ku yeesheen Guddida fulinta ee Rugta Ganacsiga xaruntooda waxay Guddoomiye ugu doorteen Xasan Cabdi Cawad, oo ahaa Guddoomiye Ku Xigeenkii koowaad ee rugta ganacsiga, waxayna sheegeen in doorashada guddoomiyaha loo raacay sida uu dhigayo Qodobka 12-aad ee xeerka guddida rubta ganacsiga Xeer Lr:35/1993. Sidaa awgeed ay go’aankaa gaadheen 25 xubnood oo ka mid ah Golaha Rugta Ganacsiga, iyadoo ay doorashada guddoomiyaha cusub ansixiyeen 7-da xubnood oo rugta Ganacsiga iyo warshaddaha ah.
Sidoo kale waxa kulankaa lagu doortay Guddoomiye ku Xigeenka koowaad ee Rugta ganacsiga oo loo doortay Maxamed Shugri oo ahaa Guddoomiye Ku Xigeenkii labaad.
“Rugta ganacsigu aanay ahayn meel siyaasadeed, balse waa rug ganacsi iyo Naadi ay leeyihiin dadka ganacsatada ahi, markaa waxaan rajaynayaa in aan xilkaa ka soo bixi doono,”ayuu yidhi Guddoomiyaha cusub Mr. Xasan Cabdi Cawad oo la hadlayay saxaafaddu.
Sidoo kale, waxa ka hadlay kulankaasi Xoghayaha Rugta Ganacsiga, warshadaha iyo Beeraha Cabdilaahi Diiriye Jaamac, oo sheegay in ka waramay in doorashadani ay waafaqsan tahay sharciga u yaala rugta isla markaana si loo dardar geliyo hawl maalmeedka Rugta Ganacsiga loo doortay Guddoomiyaha cusub.
waxa kale oo Xoghaya Rugta Ganacsigu ka soo saaray doorashadan warsaxaafadeed u qornaa sidan:-“Rugta Ganacsiga, Wershaddaha iy Beeraha ee Somaliland, waxay shaaca ka qaadaysaa in Guddiga Fulinta ee Rugta Ganacsiga Shirkii caadiga ahaa ee ay yeesheen 18/04/2011, waxay soo saareen go’aanka hoos ku cad:
Guddiga Fulinta ee Rugta Ganacsiga, Wershaddaha iyo Beeraha ee Somaliland, markay qaddariyeen duruufaha la soo dersey waqtigan Maamulka Rugta, markey arkeen qodobka 12-aad Farqaddiisa 6-aad ee Sharciga dhismaha Rugta Ganacsiga ee Lambar. WG35-251093 ee 25-10-1993, ay tixgaliyeenna baahida weyn ee hortaalla hawl socodsiinta iyo xil-gudashada Rugta Ganacsiga, waxay si waafaqsan Sharciga Rugta ku wareejiyeen xilka Guddoomiye-nimada Md. Xasan Cabdi Cawad, ahaana Guddoomiye ku-xigeenkii koowaad ee Rugta laga bilaabo taariikhda 18/04/2011.”
Araweelonews Mobile
Somaliland Office
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com
What’s your Reaction?
+1
+1
+1
+1
+1
+1
+1