Addis ababa (ANN)Raysal wasaaraha dalka Somalia Cabdi Saacid Shirdoon ayaa kala kulmay booqasho uu tegey xarunta dalka Ethiopia ee addis ababa weji gabax. Kadib

markii Raysal wasaare Saacid iyo wefdi uu hogaaminayay oo ku sugnaa maalmihii lasoo dhaafay dalka Djibouti ay shalay gaadheen xarunta dalka Ethiopia ee Addis ababa.

 

Raysal wasaare Saacid ayaa lagu qaabilay hab maamuus hoose, kadib markii soo dhowayntiisu ku koobnaatay oo keliya Safiirka u jooga halkaa dawladiisa iyo Wasiirka Xafiiska Arimaha Bulshada Dawlada Federalka Ethiopia C/fataax Sheekh C/laahi. iyadoo aan wefdiga Raysal Wasaare Saacid oo booqashadiisu ahayd tii ugu horaysay ee uu ku tago dalkaa aanay gebi ahaaanba qaabilin madaxda dhigiisa iyo saraakiisha sare ee dawlada Federaalka.

Mr. Saacid ooh ore u sheegay markii uu booqashada ku marayay Djibouti inuu booqanayo dalka Ethiopia ayaa ka qaybgalay xaflad si weyn loo agaasimay oo ay ka qaybgaleen madax badan oo gobolka ah iyo dublamasiyiin shisheeye, taas oo ahayd aasaaska hay’ad loogu magac daray “Males Foundation”, oo lagaga dhawaaqay halkaa, iyadoo dhinaca kalena shir wasiiradda arrimaha debeda ee IGAD ka furmay Addis ababa, kaas oo ay ka qaybgelay haweenayda wasiirka arrimaha debeda Somalia Foosiya Yuusuf Xaaji Aadan oo gaadhay halkaa.

Si kastaba ha ahaatee booqashada Raysal wasaaraha Somalia ee Ethiopia ayaa kusoo beegantay xili ay dawlada Ethiopia ciidamadeeda kala baxay Somalia, waxayna talaabadan iyo qaabka loola dhaqamay Saacid muujiyeen muwqifka dawlada Ethiopia ee Xasan Sheekh Maxamuud, taas oo mudooyinkii u danbeeyay Dawlada Ethiopia dib uga guranaysay, iyadoo loo aanaynayo arrimahaa kuwo ka dhashay kulamadii Madaxweyne Xasan Sheekh ee bilihii lasoo dhaafay la yeeshay Madaxweynaha Iran iyo Masar xiligii uu socday shirkii wadamada Carabta ee Qaahira iyo sidoo kale xidhiidhka dawlada Qadar ee siyaasada Xukuumadda Somalia ee cusub oo dawlada Ethiopia u aragato in aan dani ugu jirin jihada siyaasadeed xukuumadda uu Raysal wasaaraha ka yahay Saacid.

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *