Addis ababa (ANN)Xarunta dalka Ethiopia ee Addis ababa ayaa lagu qabtay Munaasibad si weyn loo agaasimay oo ay ka qaybgaleen masuuliyiinta

 

dalkaa, Madaxda dalalka  Urur Goboleedka IGAD,  Hogaamiyayaal ka socday Ururka Midawga Afrika  AU,  Dublamaasiyiin ka socotay wadamada aduunka iyo marti sharaf kale.

 

Munaasibadaa waxa kale oo ka qayb galay qoyskii Raysal wasaarihii hore ee Ethiopia iyo shaqsiyaad caan ah, waxaana lagaga dhawaaqay aasaaska Ha’adda Meles-foundation, taas oo ka shaqayn doonta fulinta Himilooyinkii iyo isbdeladii Dhaqan Dhaqaale ee Meles-Senawi  u jeexay dalkaa si aan looga leexan, isla markaana  looga  midho-dhalin lahaa Aragtidii Hogaamineed iyo Fikiradii Meles  ee bulshooyinka ku dhaqan dalkaa ee kala qowmiyadaha ah u jeexay mudadii uu xukunka gacanta ku hayay oo lagu amaano inuu horumar la taaban karo ka sameeyay dalkaa.

Raysal wasaaraha Ethiopia Hailemariam Dessalegn oo warbixin ka bixiyay  taariikhdii iyo himiladii Melez  ayaa sheegay in  Waxqabadkii iyo Aragtidii Dheerayd ee uu Males-Senawi ku sameeyay Isbedelada Horumarineed,Kobaca Dhaqaale,Xidhiidhada Dibada,Dastuurka Xaqiijiyay Federalismka Wada noolaanshaha Qowmiyadaha Ethiopia, Caawinta Danyarta iyo Xukunkii Cadaaladeed ee uu Meles Senawi  ay sabab u noqotay in dalkiisu maanta higsado wadamada horumaray, ama kuwa dhaqaalohoodu dhex dhexaadka yahay, ,waana ta nagu sii dhiirigalinaysa Balanqaadkii in aanu wadjir u Balanqaadnay Anaga iyo Shacabweynaha Reer Ethiopia  si aan looga leexanin Jihooyinkii Meles in aanu ka midhodhalino waana  ta sababtay Hay’adda Meles-Foundation  oo ahaana Hogaamiyihii Qarniga ee Geeska Afrika oo aragtidiisu gaadhsiisnayd ayuu yidhi Raysal Wasaare  Dessalegn.

Munaasibadaa waxa kale oo ka hadashay Haweenaydii uu ka tegey Meles Zaniwi  oo lagu magcaabo Azeb Mesfin, waxayna sheegatay inay aad ugu faraxsantahay in la sameeyo Hay’addaa, iyadoo u mahadnaqday masuuliyiinta dalka Ethiopia, hogaamiyayaasha iyo marti sharafta  ka qayb galay munaasibada.

Sidoo kale waxa munaasibadaa ka hadlay  Gudoomiyaha Komishanka Midawga Afrika Dr. Nkosazana Dlamini Zuma,  Madaxweynaha Suudaan Cumar Al-Bashiir, Madaxweynaha Djibouti Ismaaciil Cumar Geelle, Madaxweynaha Uganda  Yoweri Museveni, Raysal wasaaraha Somalia Cabdi Faarax  Shirdoon, Madaxweynihii hore ee Nigeria  Olusegun Obasanjo iyo madax kale oo dhamaantood ka sheekeeyay aqoontii iyo himiladii Meles oo ay ku tilmaameen inuu ahaa Wiilkii Afrika ama hogaamiyihii Afrika

Gebagebadii Munaasibadaa Meles Foundation, waxay dhawr dal oo xubno ka ah Urur goboleedka IGAD kaga dhawaaqeen lacag Malaayiin dolar ah oo ay ku deeqeen Hay’adda,  waxayna hogaamiyayaasha madasha lacagta kaga dhawaaqay ka yihiin  Suudaan 2 million US dollars, South Sudan 1 million US dollars, Djibouti 500,000 US dollars iyo  Uganda  oo ku dhawaaqday 300, 000 US dollars.

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *