SONY DSCHargeysa(ANN)Shirkii Golaha dhexe ee Xisbiga Kulmiye ayaa manta ku dhamaaday buuq iyo sawaxan. Kadib markii ay saraakiisha milateri ee Mayalka u hayay ku guulaysteen inay inqilaab ka sameeyaan madasha, iyagoo debeda uga saaray goobta shirku ka socday gudoomiye

 

xigeenkii labaad C/raxmaan C/qaadir oo ka mid Hogaanka Sare ee Xisbiga Kulmiye.

C/raxmaan C/qaadir oo ahaa aqoonyahanada aasaasay xisbiga Kulmiye, isla markaana ka mid ahaa xubnaha dhaqaallaha ugu baddan ku bixiya xisbiga tan markii la aasaasay, ayaa loo soo jeediyay eedayn xil ka xayuubin ah iyo in gebi ahaanba laga saaro xubinimadii xisbiga, balse markii uu u holaday inuu ka jawaabo, waxa si anshaxdaro ah oo xoog ah ula dhamqmay Ciidamadda SPU-RRU-da oo lagu amray inay debeda u saaraan, isagoo ku dhawaaqaya ereyo ay ka mid ahaayee, “Xisbiga waax isoo dhintay Dhiigaygii iyo hantidaydii ayaa ku jirta, saaxiibkay Cali Maarshaal ayaa ku dhintay anigana dhabarkaa igu jabay waa cadaaladdaro, mana aqbalayo.”

Dr. C/raxmaan C/qaadir ayaa wax yar ka dib loola cararay cusbitaalka Xayaal, isagoo saxaafada u sheegay markii uu kasoo baxay xaalad kooma ah, inay markii ay ciidamadu ka saarayeen madasha ay jugo u geysteen, taas oo damaqday nabarkii dhabarka kaga yaalay ee  kasoo gaadhay dhaawacii shilka Baabuur ee uu ku nafwaayay Marxuum Cali Maarshaal dhawr sanadood ka hor, xiligii uu xisbigu mucaaridka ahaa.
Xildhibaano ka tirsan golaha wakiilada iyo saraakiil kale oo katirsan golaha dhexe ee xibiga Kulmiye ayaa muujiyay dareenkooda sida ay uga xun yihiin qaabka loola dhaqmay Mudane C/raxmaan C/qaadir, waxaana ka mid ahaa xubnahaa xildhibaan Nac-nac oo yidhi, “C/raxmaan C/qaadir waa nin aqoonayahan ah, waa raggii usoo dhintay xibsiga, waana ka xumahay qaabka loola dhaqmay.” Sidoo kale Xildhibaan Cumar sanweyne oo ka mid ahaa dadkii la weydiiyay ayaa yidhi, “waxa dhacay arrin aad u foolxun, waana ka xumahay in sidaa loola dhaqmo oo xoog lagaga saaro madasha C/raxmaan oo ahaa raggii usoo halgamay xisbiga, waxaana anigu ka mid ahaa raggii diiday markii la yidhi cod haloo qaado.”

Xubin kalkale oo ka mid ahaa dadkii saxaafadu wax ka weydiisay qaabka loola dhaqmay C/raxmaan C/qaadir ayaa yidhi, “waa arrin foolxun, mana aha dhaqankii lagu yaqaanay Kulmiye, kani waa Kulmiye kale, waxay ahayd haddii xubin la eedaynayo in shirweynaha lala sugo, waana talaabo foolxun.”
Dhacdadan ayaa kusoo beegantay  maalintii labaad Ee shirka Golaha Dhexe xidhmayay waxa sababtay in xoog lagu muquuuniyo C/raxmaan C/qaadir,  halkii cod lagaga qaadi lahaa Kursigiisa, hase yeeshee markii laga saaray waxa la galiyay meeshiisii Xildhibaan Waabeeye oo ah Xildhibaan u dhaga fudud Xukuumadda Somaliland,  isla markaana ka mid ah xubnaha sida weyn ugu xidhan koox ka mid ah sadexda da kooxood ee maamusha Madxtooyada.
Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye Col. Muuse Biixi oo ka hadlay madasha kadib markii Buuq hadheeyay Shirka ayaa sheegay C/raxmaan C/qaadir in u far dheeraad ah ku noqday Xisbiga isla markaana uu ku kacay talaabooyin uu ku waayay Xubinamadiisii Golaha Dhexe iyo tii Xisbigaba.
Dhawaqa Guddoomiyaha ayaa muujinaya sida aanu Kulmiye uga dhabayn faanka ah in uu Dimuquraadi yahay, waxaana tan ka horaysay falal badan oo dadka naqdiya Nidaamka uu wax u wado loo adeegsado Xoog iyo tabo kale oo lagu duudsiyo xuquuqdiisa.
Marka laga yimaado dhacdadaasi, shirka Golaha Dhexe waxa manta lagu doortay Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye oo loo doortay Muuse Biixi Cabdi, C/raxmaan Saylici, Maxamed Kaahin, Xildhibaan Waabeeye iyo xildhibaan C/raxmaanTalyanle iyo Xasan Siciid oo loo doortay xoghayaha xisbiga.
Hase yeeshee waxa shirku dib u dhigay doorashadii Musharaxa Madaxweynaha oo dareen weyni ka taagnaa in ajandaha lagu soo daro, inkasta oo uu khilaaf adag qoddobkaasi ku abuuray madasha shirka, waxayna talaabada C/raxmaan C/qaadir lagaga saaray shirku muujisay weji kale  oo kusoo fool-leh xisbigaa, kaas oo ay filan karaan rag badani in sidan oo kale askar loogu dalban doono marka la gaadho shirka lagu dooranayo musharaxa madaxweynaha.(halkan Riix si aad u Daawato http://youtu.be/Q5L6aEgrFSE Video  C/qaadir oo Cusbataalka Yaal)



Araweelonews Mobile
Somaliland Office   
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *