Hargeysa(ANN)Ciidamada Somaliland ayaa xabsiga u taxaabay Agaasimhii Guud ee Wasaaradda Waxbarshada iyo Tacliinta Sare ee Somaliland Cali Maxamed Cali (Cali Caliyow). Kadib markii ay xalay gurigiisa ugu daateen ciidamada amaanka Somaliland.Sidaana waxa

shebekada wararka ee Araweelonews u xaqiijyay saraakiil ka tirsan wasaaradda waxbarshada Somaliland. Agaasimaha oo aanu isku daynay inaanu la xidhiidhno ayaanay noo suurta gelin, balse qaar ka mid ah asxaabtiisa ayaa u iyaguna u xaqiijiyay shebekada Araweelonews in Agaasimaha guud ku xidhanyahay xarunta CID ee baadhista denbiyada. Lama garanayo ilaa hada sababta loo xidhay masuulkaa, balse waxa jira warar doceedyo kale oo shebekada Araweelonews u sheegay in maalinta sabtida la horgeyn doono masuulkaa maxkamadda si loogu ooogo denbiga loo haysto.
Masuulkan ayaa ka mid ahaa masuuliyiinta Madaxweyne Siilaanyo u magcaabay xilka ee ka yimi dhinaca qurbaha, isagoo mudo dheer ku noolaa dalka Maraykanka.
Wixii kasoo kordha xadhiga Agaasimaha guud kala soco Araweelonews

Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *