brlamanka somMuqdisho(Araweelo News Network) Baarlamaanka Dawlada Federaalka ee Somalia ayaa maanta yeeshay kulan xaasaasi ah oo si weyn indhaha loogu hayhay, kaas oo ujeedadiisu ahayd in miiska lasoo saaro mooshinka dhan ah xukuumadda

 

Raysalwasaare Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) oo muran weyni u dhexeeyo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.
Fadhiga maanta  oo ay kasoo xaadireen 241 xildhibaan ayaa lagu falanqeeyay sidii laga yeeli lahaa mooshinka horyaala golaha Baarlamaanka eek u waajahan in codka kalsoonida loo qaado raysal wasaaraha iyo xukuumaddiisa.

Guddomiyaha Baarlamanka Maxamed Cismaan Jawaari ayaa sheegay in kulankii maanta ay soo xaadireen in kabadan 240 xildhibaan, kuwaas oo si weyn u abaabulaa, isla markaana muujiyay sida ay uga go’antahay in ay go’aan ka gaadhaan muranka madaxweynaha iyo raysal wasaaraha.
Kulanka oo ahaa mid sawaxan iyo buuq hadheeyeen, waxa iyana ka hadlay Xildhibaanada mooshinka keenay, kuwaas sharxaad ka bixiyay sababta ay mooshinka u keeneen.
Hase yeeshee gabagabadii kulanka ayaa loo balamay dooda mooshinka maalinta berri oo axad ah ay bilaabaan xildhibaandu si loo so oaf-jaro muranka laba masuul ee u sareeya xukuumadda.
Waxaa suurta gal ah in mooshinku abuuro xiisad hor leh, isla markaana galaafto dawlada Somalia ee mujtamaca caalamku debeda kaga keenay Somalia, taas oo xiligan taagan halkii ay ku siqiireen dhamaan dawladihii muwaledka ahaa ee Somalia debeda lagaga soo waariday ee muran sidan oo kale ah ugu danbayntii galaaftay. Kadibna sidaa ku siqiiray.
Wixii kaso kordha halka uu ku danbeeyo mooshinka la geeyay Baarlamaanka Somalia kala soco shebekaddaha Arraweelo.com iyo Araweelonews.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *