Hargeysa(ANN)Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga Somaliland Mr. Maxamed Shukri, ayaa maamulka Puntland si weyn ugu dhaliilay qaabkii ay ula dhaqmeen ergadii ugu tagay deegaankooda ee u socatay Markabka Lila ee lagu haystay halkaa oo la soo daayay, ka dib markii sida uu sheegay ay bixiyeen

 

lacag madaxfurasho ah.
Gudoomiyaha Rugta Ganacsiga  Somaliland Maxamed Shukri , wuxuu sidaa ku sheegay shir jaraa’id oo ay maanta ku wada qabteen xarunta Rugta Ganacsiga Somaliland,  isaga iyo xubno ka mid ah ganacsatada uu badeecadaha u siday markabku oo ka waramay qaabkii loo sii daayay, isla markaana qiray inay jiraan badeecado lagala degey markabkaa intii ay gacanta ku hayeen kooxdii afduubtay.
Maxamed Shukri, waxa uu maamulka Puntland ee Faroole ku sheegay inay yihiin kuwo  budhcad-badeedu daba ku hayso maamulka iyo madax-dhaqameedka Putland.
“Dhaliisha cid ba iska lahayd, waayo dhaqanka Soomaaliyeed ba waxa ka mid ah; Awr xumi geel buu ka dhashay iyo baruur qudhuntaybaruuryo qudhmisa, in degaanka Puntland uu noqday degaan ay ka suuragal noqotay in dhaca lala yimaado oo ninka xumi ku amaan helo, kuna qarsoomo, kuna nabad helo, markii hore arrintaasi noomay caddayn, laakiin ragga dhallinyarada ah ee waxaas samayna gidaaraday ku tiirsan yihiih ee ay kula soo dhumanayaan intay hantida ummadda soo dhacaan ayaannu iminka soo aragnay” ayuu yidhi.
Wuxuuna ku sifeeyay Maamulka iyo Madaxdhaqameedka Puntland kuwo ku  guul-darraystay in waajibkii islaamnimo, Soomaalinimo, darisnimo, ergada gurisiisa timi aan wanaajin,  kuwaas oo sida uu xusay ay  kow ka yihiin madax-dhaqameedka, isagoo si gaara u tilmaamay  madax-dhaqameedka dhallinyaradii markabka afduubtay ay isku degaanka ahaayeen  ee u ahaa odayaasha. sidaa awadeed wejigaa ay na tuseen baannu u haynaa haddaannu reer Somaliland nahay oo ay noogu imanayaan bari haddii Ilaahay yidhaahdo,” ayuu yidhi Mr. Maxamed Shukri
Sidoo kale wuxuu Guddoomiyuhu waxa kale oo uu dhaliil u jeediyey masuuliyiinta reer Putland, isaga oo arrintaa ka hadlayana waxa uu yidhi; “Waxa kale oo aan halkan dhaliil uga soo jeedinayaa guud ahaan maamulka Puntland ee madaxweyne Farroole odayga u yahay, waxaannu aad uga xunahay oo aannu aad ugu tilmaamaynaa reer Somaliland ninka wasiirka ka ah dekedaha iyo budhcad-badeeda, hadalada foosha xun ee dhiifta leh ee niyada ka dilaaya ergadii ee uu madasha kaga yidhi, waxaannu ka sii xunahay isaga oo aan waxba na tarin, haddana inuu shir jaraa’id qabto oo uu yidhaahdo markabkaasaannu ka hawlgalnay oo annaga soo daynay waa been wax alaale iyo wax juhdi ah oo isaga iyo maamulkiisu ku lahaayeen markabkaas soo dayntiisa haba yaraatee ma jirto, waxaannu ku tiirinaynaa in wasiirkaasi gidaaraday budhcad-badeedu ka soo jeedo inuu ka mid yahay, sida uu hadalka u yidhi, siduu ergada u qaabilayn, uguna tiiq tiiqsaday isaga oo xafiiskiisa la joogo.”
Mr. Maxamed Shurki, wuxuu isagoo sharaxaya sii daynta Markabkaa yidhi; “Markabka nalooguma  soo dayn hawlgal ninka wanaagsan ee reer Putland sameeyey, hantidayadiibaannu hantidayadii ku soo furanay, madax-furashaday doonaayeen inamadaasu markii xal kale la waayey ayaa la bixiyey ilaa iminka lacag $300 kun ku dhaw dhaw ayaa naga baxday, lacagtaasina reer Putland bay gashay oo godobteedu u taala oo ay ku maqan tahay, inankoodii baana gurigooda keenay oo ku dheefsanaya, waana markabkii labaad haddaannu hore idiinku xil qarinay oon bustaa saarnay, waxa noo muuqata inaad waddo naga jabsateen, inankaya yar ee hantidayada u soo xaytay inuu sidaa ku qaato, wixii dambe sidaa ku soo talagali maayo. Ayuu yidhi,
Hase yeeshee wuxuu Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga Somaliland si gaar ah ugu mahad-naqay shacabka iyo maamulka Galmudug oo uu tilmaamay inay la shaqeeyeen ergadii reer Somaliland ee u socotay sii daynta markabkaas, isaga oo tilmaamay in dad kaga geeriyoodeen hawlgal Galmudug ku badbaadinaysay in la fadhataysto alaabta saaran markabkaas, waxaannu tacsi u diray dadkii ku geeriyooday hawlgaladaa.
Mr. Maxamed Shukri waxa kale oo uu u mahadnaqay ganacsatada iyo culima’udiinta Putland oo uu sheegay inay soo dhaweeyeen ergadii u socotay sii daynta markabkaas, isla markaana ka hadleen cawaaqib xumada ka dhalan karta afduubka markabkaas.
Mr. Maxamed Shukri waxa uu iftiimiyey in markabkaas la bililiqaystay, isaga oo arrintaa sharaxayana  waxa uu yidhi; “Arrinta kale ee nasiib-darrada ahi waxa weeyaan markabkii waa la fadhataystay, wali dekeda laguma soo xidhin oo maannu qiimayn alaabta la fadhastaytay xaddiga iyo qiimahay leedahay ma garanayno, laakiin reer Somaliland waxaannu u sheegaynaa in la fadhataysay markabkii oo wixii lala degi karaayey maalintuu halkaa taagnaa lala degay.”
Dhinaca kale hadalka Gudooomiyaha Rugta ganacsiga Somaliland ayaa ka danbeeyay waraysi uu maanta Idaacada BBC-da siiyay  Wasiirka Gansciga iyo Dalxiiska Somaliland  C/risaaq Khaliif oo sheegay inay sii deynta markabkaa ka qaybqaateen Maamulka Puntland iyo shacbiga deegaankaa, isagoo sheegay inaan waxba lagala deign badeecadihii saarnaa oo uu si nabad ah usoo gaadhay Dekeda Berbera.
C/risaaq Khaliif, waxa uu xusay inay xukuumaddu 50% cashuurta ka dhimi doonto badeecadaha saaran markabkaa, maadaama ganacsatada afduubka looga haystay khasaare soo waajahay.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com   
shalcaw2@hotmail.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *