Dubai (ANN) Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa weli ku guda jira booqashada ay ku joogaan dalka isutaga Imaaraadka Carabta ayaa Shalay kulan dhawr saacadood qaatay la yeeshay Raysal Wasaare xigeenka isutaga  Imaraadka Carabta, sida ay

shebekada wararka ee Araweelonews u sheegeen  warar xog ogaal u ah safarka  wefdiga Madaxweyne Siilaanyo iyo    waxaana   Shiikh Mansour  ayaa yeeshay kulan qaatay  Muddo ilaa 4 saacadood ah.
Wararka  u dhuun daloola kulankaa ayaa sheegaya inay labada dhinac ee Somaliland iyo Imaraadku isla qaateen waxyaabo baddan, isla markaana  Xukuumadda  Imaaraadku si cad u sheegtay inay  diyaar u yihiin oo ay danaynayaan  inay maalgashadaan Somaliland. Sidoo kale  waxay balanqaadeen inay wixii caawimooyin ah diyaar ula yihiin Somaliland.
Kulanka shalay waxay labada dhinac isla qaateen sida ay xogahaasi sheegayaan in waxyaabaha lagu heshiiyay dhamaystirkooda lagu kala saxeexdo xaflad balaadhan, iyadoo la filayo in  Khamiista soo socota wefdiga Madaxweynaha Somaliland  kulan casuumadeed la qaataan  Shiikha haysta imaarada Ras Al Khaimah  sidoo kalena maalinta  Jimcaha waxa  loo qorsheeyay wefdiga  Madaxweyne  Siilaanyo casuumad  ay u fidisay  dawlada Dubai, halkaas oo la filayo inay ku qaabilaan masuuliyiinta Shiyuukhda ugu sareeya  Imaarada Dubai.
Dhinaca kalena Wasiirada arrimaha debeda iyo ganacsiga Somaliland oo ka mid ah wefdiga Madaxweynaha Somaliland ee booqashada ku jooga Imaaraadka ayaa ka qaybgalay kulan caalami ah oo lagaga hadlayay budhcad badeeda ka qawlaysata biyaha gacanka cadmeed iyo biyaha  badweynta Hindiya. 
Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *