Hargeysa(ANN) Madaxweynaha Somaliland  Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa xilkii ka qaaday Taliyihii ciidanka qaranka Somaliland, Maxamed C/llaahi (Jidhif) iyo abaanduulihii ciidanka qaranka Caydiid Dhab-dhable. Sidaana waxa lagu sheegay qoraal saxaafadeedyo kasoo baxay caawa

 

qasriga Madaxtooyada Somaliland.

Qoraalka xilka lagaga qaaday Taliyaha ciidanka qaranka, isla markaana lagu magcaabay abaanduulaha cusub ayaa u qornaa sidan:- “Madaxweynaha JSL, Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) waxa uu xilkii ka qaaday Taliyihii hore ee Ciidanka qaranka, kuna magacaabay taliye cusub.
Madaxweynuhu:-
Markuu Arkay:           Qodobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda
Somaliland;

Markuu Arkay:           In baahi loo qabo in la dar-dar geliyo hawlaha Ciidanka Qaranka;

Markuu Tixgeliyey:             La tashiga Madaxda ay arrintani khusayso;

Markuu Arkay:           In uu hanan karo xilkan loo magacaabay;

Wuxuu go’aansaday;

In General, Ismaaciil Maxamed Cismaan (Shaqale) laga bilaabo taariikhda Xeerkan uu ahaado Taliyaha Ciidanka Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland.

Xilka qaadis

Madaxweynuhu waxa uu taliyihii hore ee Ciidamada qaranka Mudane, Maxamed Xasan Cabdilaahi (Jidhif)   uga mahad-celiyey mudadii ay wada shaqaynayeen , gudanayeena waa-jibaadka, ka saaran qaranka.

Madaxweynuhu waxa kale oo uu taliyihii hore u sheegay in Xilalka Qaranka ay tahay macnihiisu meerto soo noq-noqata oo kolba cid hanan karta loo dhiibo.

Sidaa darteed, waxaan gartay in aan kaa qaado xilka Taliyaha Ciidanka Qaranka JSL.

Haddaba waxaan kaa rajaynayaa in aad si niyad sami ah ugu wareejiso xilka aad haysay General, Ismaaciil Maxamed Cismaan (Shaqale) oo aan xilkaa isaga ah u magacaabay.

Madaxweynuhu waxa uu Faray Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga in uu labada masuul u kala wareejiyo xilka Taliyaha Ciidanka Qaranka JSL.” ayaa lagu yidhi qoraalkaa.

Sidoo kale waxa Abaanduulaha Ciidanka Qaranka u magcaabay Col, C/llaahi Xaaji Jaamac (Calas), iyadoo xilkii laga qaaday Abaanduulihii hore ee ciidanka.
Qoraalka xilka lagaga qaaday, isla markaana lagu magcaabay abaanduulaha cusub, ayaa u qoranaa sidan:-  “Madaxweynaha JSL, Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) waxa uu xilkii ka qaaday Abaandulihii Hore ee Ciidanka Qaranka JSL, kuna magacaabay Abaanduule cusub.
Madaxweynuhu:-

Markuu Arkay:           Qodobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda
Somaliland;

Markuu Arkay:           In baahi loo qabo in la dar-dar geliyo hawlaha Ciidanka Qaranka;

Markuu Tixgeliyey:         La tashiga Madaxda ay arrintani khusayso;

Markuu Arkay:           In uu hanan karo xilkan loo magacaabay;

Wuxuu go’aansaday;

In Mudane, Cabdilaahi X. Jaamac (Calas) laga bilaabo taariikhda Xeerkan uu ahaado Abaandulaha Ciidanka Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland.

Xilka qaadis

Madaxweynuhu waxa uu Abaanduulahaa hore ee Ciidamada qaranka Mudane, Ibraahin Caydiid Axmed uga mahad-celiyey mudadii ay wada shaqaynayeen , gudanayeena waa-jibaadka qaranka.

Sidaa darteed, waxaan gartay in aan kaa qaado xilka Abaanduulaha Ciidanka Qaranka JSL.

Haddaba waxaan kaa rajaynayaa in aad si niyad sami ah ugu wareejiso xilka aad haysay Mudane, Cabdilaahi X. Jaamac (Calas) oo aan xilkan isaga u igmaday in uu ahaado Abaaduulaha Cusub ee Ciidanka Qaranka.” Ayaa Madaxweynuhu ku yidhi qoraalkiisa.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office     
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com    
shalcaw2@hotmail.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *