenay, hadday guddo iyo dibadba tahay?”
Md. Maxamed Nuur Carraale (Duur) ayaa su’aashan uga jawaabay si cadho leh, waqti uu dhammaystiray jawaab uu ka bixiyey su’aal uu weydiiyey Xildhibaan Maxamed Maxamuud Yaasiin (Dheeg) oo ku saabsanayd waxyaabaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha uga qorshaysan dadka ajenebiga ah ee dalka ka soo buuxsamay oo dhibaato ku haya.
Wasiirka Arrimaha Gudaha Md. Duur jawaabta uu ka bixiyey su’aasha uu mudanahan da’da yar weydiiyey ayaa u dhignayd sidan; “Goluhu gole duuga oo soo jireena buu ahaa oo waayeel oo dhaqanka iyo duqaydaba ah, markaa bal qolyaha dhallinyarada ah ee beddelay waayeelkii hore, bal golaha laftigiisa casharadiisii hore ha loo akhriyo.” ayuu yidhi Duur

About the Author

-

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>