Hargeysa(ANN)Wasiirka Diinta iyo Aw-qaafta Somaliland Sheekh Khaliil Cabdullaahi Axmed ayaa ka hadlay wadaado ka mid ah kuwa Masjidada Magaalada Hargeysa oo shalay afurkii ka hordhacay Eedaanka salaadii Maqrib ee lagu afuro, kuwaas oo markaa  kadib xabsiga loo taxaabay,

 

balse lasii daayay.
Wasiirka Diinta iyo Aw-qaafta Sh. Khaliil oo xalay dadweynaha kala hadlay warbaahinta dawladda, ayaa  sheegay in aanu burayn Soonka Dadkii shalay ku Afuray Eedaankii Maqrib ee ay Imaamyada Masaajidada Hargeysa qaarkood qadimeen qadar daqiiqado ah ka hor, kuwaas oo uu sheegay inay  Daruurtii shalay da’day ka qarisay  Cad ceeda,  isla markaana aanay ka fiirsan wakhtiga Eedaanka oo ay qadimeen ilaa Toddoba sided Daqiiqo
Sh Khaliil, wuxuu sheegay in wadaada sidaa sameeyay mid ka mid ah la xidhay, balse lasii daayay habeenimadii, isagoo sidoo xusay in kuwo kale  oo ka mid ahaa Imaamyada masjidadaa uu baxsaday, wuxuuna isagoo arrintaa ka hadlaya yidhi,  “ Hal Imaam baa la xidhay mid kalena wuu baxsaday, laakiin masaajido farabadan oo Hargeysa ah ayaa shalay arrintaasi ka dhacday kii la xidhayna waanu sii daynay kuwii kalena Digniin baanu u jeedinay” ayuu yidhi
Hase yeeshee arrintaa oo xalay ka dhalisay dood dadweynaha magaalada Hargeysa, isla markaana qaar baddan oo bulshada ka mid ahi ku Afureen eedaanka wadadaadaa, taas oo uu sheegay in aanay dadkii Soomanaa eek u afuray waxba u dhimayn soonkoodii, isagoo yidhi,  “ dadku qalad ma laha wax Soonkoodii ka Nusqaamayaana ma jiro. Mu’adinka iyo Imaamka ayay Aamineen oo hawshaas masuuliyadeeda leh sida qawlka rasmiga ahi sheegayana wax dadkii Afuray Soonkooda soo gaadhayaa ma jiro” ayuu raaciyay
Wasiirka Diinta iyo Aw-qaafta Somaliland, ayaa usoo jeediyay  Culimada iyo Imaamyada Masaajidada dalka Somaliland, gaar ahaan kuwa Hargeysa ku booriyay inay Tobanka Danbe ee bisha Ramaadaan Xoojiyaan Cibaadada,  isla markaana wakhtiyada Eedaanka ka digtoonaadaan inaanay ka hordhicin ama ka dib dhicin.
Sidoo kale Sh. Khaliil, wuxuu fariin u diray  Imaamyada masaajida, isagoo  faray inaanay Cod-baahiyayaasha kor u qaadin Salaada Tahajudka, wuxuuna  ku booriyay inay Ixtiraamaan dadka aan soo xaadirin ee Hurda Guryahooda.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com   
shalcaw2@hotmail.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *