Boko xaraam1Abuja(Araweelo News Network)Weeraro sababay khasaare dhimasho oo gaadhaya boqolaal qof ayaa ka dhacay magaalada Gamboru Ngala oo ku taalla mel ku dhow xuduudda dalka

 

Naigaria la wadaago dalka Cameroon. Kadib markii waararkaa ay ku qaadeen magaaladaa kooxda mayalka adag ee Boko Xaraam.
Wararka ka imanaya deegaanka weerarku ka dhacay ayaa sheegaya in ilaa 300 qof lagu dilay weerarkaa oo dhacay maalintii Isniintii, kaas oo sidoo kale sababay khasaare maaliyadeed, kadib markii dab la qabadsiiyay suuqo ganacsi oo ku yaal magaaladaa Gamboru Ngala.
Dadka dhintay ayaa lagu aasay xabaalo wadareedyo waaweyn oo laga qoday halkaa, wuxuuna weerarku kusoo beegmay, iyadoo dawlada dalka Naigaria ay ku guuldaraystay in ay ogaato halka ay ku sugan yihiin 234 hablood oo kooxda Boko Xaraam ka Afduubtay bilk a hor, kuwaas oo aan la ogayn ilaa hada meesha ay ku hayaan.
Sidoo kale weerarka ayaa kusoo beegmay iyadoo kooxda Boko Xaraam Axadii todobaadkan ka Afduubay 11 haween ah oo kale gobolka Born oo ka tirsan dalka Naigaria, waxayna dhacdooyinka iyo waararada kooxda Boko Xaraam si weyn u dhaawaceen sumcada dawlada Naigaria, waxayna arrintaasi keentay in dalalka Britain, Maraykanka iyo Faransiiska ciidamo u dirayaan dalkaa si looga caawiyo sidii gabdhahaa looga soo furan lahaa kooxda Boko Xaraam, balse waxa jira warar sheegaya in gabdhahaa laga iibiyay dad u dhashay dalka Cameroon iyo dalal kale.

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *