Garoowe(ANN)Warar hordhaca ayaa sheegaya in  Sheekh Cabdiqaadir Nuur Faarax oo lagu naanaysi jiray (Gacamey) , isla markaana oo ka mid ah culimadda caanka ah ee Soomaalida toogasho lagu dilay galabta salaadii Casar Masjid Al-Raxma oo

 

ku yaal badhtamaha Magaalada Garoowe ee xarunta Maamul Goboleedka Puntland. kadib markii koox aan la aqoonsan ay weerareen masjidka oo ay dadku ku jiraan salaadii Casar.

Sidoo kale rasaastii lagu furay marxuumka la sheegay inuu ku dhintay wiil kale oo dhalinyaro ah oo kamid ahaa dadkii masjidka ku tukanayey Allaha u wada naxariistee. Shiikha ayaa rasaasta lagu furay xili uu ku jiray Salaada oo ay dadka u wadataagnaayeen salaada Casar, wuxuuna dilka ka dhacay gudaha masaajidka Al Raxma. Xili lagu jiray rakacadii sadexaad ee Salaada Casar.

Hase yeeshee sida ay sheegayaan wararka hordhaca ah ee ka imanaya Garoowe dadka masjidka ku tukanayay ayaa eryaday Ninka toogtay Iimaamka tujinayay dadka, kuwaas oo ku guulaystay inay gacanta kusoo dhigaan gacan ku dhiiglaha, isla markaana u gacan geliyaan ciidamadda booliska oo goobta yimi goor danbe.

Ninka dilka geystay ayaa ku hubeysnaa bistoolad, balse warar kale ayaa sheegaya inay weerarka fuliyeen koox dablay ah oo hubaysan, iyadoo wararka qaar sheegayaan ka hor intii aan la qaban Ninkaa uu dhaawacyo u geystay dad kale.

Alla ha u naxariistee Sheekh Cabdiqaadir Nuur Faarax oo ka mid ahaa Culimada caanka ah ee Soomaalida wuxuu ka mid ahaa wadaadada Al-islaax, wuxuuna qudbado uu jeedin jiray ku dhaleecayn jiray kooxda Al-shabaab. Sheekh C/qaadir wuxuu ahaa aqoon yahan dhinaca Diinta iiyo Maadigaba ku xeel dheer, isla markaana noloshiisa u huray sidii dadkiisa uga faa’idayn lahaa aqoontiisa.

Dhacdada lagu dilay Mufdigaa ayaa naxdin ku noqotay Bulshada, iyadoo dilalka qorshaysan ee sidan oo kale ah la fulin jiray salaada ka dib ama ka hor, balse wadaadkan waxa la dilay isagoo ku jira salaadii casar oo Tujinaya jamacii, taas oo ah dhaqan cusub oo ay lasoo baxeen kooxaha ugaadhsada dadka culimada iyo aqoonyahanka bulshada Soomaalida.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *