Milateriga Masar Oo Xabsiga U Taxaabay Hoggaamiyaha Ruuxiga Ah Ee Ikhwaanul Muslimiinka,Xusni Mubaarak  Oo La Filayo Inuu Xukunka Kusoo Laabto Iyo Mursi Oo Maxkamad Loo DiyaariyayQahira(Araweelo News Network)Millateriga dalka Masar ayaa xabsiga u taxaabay hogaamiyihii Ururka Ikhwaanul Muslimiinka Maxamad Badiic. Kadib markii

sida ay shaacisay  Warbaahinta dowladda laga soo qabtay guri ku yaalla xaafadda Al-Nasar, oo ah halka ay dibedbaxyadu ka dhigayeen taageerayaasha Madaxweynihii xilka laga tuuray ee Maxamad Mursi.

Wiil uu dhalay higaamiyaha Ikhwaanul muslimiinta ayaa la dilay maalmihii lasoo dhaafay, kaas oo ka mdi ah ahaa dadkii lagu laayay Masjidka Fatax ee ay galeen mudaharaadayaasha ka baxay Masjid Raabic al cadawiya. Sidoo kale Boqolaal qof oo kale ayaa dhintay kadib markii Ciidammada ammaanka ee Masar xoog ku kala dareeriyeen dibedbaxyaasha, wixii ka danbeeyay ka markii todobaadkii hore labada fagaare ee ay ku sugnaayeen dhawr todobaad, taas oo sababtay in kumanaan ka mid ah dadka debedbaxa samaynayay ay ku dhintaan halkaa, isla markaana boqolaal kale dhaawacyo soo gaadheen.

Ururka Ikhwaanul Muslimiinka ayaa ku baaqay dibedbaxyo looga soo horjeedo dowladda uu militeriga Masar soo dhisay, taas oo si weyn wadamada reer galbeedka iyo shaqsiyaad dunida caan ka ah kala kulantay dhaleecayn weyn tan iyo markii ay bilawday inay xoog ku kala kexeeyaan fagaarayaasha dadka mudaharaadka ku dalbanayay in lasoo celiyo madaxweynihii xukunka laga tuuray  Maxamad Mursi.

Militeriga dalka Masar, waxay dalka ka taliyeen mudo ku siman lixdan sanadood, wuxuuna Madaxweynaha xukunka laga tuuray Musri ahaa Madaxweynhii ugu horreyay ee si dimuqraadi ah loo soo doorto dalka Masar, balse  Milateriga ayaa xukunka la wareegay markii uu xilka hayay sanad, iyadoo mudaharaadyo lagu diidanaa talaabooyin uu qaaday Musri mudadii yarayd ee uu xilka hayay ay sabab u noqdeen in Milaterigu xukunka ka tuuraan.

Ururka Ikhaanul Muslimiinka oo mudo ka badan sideetan sanadood ku hamiyay sidii ay hogaanka dalka gacanta ugu dhigi lahaayeen, waxay markii u horaysay riyadooda ku guulaysteen doorashadii u horaysay ee si dumuqraadi ah loo doorto hogaamiye dalka Masar, taas oo uu ku guulaystay Maxamed  Musri oo kasoo jeeda Ururka Ikhwaanul Muslimiinka, balse waxa uu noqday Musri mid aan ku negaan xukunka, iyadoo Milaterigu si badheedh ah xukunka uga tuuray kadibna xabsiga u taxaabay.

Mudaharaadyo socday tan iyo markii Milaterigu xukunka la wareegay oo xoog lagu kala dareeriyay ayaa sababay dhacdooyin murugo badan. Kadib markii Ciidamadu si badheedha rasaas ugu adeegsadeen shacbiga taageerayaasha Musri. Sidoo kale waxa xabsiga la dhigay boqolaal kale oo ka mid ah hogaamiyayaasha Ikhwaanka, kuwaas oo qaarkood ciidamada amaanku sheegeen in ay dhinteen mudadii xabsiga lagu sii waday.

Wasiirka arrimaha Gudaha Masar ayaa sheegay mar danbe  in 600 oo ka mid ahaa maxaabiis  habeenkii Axadii todobaadkan lagu waday xabsi ku yaal duleedka Qaahira ay 37 ka mid ahaa maxaabiistu u dhinteen sunta ay ciidamadu u adeegsadeen hawlgaladii lagu kala dareerinayay dadka mudaharaadyada ka waday fagaarayaasha Nahda, Masjid Raabic al-cadawiya iyo Masjidka Fatax.

Dhinaca kale qabashada Hogaamiyaha Ikhawaanka ayaa kusoo beegantay, iyadoo ay ciidamada amaanku sheegeen in Madaxweyne Musri maalmaha soo socda la horgeyn doono Maxkamad. sidoo kale waxay qabashada hogaamiyaha Ikhwaanku kusoo beegantay, saacado kadib markii maxkamad ku taal dalka Masar sheegtay in saamaxaad lagu sii deynayo Madaxweynihii hore ee xukunka laga tuuray Xusni Mubaarak, kaas oo hore loogu xukumay xabsi daa’in, waxaana jirta saadaal lagu muujinayo inay suurta gal tahay in Mubaarak kusoo laabto xukunka dalka oo ay hada gacanta ku hayaan saaxiibadii, balse way adagtahay  in ay suurta gal noqoto in Mubaarak kusoo laabto xukunka.

Xaalada dalka Masar ayaa kasii daray, mana muuqdaan waxyaabo bidhaaminaya rajo laga qabo inay xaaladu kusoo noqoto deganaansho.

info@araweelonews.com

jaamac132@gmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By Arraale M. Jama

Araweelo News Network is a Associated Online Agencies established and operated by Somali senior journalists Arraale M. Jama, Araweelo News Network is a one of the most popular Somali Media Online, created by the one of the senior Journalist and human rights activist Arraale Mohamoud Jama 2010. Araweelonews is an independent non-profit and is not affiliated with any political party or group. Its mission is to inform and to educate people of Somaliand and Somali community democracy, Human rights issue, Health $ Education and awareness. Editor-in-Chief, Arraale M. Jaama Freelance Journalist and Human Rights Activist. Contact E-mail; Info@araweelonews.com jaamac132@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *