Muqdisho(ANN) Mudanayaasha Baarlamaana Somalia, ayaa isku khilaafay qodobo la doonayay in laga bedelo Dastuurka Somalia, kuwaas oo muran iyo sawaxan ka abuurmay. Kulan ay maanta ku yeesheen Baarlamaanka Somalia Xarunta golaha shacabka Qaranka ee magaalada

Muqdisho ayaa  laga hadlay laba qodob oo midkood ka hadlayo awoodaha Madaxweynaha iyo qodoba kale oo ka hadlaya wadahadalada xuduudaha dalka.

Gudoomiyaha baarlamanka Somalia Maxamed Cismaan Jawaari oo kulankaa gudoominayay ayaa sheegay in ujeedada iyo qorshaha kulanku markii hore  ahaa in laga doodo xeer hoosaadka baarlamanka, balse kulanku isu bedelay in lagaga doodo qodobo ka mid ah dastuurka, kuwaas oo kala ahaa qodobka 67aad oo sheegaya in madaxweynuhu uu kala diri karo baarlamanka haddii golaha cusub ee wasiirada ay soo celiyeen labo jeer iyo qodobka 135aad oo ah in wadahadal laga geli karo xuduudaha dalku uu leeyahay.

Xildhibaanada baarlamaanka ee qodobadaaas ka dooday ayaa qaarkood si weyn uga soo horjeesteen  inay  qodobadaasi ku sii jiraan dastuurka, iyagoo sheegay in madaxweynuhu aanu  yeelan Karin awood uu baarlamanka ku kala diro maadaama isagaba uu ku yimi  doorasahada baarlamaanka, balse mudanayaasha qaarkood ayaa ku dooday inaan qodobkaa waxba laga bedelin.
Sidoo kale, xildhibaanada ayaa qaarkood soo jeediyeen  in qodobka dhigaya wadahadal in laga geli karo xuduudaha dalka uu yahay mid aan la aqbali Karin oo khatar gelinaya qaranimada dalka, waxayna sheegeen in xuduudaha dalku uu leeyahay, isla markaana  ay yihiin lama taabtaan muqadas ah, waxayna soo jeediyeen in labadas qodob dastuurka laga saaro.

Mudanayaasha ayaa isku mari waayay dooda labadaa qodob, balse ugu dambeyntii waxa labadaa qodob loo saaray guddi xildhibaano ah, kuwaas  oo ka soo talo bixinaya qaabka loo bedeli karo, iyagoo kusoo celin doona xildhibaanada. Dooda  labadaa qodob  ayaa usoo beegmay, iyadoo la filayo in raysal wasaaraha cusub ee Somalia la filayo inuu ku dhawaaqo golihiisa xukuumadda cusub oo la saadaalinayo inuu soo dhiso xuuumad tiro yar, taas oo laga cabsi qabo inay baarlamaanku hor istaagaan ansixinteeda.

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *