Somalia(Araweelo News Network) Dagaalyahanka Al-shaabaab ayaa si weyn ugu dhaliilayay ururka Ikhawaanul Muslimiinka Masar inay gamcaha ka laabtaan

 

dhiigooda la daadinayo oo ay miciin bidaan Mudaharaadyo aan waxba natiijo ah lahayn.  Bayaanka kasoo baxay Al-shaabaab oo Barta Twitterka ay ku leeyihiin lagu shaaciyay ayaa lagu saaray halka uu salka ku hayo xasuuqa shacabka Masar.

“Xasuuqa ay Melleterigu kula kaceen shacabka muslimiinta waxay caddeyn u tahay in ciidanka Masar lamid yihiin Yahuudda,ficil ahaan iyo dhaqan ahaanba,waa ciidan go’aan ku gaadhay in ay muslimiinta gumaadaan”ayaa lagu yidhi warka kasoo baxay xarakada alshabaab.

 

Sidoo kale waxa lagu sheegay bayaanka Al-shaabaab in shacbiga Muslimiinta ah ee Masar xaq u leeyihiin inay is difaacaan oo ay dagaalamaan, waxaana lagu ydhi, “Muslimiinta Masar waxaan u sheegaynaa in waxa xasuuqaya aanay  ahayn ciidankooda ee ay yihiin ciidan cadaw,xaq ayaad uleedihiin in aad naftiina difaacdaan oo aad dagaalantaan.

Ciidanka Masar ee shacabka xasuuqaya hubkooda iyo rasaastooda waxaba uma dhimaan Yahuudda dhulka muslimiinta heysata,  balse hubkoodu wuxuu kusii jeedaa dhuunta muslimiinta oo ay ku gowracayaan” ayaa lagu yidhi bayaanka Al-shabaab eek u waajahan Ikhwaanul Muslimiinka Masar.

Gebagebadii bayaanka ayaaTalooyin loogu jeediyay Ururka Ikhwaanul Muslimiinka Masar ee uu kasoo jeedo hogaamiyaha ku guulaystay doorashadii u horaysay ee ka dhacday dalkaa Maxamed Mursi, kaas oo Milaterigu xukunka ka tureen 3 july. Kadibna xabsiga u taxaabeen.

 

Xarakada Shabaabul Mujaahidiin waxay talooyiinka muhiim ah ee ay ujeediyeen Ururka ikhwaanul muslimiinka Masar ku yidhaahdeen, “Ha ku kadsoomina cambaareymaha aan qiimaha lahayn ee reer galbeedka kasoo yeedhaya,waxba idiinma tarayaan aan ka ahayn in ay xasuuqa idinkusii kordhiyaan ciidanka daalimiinta ah, sababtoo ah iyagaa ciidanka Masar lacag kusiiya shacabka, Pentagonka ayaa bixiya amarka lagu xasuuqayo shacabka”.

 

Al-shabaab waxay Madaxda Ururka Ikhwaanka ugu baaqeen in ay Allaah ka baqaan oo ay shacabka ku hoggaamiyaan wanaagga, isla markaana jihaadka qaataan mar haddii dimuquraadiyaddii gaaladu rabtay xasuuq loogu bedelay, iyagoo yidhi,  “ Ururka Ikhwaanul Muslimiin waxaan idinkula talinaynaa in ay Allaah ka cabsadaan oo aysan shacabka ku baabi’in dimuquraadiyadda bilaa natiijada ah,iska ilooba dimuquraadiyadda,  hubka qaata naftiinana ka difaaca dad qalatada  sida kala soocnaan la’aanta ah idiin xasuuqaysa” ayaa lagu yidhi Bayaanka Al-shabaab, waxaana lagu xusay in xasuuqa ka socda dalka Masar aanu ahayn mid ku kooban Ikhwaanul muslimiinka, balse uu yahay mid la doonayo in muslimiinta dhulka Masar lagu dabarjaro.

info@araweelonews.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *