London(ANN) Siyaasiga rug cadaaga ah ee  u dhashay Britain,  Godfrey Bloom oo hogaamiya xisbiga  UK Independence Party, isla markaana xubin  ka ah Baarlamaanka Midawga Yurb (MEP), ayaa ugu baaqay dawladda Britain iyo beesha Caalamka inay aqoonsadaan qaranimada iyo

 

Madaxbanaanida Somaliland.
MEP Godfrey Bloom oo maanta ka hadal ka jeediyay kulan loogu diyaargaroobayay shirka Britain qabanayso ee lagaga hadlayo mushkilada Somalia oo ka dhacay  guriga loo yaqaan Chatham House, waxa  uu si balaadhan oo xamaasadaysan uga  hadlay  qadiyada Somaliland, wax yar kadib markii uu qudbad ka jeediyay halkaa Wasiirka Afrika u qaabilsan Britain Mr. Henry Bellingham.
“15 sanadood ay dadka Somaliland ina tusayeen deganaasho , nidaamka axsaabta baddan iyo  dumuqraayiada kasoo baxdaya geeska afrika, waxaynuna daawanaynay  dumuqraadiyadooda iyo gooni isu taaga qaranimadooda.” Ayuu yidhi Godfrey Bloom, wuxuuna intaa ku daray, inay Somaliland tahay qaran buuxiyay shuruudihii qaranimo  oo ay ka dhaceen doorashooyin badani, isla markaana uu ka jiro nidaam sharciyeed , kala danbayn, ganacsi xor ah iyo nabadgelyo buuxdaa.
MEP Godfrey Bloom, waxa uu sheegay inuu jiro wanaag baddan oo ay Somalialnd leedahay, isagoo tusaale usoo qaatay sida ay budhcad-badeeda isaga xidhay ee u xakamaysay, isla markaana ay iskeed dawladda Somaliland  iyo dadkeedu horumarka u sameeyeen, wuxuuna tusaale usoo qaatay gasiirada ay Britain maamusho ee Falklands iyo Gibraltar. Sidoo kale wuuxuu Mr. Godfrey Bloom sheegay in Ururka Barwaaqo sooranka ee Commonwealth, ay hada aqbaleen inay xubno ka noqdaan , wadamo aan wax xidhiidh ah la lahayn UK, halka Somaliland oo mustacmarad u ahayd Britain  aan ilaa hada loo ogolaan iksa daa inay xubin ka noqotee inay goob jooge ka ahaato Ururkaa, wuxuuna arrintaa ku tilmaamay mid  fool xun oo murugo ah.
“Haddii aynu doonayno inay  si dhab ah u caawino bulshada geeska afrika, si ay horumar  u gaadhaan oo nolol wanaagsan iyo nabadgelyo u helaan midba midka kale oo aduunka dib u hagaajinayno, waxay u malaynayaa inay hada tahay inay dawladayadu (Britain),  waa inay talaabo qaado oo si daacad ah u diyaarisaa sidii Somaliland  maamul ahaan dawladuha aduunku u aqoonsan lahaayeen.”  Ayuu yidhi, MEP Godfrey Bloom oo ah ruugcadaa siyaasi ah oo hogaamiya xisbiga Uk Indepedenty Party.
Dhawaaqa Godfrey Bloom, ayaa kusoo beegmay iyadoo loogu jiro  diyaar garaw shirka dawladda Britain u qorshaysay inay ku qabato dalkeeda ee lagaga hadlayo mushkilada Somalia ee dunidu ku wareertay, kaas oo Somaliland loogu casuumay si gaara, isla markaana ay soo baxayaan dhawaaqyo iyo tibaaxo dublamaasiyadeed oo sheegay inay fursad weyn u tahay Somaliland oo mudo labaatan sanadood ka baddan aqoonsi ka doonaysay beesha caalamka, balse ay hada muuqdaan astaamo muujinaya inay beesha caaalmku usoo jeesatay oo ay garwaaqsanay qadiyada Somaliland iyo horumarka dumuqraadiyada, doorashooyinka iyo nabadgelyada lagu majeertay ee ay tusaalaha ugu noqotay dalal baddan oo afrika iyo dunida kaleba ku yaal.
Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com   
shalcaw2@hotmail.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *