Hargeysa(Araweelo News Network) Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa kusoo laabtay galabta magaalada Hargeysa. Kadib socdaal hawleed qaatay laba maalmood oo uu kusoo maray deegaamada

 

Gebilay, Wajaale iyo Alaybaday.

Madaxweynaha iyo wefdigiisa oo xalay u hoyday Gebilay ayaa maanta soo maray deegaamada Alaybaday, Wajaale iyo meelo kale, halkaas oo Madaxweynaha si weyn loogu soo dhoweeyay, isagoo xadhiga ka jaray mashaariic dawlada hoose ee gebilay fulisay, isla markana balanqaadyo u sameeyay deegaamada uu booqday.
Qoraal lagaga hadlayo booqashada Madaxweynaha ee deegamadaa oo saxaafada loo qaybiyay ayaa lagu sheegay Madaxweynuhu saaka xadhiga ka jaray mashaariic kala duwan oo ay dawlada hoose ee gabiley ka fulisay gobolka gabiley,  kuwaas oo kala ah Buundada Dugsiga Sare ee Qalax, Garoonka kubada Baaskidka, Wadada isku xidha xaafadaha magaalada gabiley iyo suuqa weyn.

Sidoo kale Madaxweynuhuwuxuu xadhiga ka jaray mashruuc qalabayn iyo dardar gelin ah oo ay dawlada hoose gobolka ku soo kordhisay Gobolka,  kuwaas oo ahaa Baabuur ay ku jiraan laba cagaf-cagaf iyo gaadhi Dabdemis ah, isagoo sidoo kale dhagax dhigay Guri laba dabaq noqon doona oo ay dawlada hoose ee gabiley ugu talo gashay in xafiisyada dawlada hoose ugu adeegaan dadka.
Madaxweynaha iyo wefdigiisa ayaa markaa kadib u gudbay degmada Alaybaday isaga oo sii maray tuulooyinka Taysa iyo Tijaara, kuwaas oo dadka deegaankusi balaadhan ugusoo dhaweeyeen, wuxuuna dhagax dhigay wado isku xidhi doonta Alaybaday iyo Hargeysa, taas oo ay maamulka iyo gudiyada kala duwan ee cuqaasha iyo madax dhaqameedka Alaybaday iska kaashanayaan samaynteeda, iyadoo dadka deegaanku sheegeen in samaynta wadadaa aaan xukuumada iyo madaxweynaha toona looga dhigayn xujo iyo in ay balan qaadaan samaynteeda.

Madaxweyne Siilaanyo  ayaa  si weyyn loogu soo dhoweeyay deegaanka Alaybaday, wuxuuna dadweynaha kala hadlay meel fagaare ah, isagoo sharaxad ka bixiyay ujeedada booqashadiisa iyo qorshaha xukuumaddiisa.
MaamulkaDegmada Alaybaday ayaa Madaxweynaha iyo wefdigiisa u sameeyay qado sharaf, taas oo loogu sameeyay Beerta weyn ee Harada Looyarka, taas oo markaa ka dib Madaxweynaha iyo wefdigiisa dhawr saacadood ku nasatay halkaa ay sawiro xusuus ah ku galeen, isaga iyo xubnaha ugu awooda badan xubnaha golihiisa wasiiradda oo ka mid ah wefdiga la socda Madaxweyne Siilaanyo.
 
Madaxweynaha iyo wefdigiisa ayaa markaa ka dib u boqoolay dhinaca Degmada Wajaale, isagoo kormeerkiisa booqashada ah ku maray Tuulooyinka Geed balaadh iyo Waalidxoor, isla markaana wefdiga Madaxweynuhu waxay u gudbeen dhinaca wajaale oo si weyn loogu soo dhaweeyey, wuxuuna hadal kooban u jeediyay dadweynaha Wajaale oo uu uga waramay guulaha xukuumaddiisa iyo waxyabaha ay doonayaan in dalka laga qabto.
Wefdiga MadaxweynahaSomaliland Axmed Siilaanyo ayaa markaa ka dib usoo laabtay dhinaca Gabiley, wuxuuna soo kormeeray wadada isku xidha Kala baydh ilaa wajaale, taas oo ay hada ka dhiman yihiin 6KM oo Madaxweyne Siilaanyo balanqaaday inay xukuumaddiisu bixinay oo dhamaystiri doonto, wuxuuna markaa ka dib kusoo laabtay galabta magaalada Hargeysa.

info@araweelonews.com

jaamac132@gmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *