ardegan1Ankara(Araweelo News Network) Raysal wasaaraha DowladdaTurkiga ayaa ku tilmaamay inqilaabka xukunka lagaga tuuray hogaamiyihii dalka Masar ee

 

Maxamed Mursi mid laga soo agaasimay dalka Israaiil.

 

Rajab Dayib Erdogen waxa sidoo kale uu dhaleecayn u jeediyay wadamada Carabta, gaar ahaan kuwa Khaliijka, wuxuuna sheegay in mukhaabaraatka Yahuuda iyo maamulka sare ee Yahuudda ay wax ka qorsheeyeen rididdii xukunka lagaga tuuray Max’med Mursi Madaxweynhii la qafaashay ee wadanka Masar.

Erdogan waxa uu sidaa ku sheegay  khudbad uu u jeedinayay xubnaha Xisbiga Cadaaladda iyo Horumarka Turkiga, taas oo  uu sharaxaad kaga bixiyay  qaabka Isara’iil uga dambeysay inqilaabka, “wasiirka cadaaladda Isra’iil iyo  aqoonyahanno yahuud ah ayaa markii Ikhwaanku doorashada kusoo bexeen  sheegay si kasta oo ay ugu guuleystaan dimuquraadiyadda iyo sanduuqa aanay waxba u tari doonin”ayuu yidhi Erdogan

 

Raysal wasaaraha Turkigu wuxuu sheegay inay hayaan cadaymo muujinaya in inqilaabka Madaxweyne Musri oo ahaa hogaamiyihii u horeeyay ee la doortay ahaa in xukunka laga tuuro, wuxuuna tusaale usoo qaatay  dhawaaq uu sheegay inuu kasoo baxay  2011, Wasiirka Cadaaladda ee Israaiil.

Dhinaca kale Raysal Wasaare Erdugaan wuxuu si kulul ula hadlay hoggaamiyaasha wadamada Khaliijka oo uu sheegay in ay  dhaqaale xad dhaafka ah ku bixinayaan xasuuqa shacabka dalka Masar, wuxuuna uga digay inay dhaqaalohooda ku bixiyaan xasuuqa ka socda dalka Masar ee shacabka lagu gumaadayo.

“waxaa wax laga xumaado oo laga murugoodo ah in wadamada Khaliijka ay taageera maaliyadeed oo aad u weyn siiyaan taliska inqilaabka Masar,waa wax lalayaabo in Carabtu maanta taageerayaan adimada diktaatooriyada”ayuu yidhi Erdogan.

 

info@araweelonews.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *