Ankara(Araweelo News Network) Raysal wasaaraha DowladdaTurkiga ayaa ku tilmaamay inqilaabka xukunka lagaga tuuray hogaamiyihii dalka Masar ee
Maxamed Mursi mid laga soo agaasimay dalka Israaiil.
Rajab Dayib Erdogen waxa sidoo kale uu dhaleecayn u jeediyay wadamada Carabta, gaar ahaan kuwa Khaliijka, wuxuuna sheegay in mukhaabaraatka Yahuuda iyo maamulka sare ee Yahuudda ay wax ka qorsheeyeen rididdii xukunka lagaga tuuray Max’med Mursi Madaxweynhii la qafaashay ee wadanka Masar.
Erdogan waxa uu sidaa ku sheegay khudbad uu u jeedinayay xubnaha Xisbiga Cadaaladda iyo Horumarka Turkiga, taas oo uu sharaxaad kaga bixiyay qaabka Isara’iil uga dambeysay inqilaabka, “wasiirka cadaaladda Isra’iil iyo aqoonyahanno yahuud ah ayaa markii Ikhwaanku doorashada kusoo bexeen sheegay si kasta oo ay ugu guuleystaan dimuquraadiyadda iyo sanduuqa aanay waxba u tari doonin”ayuu yidhi Erdogan
Raysal wasaaraha Turkigu wuxuu sheegay inay hayaan cadaymo muujinaya in inqilaabka Madaxweyne Musri oo ahaa hogaamiyihii u horeeyay ee la doortay ahaa in xukunka laga tuuro, wuxuuna tusaale usoo qaatay dhawaaq uu sheegay inuu kasoo baxay 2011, Wasiirka Cadaaladda ee Israaiil.
Dhinaca kale Raysal Wasaare Erdugaan wuxuu si kulul ula hadlay hoggaamiyaasha wadamada Khaliijka oo uu sheegay in ay dhaqaale xad dhaafka ah ku bixinayaan xasuuqa shacabka dalka Masar, wuxuuna uga digay inay dhaqaalohooda ku bixiyaan xasuuqa ka socda dalka Masar ee shacabka lagu gumaadayo.
“waxaa wax laga xumaado oo laga murugoodo ah in wadamada Khaliijka ay taageera maaliyadeed oo aad u weyn siiyaan taliska inqilaabka Masar,waa wax lalayaabo in Carabtu maanta taageerayaan adimada diktaatooriyada”ayuu yidhi Erdogan.
info@araweelonews.com