IMG_2145

Muqdisho(ANN) Ciidamada amaanka ee magaalada Muqdisho ayaa ugaadhanaya dhalinyarada xaafadaha magaalada, waxaana maanta gelinkii danbe hawlgal lagu qaaday Xeebta Liido lagu qabtay boqolaal dhalinayaro ah, kuwaas oo

 

 

qaarkood dhinaca badda u yaaceen markii ay arkeen ciidanka kusoo maqan, iyagoo ka cabsi qaba in xabsiyada loo taxaabo kadibna maydadkooda lagu daadiyo dhaaracyada wadooyinka.

Ciidaamada galay xeebta Liido ayaa gacanta ku dhigay boqolaal dhalinayaro ah, kuwaas oo gebi ahaanba si deg deg ah xabsiyada loogu dhaadhiciyay. sidoo kale hawlgalkaa ayaa daba socday hawlgalo maalmihii u danbeeyay lagu fuliyay xaafadaha magaalada oo lagu qab qabtay dhalinyaro badan, iyadoo ay sidan oo kale shalay galab hawlgal ciidamada Buliiska ay ka sameeyeen Degmooyinka Xamar Jajab, Waaberi iyo Xaafada Xamar weyne ku qabteen dad u badan dhalinyaro  oo tiradooda lagu qiyaasay illaa 670 qof, kuwaas oo gaadiid waaweyn dabada loo geliyay kadibna xabsiyada laga buuxuyay.

Taliyaha Ciidanka Dambi Baadhista, isla markaana  ah Afhayeenka Ciidanka Buliiska Soomaaliyeed Cabdullaahi Xasan Bariise ayaa Saxaafadda u sheegay in qaar ka mid ah dhalinayaradaa la sii daayay kadib markii wax denbi ah lagu waayay, balse waxa jira warar sheegaya in gebi ahaanba dadka la qabqabtay oo u badan dhalinayaro xabsiyada loo gudbiyay, taas oo keentay cabsi soo waajahday dhalinyarada magaalada Muqdisho ee kasoo kabanysay dagaalada iyo colaadaha daba dheeraaday.
IMG_2170
Dhinaca kale waaliidiinta ayaa si weyn uga cabsi qaba inay arki doonaan caruurtooda la raafay, iyadoo ay arrimahani kusoo beegmeen iyadoo muran weyni ka taagan yahay dhawr iyo toban dhalinayaro wax ka baranayay goobaha waxbarashada iyo kuwo iskood u shaqaysanayay oo ciidamada nabadsugida iyo kuwa denbi baadhistu sidan oo kale u kaxaysteen, balse maalmihii lasoo dhaafay maydadkooda lagu soo daadiyay xaafadihii ay deganaayeen, taas oo noqotay dhacdo ka baxsan bini aadanimada oo gef ku ah xuquuqda iyo karaamada sharafta qofka bini aadamka ah oo layaab ku noqotay bulshada Muqdisho oo  si weyn uga cadhooday, isla markaana meesha ka saartay inay shacbigu ku kalsoonaadaan ciidamada amaanka, taas oo wer wer iyo cabsi horleh ku abuurtay dhalinyarada.

IMG_2143

Iyadoo dhacdadaa iyo dhacdooyin kale oo si weyn usoo jiidaatay indhaha beesha caalamka iyo warbaahinta aduunka ay muujiyeen talaabooyinka ka baxsan bini aadanimada iyo xad gudubyada ay qaadayaan saraakiisha ciidamada dawlada aan weli cageheeda isku taagini inay muujinayaan dhaqanka laga bartay taliskii Milateriga ahaa ee dawladii Somalia, taas oo hakad gelinay taageeradii beesha caalamka ee la doonayay inay dawlada Xasan Sheekh Maxamuud noqoto mid sal u ah cadaaladda, garsoorka, xuquuqda aadamaha  iyo ilaalinta sharafta iyo karaamada qofka bini aadamka ah, isla markaana ilaalisa xoriyada saxaafada iyo cabirka rayi dhiibashada.

 

 

IMG_2180

Si kastaba  ahaatee habdhaqanka foosha xun ee xasuuqa dhalinyarada maydadkooda lagu daadiyay shaaracyada muqdisho ee ku jiray gacanta ciidanka dawlada, waxay calaamatu su’aal saareen mustaqbalka dawlada Somalia ee Xasan  Sheekh Maxamuud.

 

By,  Carraale  M. Jama  Freelance Journalist and Human Rights Activist
Araweelonews Somaliland Office 
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *