Buuhoodle(ANN) Kooxo loo malaynayo inay ka tirsan yihiin xarakada Al-shabaab ee koonfurta Somalia ayaa lagu arkay duleedka magaalada Buuhoodle  meel lagu magcaabo Dharkayn geenyo iyo Bali cad  oo qiyaastii  40km kaga beegan Buuhoodle dhinaca Koonfur Bari, taas oo ku taala diilinta uu maro xadka u dhexeeya Ethopia iyo Somaliland. Qaar ka mid ah dadka deegaanka

ayaa shebekada wararka ee Araweelonews u sheegay inay meelahaa ku arkeen kooxo ay uga shakiyeen inay ka mid yihiin xarakada Al-shabaab ee ka dagaalama Koonfurta Somalia oo wata gaadiid iyo hub, kuwaas oo soo gaadhay deegaankaa labadii maalmood ee u danbeeyay.
Deegaankaa waxa hore ugu sugnaa kooxda  la baxday SSC, kuwaas oo tiraba dhawr goor ay isku dhaceen ciidanka qaranka Somaliland ee ku sugan jiida duleedka Buuhoodle ee Widh-widh. Kooxda SSC ayaa hore loola xidhiidhiyay inay taageero ka helaan xarakada Al-shabaab ee Koonfurta Somalia, isla markaana dawlada Maraykanka ayaa dhowaan xabsiga u taxaabtay dad Somali ah oo lagu eedeeyay inay taageero dhaqaale u ururiyaan kooxda SSC, taas oo dawlada Maraykanku rumaysatan tahay inay xidhiidh la leedahay kooxda Al-shabaab.
Waxaana maxkamad lasoo taagay qaar ka mid ah dadkaa oo u badan haween asalkoodu yahay Somali, balse kasoo jeedaa deegaankaa.
Dhinaca kale waxa jira warar sheegaya in xukuumada Somaliland lagu war geliyay dhaqdhaqaaqa lagu arkay deegaankaa, balse ilaa hada ma jiro wax wara oo ay kasoo saartay xukuumada Axmed siilaanyo.
si kastaba aha haatee lama garanayo halka ay ku jihaysan yiihiin kooxdani, waxaana jira tibaaxo warar sheeaya inay halkaa u dhaafi doonaan dhinaca buuraleyda gobolka sanaag ee galgala oo ay maalmihii u danbeeyay dagaalo ku dhexmarayeen malayshiyo uu hogaamiyo Sh. Maxamed Attam oo dagaal kula jira maamulka Puntland, iyadoo ay jireen warar sheegaya inay  halkaa ku qulqulayaan kooxo doonaya inay gacan siiyaan wadaadkaa oo lagu tilmaamo inuu xidhiidh la leeyahay xarakada Al-shabaab
By,  Carraale  M. Jama  Freelance Journalist and Human Rights Activist 
Araweelonews Hargeysa Office  
E-mail; Info@araweelonews.com/ jaamac132@gmail.com/ shalcaw2@hotmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *