Ceergaabo(ANN) Taliyihii Saldhiga  Booliska Daallo ee Ceergaabo ayaa toogasho lagu dilay caawa  wax yar ka hor salaadii Maqrib. Kadib markii dablay hubaysani  la beegsadeen tacshiirad rasaas ah, isagoo ku sugan xarunta Saldhiga oo ku taal Koonfurta magaalada

 

Ceergaabo.
Ilaa hada lama aqoonsan kooxda fulisay dilkaa iyo ujedeeda laga lahaa, balse wararka qaar ayaa  shebekada Araweelonews u sheegay  inay  dilkaa fuliyeen Koox dablay ah oo Taliyaha ugu timi bacdal afurkii caawa fiidkii saldhiga, kuwaas oo sida ay wararkaasi sheegayaan ka koobnaa afar nin oo mid ka mid ahi ka tirsanaa ciidanka Booliska. Kadibna  galay saldhiga, isla markaana tacshiirad rasaas ah ku furay  Allah  hawnaxariistee Marxuum Jaamac  Ismaaciil jaamac oo ku magac dheeraa( Ina garmaqaate).
Sarkaalkaa oo lix xabadood ku dhaceen ayaa loola cararay cusbitaalka Ceergaabo isagoo dhaaca. Laakiin wararkii ugu danbeeyay ee aanu ka helay gobolka ayaa sheegaya inuu geeriyooday.
Saraakiisha Booliska ee gobolka ayaanay noo suurta gelin inay faahfaahin ka bixiyaan dhacdadaa foosha xun, isla markaana xaalada amaanka ee magaalada Ceergaabo ayaa is bedeshay markii dilkaasi dhacay  caawa, iyadoo laga cabsi qabo inay saamayn ku yeelato  amaanka. laakiin ciidamada qaranka ayaa  la wareegay caawa xaalada aminaga, iyadoo bandow lagu soo rogay magaalada. dhinaca kalena Odayaasha iyo waxgaradka ayaa galay shirar lagaga hortegayo inuu dilkaasi saamayn ku yeesho amaanka, waxayna dalbeen inay odayaasha kasoo jeeda deegaanka la rumaysan yahay inay ka yimaadeen kooxda dilkaa  fulisay ka dalbeen in lasoo qabto si wax looga qabto arrintaa.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com   
shalcaw2@hotmail.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *