Hargeysa(ANN)Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa ka hadlay dagaalka malayshiyada ku dhumaalaysata deegaanka Buuhoodle kusoo qaadeen maanta Ciidanka Qaranka Somalialnd ee ku sugan halkaa. Sidoo kalena wuxuu warbixin ka bixiyay socdaal

wefdi uu hogaaminaya kusoo mareen dalalka Ethiopia iyo Djibouti iyo kulamo uu la yeeshay masuuliyiinta labada dal.
Madaxweyne Siilaanyo   iyo weftigii uu Hoggaaminayay ayaa galabta ku soo laabtay dalka ka dib markii ay socdaal qaatay muddo sadex maalmood ah kusoo mareen dalalka Ethiopia iyo Djibouti. 
Wefdiga Madaxweynaha Somaliland oo galabta si weyn loogu soo dhaweeyay Madaarka caalamiga ah ee Magaalada Hargeysa, wuxuu Madaxweyne Siilaanyo  saxaafadda  kula hadlay qolka nasashada, isagoo tafaasiil ka bixiyay kulankii uu la yeeshay Raysal wasaaraha Ethiopia, wuxuuna yidhi,  “Waxaanu magaalada Addis-ababa kula kulanay Raysal wasaaraha Ethiopia iyo madax kale oo ka tirsan dawladda Ethiopia,  waxyaabaha aanu ka wada hadlaynay waxa ka mid ahaa dano la xidhiidha Nabad-gelyada iyo wax wada qabsiga labada dal, si wanaagsan ayaanu isugu af garanay waxyaabihii aanu ka wada hadalay. Dalka Ethiopia waa dal aynu jaar nahay oo saaxiib nahay.”

“Waxa Ethiopia naloogu soo dhaweeyay si aad iyo aad u wanaagsan wixii aanu ka wada hadalay madaxdii aanu la kulanayna waanu isku af-garanay,”ayuu yidhi Madaxweynaha Somaliland.
Madaxweyne Axmed Siilaanyo waxa kale oo uu ka hadlay kulan uu la yeeshay madaxweynaha Djibouti oo uu maanta kulan kula yeeshay markii ay soo mareen dalkaas, isagoo kulan gaara oo ay wada yeesheen Madaxweynaha Djibouti. Kadib isagu la hadlay warbaainta ka hor intii aanay kasoo boqoolin dalkaa.
Wuxuuna isagoo ka hadlaya waxyaabaha ay ka wada hadleen yidhi, “DJabuutina waxaanu kula kulanay Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle , DJabuutina waa dal aynu daris nahay oo saaxiib nahay isagana waxaanu ka wada hadalay danaha labada dal. Mana jirto wax dhibaato ah oo ina dhex yaalay inaga iyo DJabuuti,”ayuu yidhi Md. Axmed Siilaanyo.
Madaxweynaha Somaliland mar uu ka hadlayay dagaalka Buuhoodle, waxa uu sheegay inuu ka xun yahay dagaalkaa, isagoo yidhi,  “Waanu ka xunahay waxa soo gaadhay dadka Somaliland dhinac kastaba ha noqotee. Mar walbana haddii aanu nahay dawlada Somaliland waxaanu ugu baaqaynaa wada hadal iyo nabad-gelyo. Cidii aan Somaliland ka tirsanayn waxaanu u soo jeedinaynaa inay dalkayaga faro-gelinta ka daayaan.”
Dhinaca kale, Madaxweynaha Somaliland ku soo dhaweeyay madaarka (Cigaal International Airport) ee magaalada Hargeysa,  Madaxweyne Ku xigeenka Somaliland C/raxmaan Cabdullaahi Ismaaciil (Saylici), Shirgudoonka Golaha Wakiilada, Wasiirro, Xildhibaano iyo masuuliyiin ka tirsan Hay’addaha dawlada. Wuxuuna  madaxweynuhu salaam sharaf kaga qaatay madaarka cutub ka tirsan ciidamada qaranka Somaliland.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com   
shalcaw2@hotmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *