raysal wasaaraha somaliaQoryoolay(Araweelo News Network)Raysal Wasaaraha Somalia Cabdiweli Sheekh ayaa lala beegsaday weerar la doonayay in lagu khaarajiyo. Kadib markii kolanyo gaadiid oo gelbinaysay isagoo usii jeeda Magaalada Qoryoolay ee Shabeelada Hoose lala beegsaday

 

hubka lagu gubo gawaadhida.

Weerarka oo ay sheegteen Xarakada Al-shabaab ayaa wararka ka imanaya deegaanka Shabeelada Hoose sheegayaan in khasaare soo gaadhay gaadhi ka mid ah kuwa kolanyada Ciidamada AMISOM ee gelbinayay Raysal Wasaaraha Somalia, kaas oo aan ilaa hada la xaqiijin khasaaraha dhabta ah eek a dhashay, balse weerarka ka dib waxa suurta gashay in Raysal Wasaaraha iyo kolanayada gaadiidka ah ee wehelisay galeen gudaha magaalada Qoryoolay.

Dhinaca kale sida ay sheegayaan wararku waxa meelo ka mid ah magaalada Qoryoolay ka dhacay dagaal hubka culus laysu adeegsaday, kaas oo u dhexeeyay ciidamada AMISOM iyo xarakada Al-shabaab.

Raysal wasaare Cabdiweli Sheekh oo shalay gaadhay magaalada Marka ayaa la kulmay weeraro qaraxyo  oo ka dhacay magaalada Marka, kuwaas oo lala beegsaday ciidamada AMISOM ee ku sugan halkaa.
Magaalada Qoryoolay ayaa mudooyinkii u danbeeyay ku jirtay go’doon. Kadib markii ay gebi ahaanba xidheen wadooyinka laga galo magaaladaa Al-shabaab, taas oo khatar gelisay ciidamada AMISOM iyo kuwa dawlada Somalia ee ku sugnaa halkaa.

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *