Muqdisho(ANN)Ra’iisul-wasaaraha Soomaaliya ayaa ku dhawaaqay golle wasiirro oo ka kooban toban xubnood oo ay ku jiraan 2 xubnood oo haween ah, taas oo noqonay tiradii ugu yarayd ee gole wasiiro

 

loo soo dhiso Soomaaliya taariikhda.

magacyada Liiska xubnaha wasiiradda  iyo taariikh-nololeed kooban ee qaar ka mid ah wasiirada cusub halkan ka akhriso.

Marwo/Fowsiya Yuusuf X Aadan – Ra’iisul-Wasaare ku-xigeen / Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda:

Khabiir-hawleed xirfad iyo aqoon aad u durugsan u leh Xiidiidhada Caalamiga ah, Maaraynta, Gargaarka Bani-aadamka, Saxaafadda, Qaramada Midoobay, Tacliinta, Awoodeynta Dumarka, iyo la-tacaalidda Saboolnimada.

Saxaafadda, Tacliinta, iyo Xiriirka Caalamiga ah ku baratay jaamacado caan ah oo ku kala yaalla  Dalalka Faransiiska, Suudaan, iyo Maraykanka
Xilal sare ka soo qabatay safaaradihii ay Soomaaliya ku lahayd dalalka Jarmalka, Faransiiska  iyo Maraykanka
Aasaastay, agaasimena ka noqotay RAAD International iyo RAAD TV.
Aasaastay, noqotayna hormuudkii ugu horreeyey ee Jaamacadda Hargeysa.

Mudane/Abdullahi Abyan Nuur – Wasiirka Wasaaradda Garsoorka,Arrimaha Diinta & Awqaafta
Mudane/Cabdixakiin Maxamuud Xaaji Fiqi – Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga.Wasiirkii hore ee Gaashaandhigga, ahaana Raysal-wasaare ku-xigeen; Guddoomiyihii hore ee Guddiga Abaaraha.

Maaraynta Ganacsiga iyo Maamulka Guud ee Bulshada ku bartay Jaamacadda Strayer ee ku taalla magaalada Washinton DC ee ku taalla carriga Maraykanka
Diblumaasi ka tirsanaan jirey safaaraddii ay Soomaaliya ku lahayd dalka Maraykanka.
Ka mid ahaa ergada Soomaaliya u joogi jirtey Kulanka Guud ee Qaramada Midoobay ee magaalada New York
Ku-simaha Qunsulka Guud ka soo noqday sfaaraddii ay Soomaaliya ku lahayd dalka Kanada
Khibrad aqooneed iyo mid shaqo oo ka badan 25 sano u leh maamulka iyo Maaraynta
Ku hadla afafka Ingiriisiga iyo Carabiga

Mudane/ Cabdikariin Xuseen Guuleed – Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka.

Xirfadle hawlo  badan ka soo qabtay Maamulka iyo Maaraynta.

Agaasime-daleed u soo noqday Hay’adda Muslimka Afrika
Qayb libaax ka qaatay aas-aaska barnaamijyo aqooneed iyo kuwo hawleed oo ay leedahay Jaamacadda SIMAD
Guddoomin jirey Naadiga FPEN oo ah xiriir ay leeyihiin Ururrada ku hawlan Meheradaha Waxbarashada ee Gaarka loo Leeyahay
Ku hadla Afafka: Carabiga iyo Ingiriisiga

Mudane/Maxmuud Xasan Suleymaan (Cawil) – Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda iyo Qorsheynta. Aqoonyahan ku takhasusay khibradna u leh maaliyadda iyo qorshaynta:

Ka qalin jebiyey Jaamacadda  Istareeyar Kolleej oo ku taalla Carriga Maraykanka
Waddamada Sacuudiga iyo Iswiserland uga soo shaqeeyey Bankiga Islaamiga ah ee la yiraahdo Daarul Maal Al-Islaami.
Soo qaatay tababbarro badan oo xirfadeed oo ku saabsan maaliyadda, maalgashiga, iyo qorshaynta
Muddo ku dhaw afartan (40) sano ku soo dhex jirey mihnadda maaliyadda iyo xisaabaadka.
Si wanaagsan ugu hadla luqadaha Ingiriiska iyo Carabiga

Mudane/Cabdulaahi Ciil-mooge Xirsi – Wasiirka Wasaaradda  Warfaafinta iyo Isgaarsiinta. Aqoonyahan khibrad u leh u-saldhigidda iyo kobcinta is-gaarsiinta iyo ganacsiga, ahna sarkaal sare oo ka tirsanaa Ciidamadii Xoogga Dalka Soomaaliya

Ka qalin-jebiyey Kulliyadda Saadka ee ku tiillay Volsk iyo Saratof oo ku yaalla Midawgii hore ee Soofiyeetiga.
Hay’adda Cuntada Adduunka (WFP) uga soo shaqeeyey dalalka Afqaanistaan, Usbekistaan, Kasaakhistaan, iyo dalal kale
Khibrad shaqo iyo aqooneed oo ka badan 35 sano u leh mihnadda Is-gaarsiinta casriga ah iyo Saadaalinta Dhaqaalaha

Mudane/Cabdirisaaq Cumar Maxamed – Wasiirka Wasaaradda Kheyraadka Dalka.

Aqoonyahan ku takhasusay dhaqaalaha iyo culuumta bay’adda, khibrad iyo faham durugsanna u leh wax-soo saarka.

Ka qalin-jebiyey Jaamacadda York University oo ku taalla Carriga Kanada
Maareeyaha Barnaamijyada ka ahaa xafiis bulshada Soomaaliyeed ee Kanada ku nool looga qaban jirey adeegyada kala ah: caafimaadka, shaqo-helidda, u-doodidda saboolka iwm.
Agaasime sare ka ahaa Hay’adda Horumarinta Hiiraan oo qalab caafimaad iyo adeegyo kale oo dhinaca dhaqaalaha ah ugu deeqday cisbitaalka weyn ee Beledweyne
Guddoomiye ka ahaa Hay’adda  la yiraahdo “Danta Soomaalida” oo u ol-olayn jirtey wanaajinta xaaladda dadka Soomaaliyeed iyo dalka Soomaaliya
Si wanaagsan ugu hadla Afka Ingiriisiga

Mudane/Muxyadiin Maxamed Kaalmooy – Wasiirka Wasaaradda  Hawlaha Guud iyo Dib-u-dhiska.
Marwo/Drs Maryan Qaasim  –  Wasiirka Horumarinta Adeega Bulshada.

Wasiirkii hore ee Wasaaradda Horumarinta Dumarka & Daryeelka Qoyska.  Dhakhtarad ku takhasustay Cudurrada Carruurta iyo Taranka Haweenka.

Ka qalin-jebisay Jaamacaddii Umadda Soomaaliya, qaybta caafimaadka
Tacliinta caafimaadka ka kororsatay Waddanka Nederlaand
Shahaado Sare oo Caafimaadka Bulshada ah ka qaadatay Carriga Ingiriiska
Maamullo sare oo dhinaca caafimaadka ah ka soo qabatay dalalka Yemen, Wasaaradda Caafimaadka ee Nederlaand, iyo dalka Ingiriiska
Khibrad iyo aqoon ka badan soddon (30) sano u leh daryeelka iyo caafimaadka aadamiga
Si fiican ugu hadasha Afafka: Ingiriisiga, Dhajka, Carabiga, iyo Talyaaniga

Mudane Maxamud Axmed Xasan – Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *