Hargeysa (ANN)- Hantidhawraha Guud ee Qaranka Mr. Maxamuud Aw Cabdi Ibraahim (Maxamuud-dheere), ayaa markii ugu horreysay shalay si guud uga warbixiyey halka ay marayaan guluf baadhiseed oo hay’addiisu siddeedii bilood ee la soo dhaafay ka waday inta badan hay’adaha kala duwan

ee dawliga ah.
Mr. (Maxamuud-dheere) oo hadal ka jeediyey xaflad loo sameeyey tababar Mac-hadka Tababarka Shaqaalaha Dawladda ee magaalada Hargeysa uga furmay 25 xubnood oo ka mid ah hawlwadeennada xafiiska Hantidhawrka Guud ee Qaranka.
Tababarkan oo ay fulinayso hay’adda Qaramada Midoobay ee UNDP, ayaa qayb ka ah mashaariic kala duwan ee beesha caalamku ku horumarinayso tayada hay’adaha ku shaqada leh arrimaha dhaqaalaha iyo aqoonta hawlwadeennada hay’adahaas kor ku xusan loogu qaadayo.
Hantidhawraha Guud ee Qaranka oo isagu si rasmi ah u furay tababarkaas oo muddada uu socdo hawlwadeennada xafiiskiisku ku baraan aqoon la xidhiidha sidii hawlaha baadhiseed ee hadda qallinka lagu isticmaalo looga dhigi lahaa mid casri ah oo loo adeegsanayo qalabka kombiyuutarrada, waxa uu carrabka ku dhuftay in muddadii uu xilka hayey hay’addiisu qabatay hawl wanaagsan.
Waxa Hantidhawraha Guud ku hanjabay in aanay ka hadhi doonin baadhitaanadii hore ee ay sameeyeen, kuwaasi oo ay ku soo  saareen hanti la lunsaday, isaga oo xusay in haddii Hantidhawrku soo saari waayo qofka wax xaday inay qudhoodu eedda wax ku yeelan doonaan.
“Kama hadhi doono baadhitaannadii aannu hore ugu wadnay hantida la lunsaday. Haddii aynu soo saari weyno kii wax xadayna eedeeda innagaa leh oo ka dembi badan ka wax xaday.  Tuug baynu ilaalinaa, isaguna ka raali ahaan maayo inaan qabano, innaguna ka raali ahaan mayno inuu innaga aqoon bato.”
Mar uu ka hadlayey dacaayadaha laga fidiyo Hantidhawrka waxa uu yidhi; “Waa inaanan wararka suuqa yaal wax tixgelin ah siin, laakiin xilka inna saaran ka soo baxnaa. Way jiraan warar been ah oo suuqyada lagu faafinayo, iyada oo la leeyahay Hanti-dhawrku laaluush buu qaataa oo waxba ma qaban karo, dacaayadaasna waxa fidinaya ninka tuuga ah ee hantida qaranka xaday si uu uga hortago in loo ciqaabo dambiga uu ummaddiisa ka galay.
Waxaan leeyahay jiri mayso cid dambi oo hantida ummadda ka taajirta, cid saamixi kartaanaa ma jirto, waayo waxa ku maqan wax ummadda Somaliland oo dhan ka wada dhexeeya.”
Hantidhawraha Guud oo la hadlayey labaatan shaqaale tababar culuumta kumbuutarka loo bilaabayey ayaa sheegay in aqoonta maanta la barayo ay tahay tii ay ku qaban lahaayeen tuugta wax xada, “Aqoonta maanta laydin barayo waa taad ku qaban lahaydeen tuugta wax xada, maadama aynu ilaalinta hantida ummada u xilsaaran nahay.”
Maxamuud-dheere waxa uu sheegay inay u beddeli doonaan habkii hore baadhitaannada gacanta hab casriyeysan oo la adeegsanayo kumbuutarka, isla markaana qallinkii cagaarnaa, isagoo kumbuutar ahna adeegsan doonaan, “Dhammaan habkii baadhitaanadeena waxaynu u beddelaynaa kumbuutar, qallinkii cagaarnaa oo kumbuutar ah ayeynuna isticmaali doonaa.”
Ugu dambayn, waxa uu carrabka ku dhuftay sheegay in la diyaariyey xeer cusub oo madaxbannaani dheeraad ah siinaya hantidhowrka la soo saarayo, “Xeer cusub oo madaxbannaani dheeri ah siinaya hantidhawrka ayaa la soo saaray, laakiin daalka iyo dulqaadka hawshu leedahay waa inaan u samirnaa.” ayuu yidhi Hantidhawraha Guud, isagoo dhinaca kalena si weyn ugu mahad-celiyey hay’adda UNDP ee tababarka fulinaysa iyo Mac-hadka Tababarka Shaqaalaha ee martigeliyey.
Waxa kaloo iyaguna munaasibaddaa ka hadlay Agaasimaha Mac-hadka Tababarka Shaqaalaha Mr. Maxamed Mixille iyo wakiilka gaarka ah ee hay’adda UDNP u qaabilsan mashruuca hagaajinta nidaamka dhaqaalaha Somaliland Mr. Cali Yuusuf, kuwaasoo ka warramay agmiyadda tababarkani u leeyahay hawlaha baadhiseed ee hawlwadeennada Hantidhawrka Guud ee Qaranka, iyagoo hoosta ka xarriiqay in tababarku qayb ka yahay  mashruuc ballaadhan oo lagu horumarinayo tayada iyo tamarta hay’adaha dawlioga ee ku shaqada leh maamulka dhaqaalaha dalka.
Araweelonews Mobile
Somaliland Office
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com
Source: jamhuuriya

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *