New York (ANN/Bloomberg)- Waddamada Ruushka iyo Shiinaha, ayaa la sheegay inay diyaariyeen qaraar Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ku taageerayo jeelasha budhcad-badeedda looga dhisayo Jamhuuriyadda Somaliland,  Maamul-goboleedka

Soomaaliyeed ee Puntland iyo dalka Tansaaniya, kaas oo la filayo in la hordhigo kulan Golaha Ammaanku yeelan doono Khamiista maanta oo taariikhdu tahay 10 March 2011.
Sida lagu faafiyey shabakadda wararka caalamiga ah ee Bloomberg.net, qaraarka Ruushka iyo Shiinuhu diyaariyeen ee la hordhigayo Golaha Ammaanka, ayaa la doonayaa in wax lagaga qabto dhibaatooyinka budhcad-badeedda Soomaalida iyo sidii dalalka Geeska Afrika looga difaaci lahaa in kooxaha argagisida ah ee xidhiidhka la leh ururka Al-qaacida ay awood  ugu yeelan lahaayeen.
Qaraarka dalka Ruushku diyaariyey, waxa uu xambaarsan yahay sidii Golaha Ammaanku si degdeg ah ugu guddo geli lahaa wadahadallo lagu abuurayo saddex maxkamadood oo lagu qaado kiisaska budhcad-badeedda, loona dhisi laha laba xabsi oo lagu hayo budhcad-badeedda la xukumo, iyadoo dhinaca kalena qaraarkaasi xambaarsan yahay in dalalka adduunka oo dhan laga dalbado sidii loo samayn lahaa sharci dambiile u aqoonsanaaya budhcad-badeedda.
“Waxaannu isku dayayne in aannu qaadno tallaabooyin sharci oo adag, kuwaasoo lagula dagaallamaayo budhcad-badeedda, waxana loo baahan yahay in la sameeyo fikir dhab ah oo baaxad leh oo lagaga hortagayo budhcad-badeedda,” ayuu yidhi safiirka Ruushku Mr. Vitalty Churkin.
Mr. Jack Lang oo ah la tilayaha Xoghayaha Guud ee Golaha Ammaanka, ayaa sheegay in ilaa 10 budhcad-badeed ah oo gacanta lagu dhigay la sii daayey, kadib markii loo waayey awood sharci oo lagu xukumo, taas oo markii dambe dalbadeen in Somaliland, Puntland iyo Tanzania laga hirgeliyo maxkamad lagu xukumo budhcadda badaha.
Xoghayaha Guud ee Golaha Ammaanka Qaramada midoobay Mr. Ban Ki Moon, ayaa qorshaynaaya maaanta qabsoomidda kulan ay ku lafa-gurayaanku sidii xal loogu heli lahaa ammaan-darrada, budhcad-baddeeda iyo kooxaha xag-jirka ah ee Soomaliya ka jira sida Al-shabaab, waxa uu sidoo kale horkeeni doonaa qaraar ku wejahan horumarinta Soomaaliya.
Sidoo kale, dawladda Shiinaha, ayaa waxay soo diyaarisay qaraar iyo war-murtiyeed ku saabsan dhibaatooyinka dalka Soomaaliya, kaas oo ku sheegeen inay aamminsan yihiin inay ka dabeeyaan ammaan-darrada budhcad-badeedda iyo kooxaha dablayda hubaysan ah ee ka jira dalka Soomaaliya.
Qarraarka Shiinaha oo la filayo inay horkeenaan kulanka Golaha Ammaanka ee Qaramada Mdiboobay u ballansan yihiin Khamiista maanta, ayaa waxay si adag ugu boorriyeen dawladda ku-meel-gaadhka ee Soomaaliya inay dhisaan dawlad dhinaca taban wax ka eegta, furan, isla markaana xor u ah inay dhammaan qaybaha bulshadu ka qaybgalaan siyaasadda, waxay sidoo kale ka codsadeen Qaramada Midoobay inay caawiyaan 8,000 ciidanka Afrikanka ah ee la dagaallamaya kooxaha xagjirka ah.
Dhanka kale, Xoghayaha Arrimaha Dibadda Marankanka Mr. Hillary Clinton, ayaa guddida sare ee Maraykanka u sheegta saddexdii bishan March in xukuumadda madaxweyne Barack Obama ay khaatiyaan ka taagan tahay budhcad-badeedda, waxaanay tidhi iyadoo ka hadlaysa arrintaa; “Waxaynu u baahanahay inaynu fahano in dunida inteeda kale ay wanaagsan tahay inay ixtiraaman waxaynu qabano, isla markaana inala fahmaan xalinta dhibaatooyinka budhcad-badeedda, maraykankuna waxa uu badhatamaha kaga jiraa dib eegista siyaasadda Soomaliya.”
Mrs. Clinton waxa ay ballanqaaday inay xal fiican ka gaadhi doonaan dhibaatooyinkan, iyada oo hoosta ka xarriiqday dilkii budhcad-badeedu kula kacay 22-kii February afartii qof ee u dhashay dalka Maraykanka.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com
Source: Bloomberg

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *