Raysal Wasaare Saacid Oo Loo Diiday Inuu Ka Qaybgalo Fadhigii Baarlamaanka Somalia,Jawaabta Uu ka Bixiyay Iyo Buuq Iyo Sawaxan Hadheeyay MadashaMuqdisho(Araweelo News Network)Fadhigii xaasaasi ah oo ay isugu yimaadeen maanta Baarlamaanka Somalia magaalada Muqdisho, ayaa dib loo dhigay kadib markii buuq iyo sawaxan hadheeyay madasha, waxaan loo diiday
Rasal Wasaree Cabdi Faarax Shirdoon(Saacid) in uu kulanka ka qaybgalo.
Kulanka oo ahaa mid xaasaasi ah, waxa kasoo qeybgalay ilaa 248 xildhibaan, kuwaas oo loo qeybiyay mooshinka ka dhanka ah Raysal Wasaare Saacid oo ayku saxeexan yihiin 168 xildhibaan.
Guddoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Cismaan Jawaari oo ka cabsi qabay in rabshado ka dhacaan madasha, ayaa ugu baaqay in ay is dejiyaan xildhibaanadu, sawaxanka iyo buuqa ayaa bilaabmay kadib markii Xildhibaan Xoosh Jibriil iyo Xildhibaan Mahad hadalo ka jeediyeen madasha.

Taageerayaasha Xasan Sheekh iyo Taageerayaasha Shirdoon ayaa labaduba hadlalo ka jeediyay madasha, waxaana dhinac walba lasiiyay min sedax daqiiqo oo fursad ah, “Raysal wasaaraha waxa u banaanayd in markii la yidhi keen iscasilaad ee Madaxweynuhu ka dalbaday uu aqbalo, markii uu keeni waayay waxa u banaaanayd in uu golaha shacabka kalsooni weydiisto, laakiin labadaa midna may dhicin, waana sababta aan Mooshinka u keenay, Mudanayaasha ayaana  xaq u leh in ay ka doodaan mooshinka, Ryasal wasaarahana hadal ugama fura halkan sababtoo ah Maxkamad maaha” sidaa waxa ydihi mid ka mid ah xildhibaanada ka hadlay madasha ee watay mooshinka la doonayo in codka kalsoonida lo qaado Raysal wasaaraha.
Hase yeeshe xildhibanada dhinaca kale Reraysal wasaaraha difaacaya ayaa ku dooday in uu xaq uleeyahay in uu is difaaco, iyadoo Raysal Wasaare Saacid qoraal uu kaga hadlayo dacwadiisa usoo gudbiyay Barlamaanka.
Mudadii lagu jiray hoolka fadhiga Baarlamaanka waxa jiray kaanbayn ka dhex socday oo lagu kala jiidanayay xildhibaanada, taas oo sababtay in qaar ka mid ah xildhibaanadii watay mooshinka ka dhanka ah Raysal wasaare Saacid dib u gurteen
Dhinaca kale qoraal kasoo baxay xafiiska Raiisul Wasaaraha Somalia Cabdi Faarax Shirdoon ayaa lagu cadeeyay in baarlamaanku diiday  dalab uu Raysal wasaare Saacid kaga dalbadey in la siiyo fursad uu baarlamana ku hortago si uu isaga difaaco eedeymaha loo soo jeedinayo ee ah in xukuumadiisa aanay waxba qaban.

Warkan ka soo baxay xafiiska Raysal wasaaraha ayaa la shaaciyay wax yar kadib markii baarlamanka Somalia uu bilaabay ka doodista mooshin ka dhan ah Saacid, iyadooo sidoo baarlamanku cod ku diidey in uu ka hadlo baarlamaanka hortiisa ka hor inta aan la gelin mooshinka.

“Eedaymaha mooshinka ku xusan ee lagu luminayo kalsoonida xukuumadda, ma aha kuwo xaqiiqda iyo dhabta ku salaysan. Waxaana ka maqan xog-ogaalnimo rasmi ah” ayaa lagu yidhi qoraalka xafiiska Raysal wasaaraha oo sheegay in xukuumaddu ay diyaarisey qoraal waafi ah ee ay kaga jawaabayso dhamaan eedaymaha loo soo jeediyay.
.
Gebagebadii iyadoo uu weli jiro sawaxankii iyo buuqii hadheeyay madasha, waxa gudoomiyaha Baarlamaanku ku dhawaaqay in fadhigu xidhanyahay oo maalinta beri ah laysugu soo laaban doono.
info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *