Hargeysa(ANN)Madaxweynaha  dawladda taagta daran ee Soomaaliya  Sheekh Shariif Sh. Axmed ayaa maanta magacaabay Guddida dhinacooda  uga qaybgelay wadahalada dhexmaraya Somaliland, kuwaas oo ka kooban 7 xubnood, isla markaana maanta u duulay dalka Britain oo ay ku balansan

yihiin dhigooda guddida dhinaca Somaliland ee Madaxweynaha somaliland dhowaan magcaabay.

Gudiga uu magacaabay Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa waxaa  hogaaminaya wasiirka arrimaha gudaha iyo amniga qaranka, C/samad Macalin Maxamuud, waxaana xubno ka ah   wasiirka maaliyadda, wasiirka howlaha guud iyo guriyeenta,  wasiirka arrimaha dibadda iyo xubno kale.
Madaxweyne   Shariif Sheekh Axmed gudida uu magcaabay oo maanta ka duulay  garoonka diyaaradaha Muqdishio ee Aadan Cadde, ayaa ka hor inta aanay kula kulmin London gudida dhigooda ah ee xukuumadda Somaliland  uga qaybgelaya wada hadaladaa, waxay  kusii hakan doonaan  magaalada Adis Ababa ee xarunta dalka Ethiopia, hakaas  oo ay kaga  qeyb gali doonaan  shir ay yeelanayaan madaxa wadamada Africa.
Dhinaca kale Madaxweynaha Somaliland ooh ore u magcaabay guddi ka kooban shan wasiir oo uga qaybeglaya dhinaca Somaliland wadahadalaa ayaa maanta qudbad uu ka jeediyay shirkii sadexaad ee xibsiga Kulmiye oo lagu qabtay Hargeysa ka sheegay inay xubnaha wasiirada ahi yihiin gogolxaadh, balse uu magcaabi doono gudi heer qaran ah oo uga qaybeglaya dhinaca  Somaliland marka lasoo diyaariyo qaabka wadahadalku noqonayo iyo waxyaabaha laga wada hadlayo.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com   
shalcaw2@hotmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *