cukuseHargeysa(Araweelo News)Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Wacyigelinta iyo Dhaqanka Somaliland Cabdullaahi Maxamed Daahir (Cukuse) ayaa jawaab ka bixiyay su’aalaha ka taagan in madaxweyne Siilaanyo musharax u yahay xisbiga Kulmiye marka la gaadho

doorashada la filayo in ay dalka ka dhacdo 2015.
Wasiir Cukuse oo maanta warbaahinta la hadlay, isagoo ka hadlaya ujeedada socdaalka Wasiirka Caafimaadka Somaliland Dr. Saleebaan Xagla toosiye ku joogo deegaanka Buuhoodle, ayaa wax laga weydiiyay su’aal la xidhiidha in madaxweyne Siilaanyo yahay musharax hunguri ka hayo inuu mar kale kusoo laabto xukunka marka la gaadho doorashada Madaxtooyada, wuxuu isagoo su’aashaa ka jawaabaya yidhi, “Madaxweyne Siilaanyo, waa Madaxweyne la jecelyahay oo wax badan qabtay mudadii uu xilka hayay, wuxuuna xaq u leeyahay inuu is sharaxo oo kusoo laabto xukunka, waayo madaxweyne sidan oo kale ah oo dadku jecelyahay mar haddii aanay jirin wax u diidayaa in ay dadku yidhaahdaan waanu ku dooranaynaa waa dhaqanka dumuqraadiyada, mana jirto meel Madaxweynaha Somaliland ka yidhi musharax ma ihi. Sidaa darteed Madaxweyne Siilaanyo waa musharaxa xisbiga Kulmiye shanta sanadood ee danbe.” Ayuu yidhi Wasiir Cukuse.
Jawaabta Wasiirka Warfaafinta xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo ayaa soo baxday maalmo ka dib markii gudoomiyaha xisbiga Kulmiye Muj. Muuse Biixi Cabdi ku dhawaaqay inuu yahay musharax u tartamaya doorashada madaxweynaha ee soo socota oo  golaha dhexe ee xisbigu ku dooranayaan shirkooda.
Gudoomiyaha Kulmiye Muuse Biixi ayaa sidaa ka sheegay waraysi uu siiyay Idaacada BBC-da laanteeda Af-soomaaliga dhawr maalmood ka dib markii gudoomiye loogu doortay shirweynihii xisbiga Kulmiye.

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *