budhuqDacar-budhuq(Araweelo News Network) Sadex qof ayaa ku dhintay daad xooggan oo marayay dooxa Dacar-budhuq. Kadib markii gaadhi ay saarnaayeen

daad qaaday. Sidoo kale waxa Cusbitaalka Hargeysa la keenay xalay ilaa 5 qof oo dhaawacyo kasoo gaadheen daadka dooxyadaa.

 

Shilka Gaadhiga ay saarnaayeen Afarta qof oo sadex ka kid ah ay ku geeriyoodeen daadka qaaday ayaa kasoo jeeday hal qoys, waxayna sadexda Qof ee uu Daadku qaaday kala yihiin Sacad Cali Maxamed iyo Nadiira Cali Maxamed oo ah walaalo loona yaqaano Ilma Cali Bidaar halka qofka sadexaad magaciisu yahay Xasan Maxamed Jibriil.

Sadexdaa qof ayaa ku geeriyooday shilkaa, waxaana Nolol lagaga badbaadiyay daadka Maxamed Axmed Sugule oo ay xaaladiisu fiican tahay. Sida ay sheegeen dad ehelada qoyskaa ah oo gurmad u sameeyay.

Dhinaca kale Dooxa ayaa qaaday isla shalay Gaadhi ay dawladu leedahay oo ah Nooca loo yaqaan Surf, kaas oo laga badbaadiyay dareewalkii waday  oo lagu magcaabo Xasan Wayrax oo ahaa wadaha gaadhigaa oo  lambarkiisu ahaa GT-681,  kaas oo  ay lahaayeen maamulka dawladda Hoose ee degmadda Dacar-budhuq.

Dooxyadda u dhaxeeya magaalooyinka Hargeysa iyo Berbera ayaa sanad walba xiliga Raxmada roobaabka  wax aka dhasha khasaare Nafeed iyo maaliyayeed, iyadoo aan waxba laga qaban mushkilada sanad walba ay sababaan daadka dooxyada soo rogmadaa, kuwaas oo qaada Gaadiidka iyo dadka Saaran oo ay ku haligmaan.

Dhawaan waxa ku geeriyooday sadex qof oo uu ku jiray Xildhibaan ka mid ahaa haldoorkii Golaha Guurtida Somaliland oo la odhan jiray ALLE ha u naxariistee Aadan Shire Faarax (Aadan-sanweyne). Kadib markii daad qaaday gaadhi ay saarnaayeen isaga iyo dad kale.

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *