Muqdisho(ANN)Raysal Wasaarraha Somalia Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid)  ayaa ka hadlay xiisada xukuumadda cusub ee Somalia kusoo jeedisay indhaha beesha caalamka ee ka dhalatay Kufsiga loo geysto haweenka iyo dilalka weriyayaasha ka hawlgala Somalia ee

 

shirqoolada qorshaysan lagu ugaadhsado.
Rasaysal Wasaare Saacid, ayaa sidaa kus sheegay qoraal uu maanta soo saaray, isagoo kaga jawaabya dhawaaqyo ka imanayay mudooyinkii u danbeeyay beesha caalamka oo ugu baaqayay xukuumadiisa inay wax ka qabato falalka ugaadhsiga weriyayaasha iyo kufsiga ciidamada lagu eedeeyo ee loo geysto haween aan waxba galabsan.

Jawaabta xukuumadda Somalia ayaa ku soo beegantay, iyadoo ay magaalada Muqdisho ka socoto Maxkmad la saarayo gabadh sheegtay in la kufsaday iyo weriyihii banaanka soo dhigay kiiskaa oo la xidhay, taas oo sabatay inay soo jiidato indhaha beesha caalamka ee ay hormoodka u yihiin wadamada haga siyaasada Somalia iyo ururada Xuquuqda Aadamaha, kuwaas oo canbaareeyay dawlada Somalia, isla markaana ku canaantay dhacdooyinkaa.

Hase Raysal Wasaaraha Somalia Saacid waxa uu ku dooday in Dacwadda arrintaa oo maalintii shalay (Sabtidii) la horgeeyey Maxkmadda Goboka Banaadir ay sugayaan xukuumad ahaan go,aankeeda oo ay dhawrayaan xaqiijinta madaxbanaanida garsoorka Soomaaliya, “sida dalkasta garsoorkiisu u madaxbanaan yahay ayaan la faro gelin karin  Garsoorka Soomaaliya, waxaan dhawraynaa go’aanka soo bixi doona maalinta Salaasada ah oo dib loogu dhigay dacwaddan, waxaana ballan qaadaynaa in markaas aan eegno qaabka ay wax u dhaceen iyo meelaha u baahan in garsoorka laga horumariyo.” ayuu yidhi Saacid.

Wuxuuna xusay in dhaqanka Soomaaliyeed iyo sharciga dalkaba aanay meel  uga banaanayn kufsiga oo ah ceeb, sidaa awgeed  Raysalwasaaruhu wuxuu ugu baaqay dhamaan gabdhaha dhibtaadan oo kale la kulma in ay soo baxaan oo ka warbixiyaan tacadiga ay la kulmeen si loo baadho oo caddaaladda loo horgeeyo ciddii ku kacday falalkaas oo kale.

Cabdi Faarax Shirdoon wuxuu sheegay in Xukuumaddiisa ay ka go’an tahay ilaalinta xuquuqda suxufiyiinta Soomaaliyeed oo dhibaato badan soo gaadhay,  “Saxaafad madaxbanaan waa wadnaha dimoqraadiyadda waxaana naga go’an in aan ilaalino xuquuqda suxufiyiinta, mana jiro qof layska haynayo iyadoon Maxkamad la hor geyn, waan la qabnaa wel-welka saaxiibadayada beesha caalamka, laakiin waxaan ilaalinaynaa Qaranimadayada, sharcigii Muqdisho ka jiri jirey wuxuu ahaa qoriga AK47 ee Ruushka lagu sameeyo, maantana maxkmad iyo caddaalad ayaa jirta ayuu yidhi Saacid oo ka jawaabaya dhawaaqyada canbaaraynta iyo canaanta ah ee kaga imanaya dunida.

Raysal wasaare Saacid, wuxuu sheegay inay  ballan qaadayaan ilaalinta gabood-falada ka dhanka ah xuquuqda aadamaha ee dilalka Suxufiyiinta, xadhiga cabudhinta xorital qawlka iyo Kufisga loo geysto hablaha, isla markaana  ay dhisayaan Koox shaqadoodu tahay in ay ka hortagaan shaqaaqooyinka ka dhanka ah haweenka iyo dhibaatooyinka  loo geysto suxufiyiinta, kuwaas oo sida uu sheegay  ay xubno ka noqon doonaan, shaqsiyaad ka kala socda Hay’addaha xuquuqda Aadamaha, Saxaafadda, Booliska iyo qaybha kale ee Bulshada.

Normal 0 false false false EN-US X-NONE X-NONE MicrosoftInternetExplorer4

/* Style Definitions */ table.MsoNormalTable {mso-style-name:”Table Normal”; mso-tstyle-rowband-size:0; mso-tstyle-colband-size:0; mso-style-noshow:yes; mso-style-priority:99; mso-style-qformat:yes; mso-style-parent:””; mso-padding-alt:0in 5.4pt 0in 5.4pt; mso-para-margin-top:0in; mso-para-margin-right:0in; mso-para-margin-bottom:10.0pt; mso-para-margin-left:0in; line-height:115%; mso-pagination:widow-orphan; font-size:11.0pt; font-family:”Calibri”,”sans-serif”; mso-ascii-font-family:Calibri; mso-ascii-theme-font:minor-latin; mso-hansi-font-family:Calibri; mso-hansi-theme-font:minor-latin; mso-bidi-font-family:”Times New Roman”; mso-bidi-theme-font:minor-bidi;}

Araweelonews Mobile
Somaliland Office
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *